Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maareeyaha shirkadda shiidaalka ka baadhaysa dalka ee Genel Energy Ibraahim Maxamed Xasan, ayaa caawa beeniyay war uu sheegay aanay waxba ka jirin oo wargeyska HAATUF ka qoray shirkadaasi maanta.

Hargeysa (maantSomaliland.)- Maareeyaha shirkadda shiidaalka ka baadhaysa dalka ee Genel Energy Ibraahim Maxamed Xasan, ayaa caawa beeniyay war uu sheegay aanay waxba ka jirin oo wargeyska HAATUF ka qoray shirkadaasi maanta.

Maareeyaha shirkadda shiidaalka ka baadhaysa dalka ee Genel Energy Ibraahim Maxamed Xasan, ay bixinayaan wax qandaraas ah oo cusub, sidaasna waxa uu ku sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray oo u dhignaa sidan:-
“Waxaanu halkan ku soo gudbinaynaa warsaxaafadeed aanu ku beeniynayno war maanta ku soo baxay boga hore ee Wargeyska HAATUF, warkaas oo Wargeysku ku sheegtay in Wasiirka Macdanta iyo Tamarta iyo Wakiilka Shirkadda Genel Energy Ibrahim Maxamed Xassan ay qandaraasyo cusub u bixinayaan si hoos hoos ah.

Waxa ayaan darro ah in Wargeyska HAATUF ay warar aan sal iyo raad toona lahayn oo ay ku khal-khal gelinayso hawlaha sahaminta shidaalka ee laga wado dalka Somaliland ay ka qoraysay bishii ugu dambaysay. Warkaas oo maanta oo taarikhdu tahay 20/12/2013 cadadka Tirsigiisu yahay 3478 ay bogeeda hore ku soo daabacday.

Hadaba, aniga oo ah Ibrahim Maxamed Xasan Maareeyaha Shirkadda Genel Energy ee gobolladda Barri waxaan cadaynayaa inaan warkaas wargeyska Haatuf qortay uu yahay war aan sal iyo raadtoona lahayn oo ah been abuur aan waxba ka jirin.
Qandaraasyo:
Waxaan cadaynayaa in aanay jirin wax qandaraasyo ah oo kor iyo hoos midna loo bixiyey maadaama aanay shirkadu wali ka bilaabin hawl-galkeedii dalka, jirinna wax hadda lagu mashquulsan yahay sida ay Haatuf sheegtay.
Lahaansho Dhul:
Waxaan cadaynayaa in aanu jirin dhul gaar ah oo sahamin shidaal laga wado oo aniga oo ah Ibraahim Maxamed Xasan gaar la ii siiyey oo aan leeyahay, sida Wargeysku warkiisa ku daray.Waxaan u arkaa inuu yahay warkaas uu wargeysku qoray war lagu majara habaabinayo shacabka Somaliland, laguna khal-khalinayo hawlaha sahaminta shidaal baadhista ee laga wado dalka.

Waxa nasiib darro ah in meel ka dhaca qofka masuulka ah la cadaysto. Waxa uu yahay hab-dhaqanka saxaafada ee hagaagsani in warka ay qorayso ay wax ka waydiiso cida ay wax ka khusayso iyo xafiisyadooda , si ay u helaan xaqiiqda warka
xuseen xarbi
maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com