Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Ciyaaraha Somaliland oo magacaabay Guddida Olypic-ga Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa saaka magacaabay toddoba xubnood oo noqon doona Guddida Olypic-ga Qaranka Somaliland, kuwaas oo muddo sanad iyo Lix bilod ah ku samayn doona Diyaarinta shuruucada kala duwan ee lagu maamulayo ciyaaraha Somaliland. Diyaarinta doorashooyinka xidhiidhada kala duwan iyo Olambikada qaranka

Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa saaka magacaabay toddoba xubnood oo noqon doona Guddida Olypic-ga Qaranka Somaliland, kuwaas oo muddo sanad iyo Lix bilod ah ku samayn doona Diyaarinta shuruucada kala duwan ee lagu maamulayo ciyaaraha Somaliland. Diyaarinta doorashooyinka xidhiidhada kala duwan iyo Olambikada qaranka.

Wasiirka wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal waxa uu magacaabista guddidan ku baahiyey shir jaraa’id oo uu u qabtay warbaahinta Dalka, waxaana qoraalka rasmiga ah ee uu ku soo saaray guddidani u dhignaa sidan:-

Markaan arkay baahida lo qabo gudida Olombikada Qaranka . Marakaan Ogaaday inay taagantahay xiligii la hawl galinlahaa gudida Olambikada Somaliland Markaan xaqiiqsaday inay lagama maarmaantahay gudida Olambikada qaranku inay shaqayso Markaan Latashaday cidkasta oo lagamamarmaan u ah hawshan ,markaan tixgaliyay aqoontooda ,waayo aragnimadooda ,kartidooda iyo daacadnimadooda waxaan si ku meel gaadh ah umagacaabay xubnaha gudida Olambikada Somaliland oo ka kooban todoba xubnood waxaanay kala yihiin

1. Xasan Maxamad Cabdalla (Xasan Waraabe) Gudoomye.

2. Cabdirahman Maxamud Dhoore Gudoomiye Kuxigeenka Koobaad.

3. Yaasiin Qalinle Kaahin Gudoomiye kuxigeenka labaad.

4. Mubaarik Faarax Yuusuf (Xadhigle) Xoghaye.

5. Saciid Cabdirahman Jaamac (Cadhoole)

6. Cali Jibriil Xirsi

7. Maxamad Sacad Buuni.

Waxaana kamida wax yaalaha ay qabn doonaa gudida ku meel gaadhka ah ee olambikada qaranka Somaliland waxaa kamida . Diyaarinta shuruucada kala duwan ee lagu maamulayo ciyaaraha Somaliland. Diyaarinta doorashooyinka xidhiidhada kala duwan iyo Olambikada qaranka. Waxay u xilsaaranyihiin Mudo ku meel gaadh ah qor uqaadida iyo tayaynta ciyaaraha Somaliland. Waxay xidhiidh lasamaynkaraan dhamaan Hay’adaha caalamiga ah ee daneeya arimaha ciyaaraha

MAANTASOMALILAND.COM

HARGAYSAOFFICE

XUSEEN XARBI

TEL;063405413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com