Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha Cusub Ee AKademiga Nabadda Iyo Horumarinta Somaliland Garyaqaan Maxamed Faarax Oo Ka Hadlay Xilka Cusub Ee Loo Cumaamaday Iyo Xidhiidhka Ay Leeyihiin Shacabka Somaliland.

Guddoomiyaha Cusub Ee AKademiga Nabadda Iyo Horumarinta Somaliland Garyaqaan Maxamed Faarax Oo Ka Hadlay Xilka Cusub Ee Loo Cumaamaday Iyo Xidhiidhka Ay Leeyihiin Shacabka Somaliland.

Hargeysa(msl):-Guddoomiyaha Cusub Akademiga nabadda iyo horumarinta Somaliland ee Acadamic For peace and Development Garyaqaan Maxamed Xirsi ayaa waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka guddoomiyenimo ee loo doortay,isla markaana waxa uu faah-faahin ka bixiyey xidhiidhka akadamigu la leedahay shacab-weynaha Somaliland, kaas oo uu ku tilmaamay inuu mid qoto dheer.
Garyaqaan Maxamed Faarax waxa uu sidaa ku sheegay mar uu caawa khadka Telefoonka ugu waramayey Weriye Mustafe-Jannaale oo ka tirsan bahda Hadhwanaagnews.com

Mar la weydiiyey Garyaqaan Maxamed Faarax xilka cusub ee guddoomiyaha Akademiga nadda iyo horumarinta Somaliland ee loo cumaamaday sida uu u arko? waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanay xilka guddoomiyaha Akadamiyada ee lay cumaamaday, in la ii doorto xilka (Guddoomiyaha Akadamiga nabada iyo horumarinta Somaliland) oo umadda qiimaha intaa leeg ku dhex leh bulshada waxay ii tahay farxad iyo qiimo-weyn oo aanan soo koobi karayn,waa mid ay dad baddani ka soo qeybqaateen nidaamkiisi oo aanan halkan ku soo wada koobi karayn,balse aan shakhsiyaad ka tilmaami doono Xilkan aan maanta qabtay waxa iga horreeyey laba nin oo magac ku leh Somaliland waxa iga horreeyey Dr.Xuseen Bulxan oo ahaa guddoomiyihii ugu horreeyey Akadamiga,waxa kale oo iga horreeyey Prof Maxamed Siciid Gees oo ahaa guddoomiyihii labaad Akademiga, inaan anigu booskaas fadhiisto oo aan labada nin (Dr. Bulxan iyo Prof Gees) ka dhaxlo waxaan u arkaa arrin muhiima oo ay dhalinyarada reer Somaliland ku dhiiran karaan,waana arrin dalkan wax baddan ku soo kordhin karta, waxaanay abuuri kartaa jawi ay dhalinyaradu ku hannaan karaan xilalka muhiimka ee dalkani”

Sidoo kale, Mar la weydiiyey Garyaqaan Maxamed Faarax sida uu yahay xidhiidhka u dhaxeeya Akadamiga nabada iyo shacabka reer Somaliland?Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Xidhiidhka Akadamiga nabadda iyo horumarinta Somaliland iyo bulsho-weynta reer Somaliland waa mid aad u qoto dheer, waana mid taariikh lama ilaawana dalka ku leh, akaadamiga waxa la asaasay sanadii 1998-kii, oo imika laga joogo muddo 15-sanadood ah, runtii waxa uu akaadamigu kaalin muhiima ka ciyaarey dib-u-heshiisiintii iyo dib-u-dhiskii dalka,waxa kale oo uu door muhiima ka ciyaarey nidaamkii dimuqraadiyeynta dalka, waxa sidoo kale uu door muhiima ka ciyaarey shantii doorasho ee dalka Somaliland ka dhacay,waxa kale oo uu kaalin muhiima ka ciyaarey xalinta khilaafaadka oo ay dawlada iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha iyo dawlada uu kala qeybgalay, kuwaas oo saameyn weyn ku yeelan lahaa dalka haddii aan la xalin lahayn. Akadamigu waxay sameysa cilmi-baadhis waxaana iska leh dalkan Somaliland, waana hay’ad madax-banaan oo ah meel lagu lafa guro af-kaarta,waana meel hawlaha dalkan lagu horumarinayo lagaga doodo”

Waxa kale oo la weydiiyey Garyaqaan Maxamed Faarax hay’adaha uu xidhiidhka la leeyahay, waxa u ku jawaabay oo uu yidhi “Waxa uu xidhiidh wanaagsan la leeyahay Ururada caalamiga, hay’adaha deeq–bixiyayaasha iyo hay’adaha qaramada midoobay, waxa akaadamiga gacan-dhaqaale ka helaysay intaasba oo caawinaysay hay’ada Inter-Peace oo aan u mahad-celinayo”.

“Waxaan u mahad-naqayaa aasaasayaasha Akadamiga nabadda iyo horumarinta Cabdiraxmaan Cismaan Raage, Mack Bowden iyo nin dhintay oo la odhan jirey Axmed Yuusuf, kuwaas oo ilaa imikana la shaqeeya Akademiga iyo sidii uu u noqon lahaa meel caalamka laga ictiraafsan-yahay iyo shaqaalaha Akadamiga oo iyaguna ka qeybqaata iyo dadka aanu xidhiidhka dhow leenahay ee aan wada shaqeyno Axsaabta qaranka Somaliland,Komiishanka doorashooyinka, guddida diwaangelinta Ururada, Ururada bulshada rayidka Somaliland,Jaamacadaha dawlada dhamaantood oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)”.Ayuu yidhi Garyaqaan Maxamed Faarax Xirsi.

maantasomaliland.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com