Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Sheekh Masuuliyiin Dawladeed marka xil loo magacaabayo waa la dhaariyaa, mudadii ay hayeen hadii ay dhamaato oo looga maarmi waayo in mudo loo kordhiyo intay doontaba ha ahaatee. Sidaasi dabadeed loogu kordhiyo, ma dhaar danbe ayay u baahan yihiin mise sheekh dirir?

Sheekh Masuuliyiin Dawladeed marka xil loo magacaabayo waa la dhaariyaa, mudadii ay hayeen hadii ay dhamaato oo looga maarmi waayo in mudo loo kordhiyo intay doontaba ha ahaatee. Sidaasi dabadeed loogu kordhiyo, ma dhaar danbe ayay u baahan yihiin mise s

Shaygan la yidhaah dhaartee ee qofka masuul ka ah la dhaarinayo amaba markhaatiga la dhaarinayo, mashruucba maba ah, masuulka dhaarba laguma lahaba. Masuulka Islaamku waxa uu shardi uga dhigay inuu yahay qof miyir qaba oo aynu uga jeedno inuu yahay qof diin iyo amaano iyo Iimaan leh oo xilkii lagu aamini karo oo Iimaankiisu celinayo. Kol hadii qofkaas Iimaankiisa iyo Cadaaladiisa lagu kalsoonyahay, masuuliyada waa loo dhiibayaa ee loo ma talo saaranayo kitaab uu baalaha gooyo oo uu ku dhaarto.

Dhaartu umadaha kale ee aan Islaamka ahayn bay inooga timi. Iyaga ayaan kalsooni badan ku qabin marar badan qofka masuulka ah, sidaas daraadeedbaa walaha loogu sii adkeeyaayoo iyagu ay dhaariyaan. Laakiin xaga hogaaminta wakhtigii Rasuulka SCW iyo khulafadii iyo dadkii wanaagsanaa ee hogaaminta iyo siyaasada umada Islaamka ugu horeeyay barnaamijka siyaasadee Islaamku wuu cadyahay. Markaas waxyaabaha kale ee umadaha kale la inooga soo waariday ayuunbay dhaartu kamid tahay, hadii markaas Amaanadiisa iyo Imaankiisa lagu kalsoonayahay dee wuu inagu filanyahay, hadii shaki laga qabana dee kitaab inaga joojin maayoo wuu kazoo dul boodiiye kolka horeba ayaan waxba loo diranayninba. Walaahu Aclam.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com