Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

ayor ku Xigeenka Magaalada Hargeysa Xildhibaan Cabdi Casiis Maxamed Xaashi ayaa Shalay la Kulmay Mayor Ku Xigeenka Magaalada London Marwo Victoria Burnett MA.

 

mayarkii london2iMMyor ku Xigeenka Magaalada Hargeysa Xildhibaan Cabdi Casiis Maxamed Xaashi ayaa Shalay la Kulmay Mayor Ku Xigeenka Magaalada London Marwo Victoria Burnett MA.

 

Mayorka ku Xigeenka  oo ay Wahelinayeen Safiirka Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed iyo Madaxa Ururka HAYA mudane Cabdirashiid Aadan iyo Mudane Xuseen Ibraahim Askar oo ka tirsan Hormuudka Jaaliyada reer Somaliland ee UK ayaa waxa kulankaas lagaga wada hadlay arrimo badan oo ka turjumayay sidii ay Magaalada London u caawin lahayd magaalooyina Somaliland gaar ahaan Caasimada Somaliland oo ay ku nool yihiin in ka badan Hal Milyan oo Qof.

 

Mayor ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Xaashi ayaa si qoto dheer ugu warbixiyay baahiyaha Caasmada Hargeysa ee ugu muhiimsan in wax lagala qabto, waxaana uu sheegay in ay ugu horreyso sidii loo abuuri lahaa Shaqaale Dab-damis oo leh qalab dhamaystiran oo ka hor taga khatarta uu Dabku ku hayo bulshada, taasoo ay ku naf waayaan kuna dhaawacmaan dad aad u tiro badani, waxaana uu ka warbixiyay tirada dadka, guryaha iyo hantida ay waxyeeladu kasoo gaadho Dabku sanad kasta, isla markaasna aanay haysan Qalabka Damdamiska. Waxa kale oo uu sheegay in Habaynta Qashinka iyo Ilaalinta Caafimaadka bulshadu ay ka mid tahay waxa ay ugu baahida badan yihiin in wax lagala qabto.

 

Safiirka Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland Ambassador Kaysar Cabdilaahi Maxamed ayaa isna tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in Magaalooyinka kala duwan ee UK ay gacan u fidiyaan magaalooyina kala duwan ee Somaliland, lana abuuro sidii xidhiidh wada shaqayneed iyo mid wax wada qabsi uu u dhex mari lahaa magaalooyinka Somaliland iyo kuwa UK, waxa kale oo xusay inay jaaliyadaha reer Somaliland ee dunida dacaladeeda ku nooli ay intii karaankood ah ka qayb qaataan Horumarinta Somaliland laakiin loo baahan yahay in wadamada horumaray ay kaalmo muuqta u fidiyaan Somaliland, isaga oo tilmaamay inay ka shaqayn doonaan sidii Magaalooyinka Somaliland loogu xidhi lahaa magaalooyinka Dunida.

 

Madaxa Ururka HAYA Mudane Cabdirashiid Aaden iyo Mudane Xuseen Ibraahim Askar ayaa iyaguna si qoto dheer uga hadlay sida ay uga filayaan in London ay gacan ka geysato horumarinta Hargeysa, iyaga oo tilmaamay in kumanaan reer Somaliland ah oo haysta Dhalashada dalkan UK ayn ku nool yihiin Caasimada Hargeysa, taasina ay waajib ka dhigayso in magaalooyinka UK ay caawiyaan magaalooyina Somaliland.

 

Ugu Danbayn Mayor ku Xigeenka Magaalada London Marwo  Victoria Burnett ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay booqsahada uu Mayor ku Xigeenka Caasimada Hargeysa ugu yimi, waxaanay tilmaantay in loo baahan yahay xidhiidh dhex mara Magaalada Hargeysa iyo London, waxaanay Buug Hadyad ah oo ka hadlaya taariikhda London gudoonsiisay Mayor ku Xigeenka Hargeysa, isaga oo dhinaciisa Mayor ku Xigeenka Hargeysa uu hadyad dhaqameed ka hadlaysa Hidaha Somalilnd uu gudoonsiiyay Mayor ku xigenka London.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com