Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay Xarunta Kalluumaysiga Net-Fish ee Berbera in ay ku wareejisay Shirkadda ALXarbi Trading Co, kaasoo ka fulin doona sida Heshiisku dhigayo Shirkadd Kalluumaysi.

Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay Xarunta Kalluumaysiga Net-Fish ee Berbera in ay ku wareejisay Shirkadda ALXarbi Trading Co, kaasoo ka fulin doona sida Heshiisku dhigayo Shirkadd Kalluumaysi.

Xarunta Nec-Fish ayaa ah goobta kali ah ee ay ku adeegtaan kalluumaysatada yar yare e Wadaniga ah, waxana yaalay Qaboojiyayaal iyo Baraf Dhaliye hase yeeshee waxa in muddo ah ka muuqday dayac farabadan oo ay caban jireen Kalluumaysatadu, taasoo xukuumadda looga fadhiyey in ay u dayactirto si ay nolol maalmeedkooda ugala soo baxaan badda.

Hay’adda Caalami ah ayaa iyadoo ka jawaabaysa baahida Kalluumaysatadaas yar yar ka bilowday qorshe ay dib ugu habaynayso iyadoo galainaysay lacag farabadan, hase yeeshee waxa ku qabsaday Shirkadda Xarbi oo ku dooday in ay Xukuumaddu ku wareejisay isla markaana ku adkaystay inaan laga fulin dibu-dhiska lagu wado.

Ilo wareedyo u dhuun dalloola arrintan ayaa Waaheen u sheegay in khilaaf xoogani ka dhashay Dooda Shirkadda Xarbi iyo Wasaaradda Kalluumaysiga, waxaana la sheegay in Madaxtooyada loo gudbiyey Dacwdadooda, taasoo la sheegay in ay wasaaradda kalluumaysigu ku dooday haddii ay Madaxtooyaddu soo bixisay xarunta Net-Fish isla markaana ay Heshiis la gashay shirkadda Xarbi in horta Xukuumaddu ka faa’iidaysato dibu-dhiska ay Hay’addu ku bixinayso kumanaanka Kun ee Doolar kadibna lagu wareejiyo shirkadda haddiiba Madaxtooyaddu ku adkaysato.

Ilo wareedyo u dhuun daloola Qorshaha ay xukuumaddu Net-Fish-ka Berbera ku siisay shirkadda Xarbi ayaa sheegaya in looga faa’iidaysanayo qorshe sadex geesood ah oo ay wadaan shirkaddo Reer Jabuuti ah, qaar ka tirsan Madax dhaqameedka Gobolka Saaxil iyo Shirkadda Xarbi, taasoo fududaysay in lagu wareejiyo xaruntaasi.

Dhinaca kale, waxa jira qorshe Urur Goboleddka IGAD ay Itoobiya ugaga fursayso LC in Kalluunka Somaliland loo Iib-geeyo iyadoo fududaynaysa Cashuur la’aan in loogu galiyo ganacsatada ku guulaysata in ay qaadato qandaraaskaasi, taasoo ay doonayaan in ay ka faa’iidaystaan qolooyinkan la siiyey xarunta Net-Fish kaligood.

Madaxtooyadda ayaa shirkadda Xarbi hore ugu wareejisay xarumaha Boosta Hargeysa iyo Library-ga Gandi, kuwaas oo uu iyana ka taagan yahay muran ka dhashay qaabka ay Xukuumaddu ugu wareejisay, gaar ahaana dhinaca Library-ga oo ay hore u maal-gashadeen ganacsato isla markaana ah goobta kali ah ee ay Ardayda Reer Hargeysa wax ku akhrisato.

Si kasta ha ahaatee, waxa isa soo tarana Madaxtooyaddu in ay dib u buriso Digreetooyin ay dhawaan soo saartay oo ay ku xakamaynaysay Dhulka iyo Hantida Qaranka oo si xawli ah loogu tagrifalo

WAAHEEN RESOURCE

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com