Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maayarkii hore ee Hargeysa Cawl Cilmi Cabdalla ayaa sheegay inuu muddo saddex sannadood ah raadinayay waddo uu kula kulmo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

(maantasomalilan) Maayarkii hore ee Hargeysa Cawl Cilmi Cabdalla ayaa sheegay inuu muddo saddex sannadood ah raadinayay waddo uu kula kulmo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Cawl waxa uu sidaa u sheegay mar uu shalay gelinkii hore weriye ka tirsan Wargeyska Saxafi kula kulmay dawladda hoose ee Hargeysa. “Muddaba waan xanuunsanayay, isla markaana waxaa jirtay in mar intii uu talada dalka hayay madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin la ii qaaday dalka Thailand halkaasi oo la igu soo daweeyay, isla markaana waxoogay caafimaad ah aan ka helay” ayuu yidhi, Cawl CIlmi Cabdalla oo ka waramaya xaaladiisa nololeed haatan. Hase yeeshee Cawl waxa uu intaasi ku daray in aanay waqti xaadirkan xaaladiisa caafimaad wanaagsanayn, isla markaana uu jeclaan lahaa in dhakhtar debadeed loo diro. “tan iyo intii aan ka soo noqday Thailand, waxaan isku dayay inaan mar dambe ku noqdo dhakhtar debadeed, isla markaana waxaan isku dayay inaan dhawr jeer la kulmo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) balse suurto gal iima ay noqon inaan la kulmo muddadaasi saddexda sannadood ahayd ee uu xilka hayay, inkasta oo aan marwalba isku dayay” Cawl CIlmi Cabdalla wuxuu noqday Maayarka magaalada Hargeysa sannadkii 2000-2003-dii, muddadaasi wuxuu magaalada Hargeysa ku soo kordhiyay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin diyaaradda taala Khayriyadda magaalada Hargeysa oo ka mid ah astaamaha ay dhalinyarada dambe ku xasuustaan waxyaabihii ka dhacay magaalada Hargeysa iyo guud ahaanba Somaliland, iyada oo ay diyaaradani ka mid tahay kuwii ay ciidamadii dawladdii Siyaad Barre u adeegsadeen duqaynta goobaha ay rayidku degan yihiin magaalada Hargeysa taasi oo sababtay in ugu yaraan inta la ogyahay ay Qaramada Midoobay diiwaangelisay inay magaalada Hargeysa oo keli ah ku dhinteen in ka badan 50,000 oo qof oo rayid ah, kuwaasi oo ay gumaadeen ciidamadii dawladdii SIyaad Barre. Intaasi oo keli ah maaha ee muddadii uu Maayarka ka ahaa Hargeysa waxa uu Cawl sameeyey in Hargeysa markii ugu horeysay taariikhda yeelato laydhka ishaaradda ah ee kala hagga baabuurta, iyada oo ilaa sannadkii 2005-tii ay Hargeysa lahayd ugu yaraan todoba ishaaro oo laydh kala midabo ah oo la mid ah kuwa caalamka ay kala hagi jireen wadooyinka baabuurtu marto ee magaalada Hargeysa. Hase yeeshee ishaarooyinkaasi waxay baaba’een ka dib markii ay waayeen daryeel intii ka dambaysay 2004-tii. Sidoo kale Cawl CIlmi Cabdalla waxa uu ka mid ahaa Odayaal reer Somaliland ah oo ay dawladdii Maxamed SIyaad Barre ku xidh-xidhay jeelka Mandheera, iyada oo bishii January ee sannadkii 1983-kii ay ciidamo ay 45 askari oo ka mid ah xoogagii ururka dhaq-dhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed ee SNM oo ah hogaaminayaan, Ilaahay u naxariistee, Maxamed Xaashi DIiriye (Lixle), (AHN) C/Xakiin SUmuni, Kornayl Xayd iyo C/Raxmaan Maxamed Case ay kala baxeen jeelka Mandheera maxaabiistaasi. Odayaashani oo ay tiradoodu aad u badnayd ayaa intoodii badnayd wada dhinteen, isla markaana uu Cawl ka mid yahay odayaasha fara ku tiriska ah ee ka sii nool. Ugu dambayn Cawl Cilmi oo kaftamayaa waxa uu yidhi. “Allaha u naxariistee Gaariye ayaa laga hayaa dadkeenu qof kasta oo ay jecel yihiin marka uu dhinto ayay aas qaran u sameeyaan’e, marka uu nool yahay aad uma ogaadaan, markaa anna waxaan leeyahay kolay haddii aan dhinto waxaad odhan doontaan Cawl wanaagsanaayaay’e, haatan waxaan u baahanahay in dhakhtar la I geeyo”.

maantasomaliland

hargaysa/office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com