Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

)-Gudoomiyaha xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo maanta saxaafada kula hadlaayey xafiikiisa ayaa sheegay in aanay xisbiyada mucaaridka ah jirin wax ay ku heshiiyeen oo la xidhiidha shirka dooda qaran ee ay hore saddexda xisbi qaran sheegen in lagu wareejiyey qabashadeeda Akadamiyada Nabada.

Hargeysa(maantasomaliland)-Gudoomiyaha xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo maanta saxaafada kula hadlaayey xafiikiisa ayaa sheegay in aanay xisbiyada mucaaridka ah jirin wax ay ku heshiiyeen oo la xidhiidha shirka dooda qaran ee ay hore saddexda xisbi qaran sheegen in lagu wareejiyey qabashadeeda Akadamiyada Nabada.

gudoomiyaha oo laba cisho ka hor saxeexay isaga oo mataalayey xukumada Somaliland ogolaanshaha dooda qaran ayaa sidan maanta saxaafada u sheegay, waxaanu intaas ku daray inay ku heshiin oo kaliya saddexdan qodob.waxa uu sheegay gudoomiye muuse Biixi in ay saddex qodob oo kali ku heshiiyeen

“qodobka ugu horeeyaa waxa weeye aan wada hadalno oo meel dhex dhexaad inoo ahi shirka hayno qabato, kaasna waan ogolaanay oo meeshi waxa weeye Akadamiyadda.
qodobka labaad waxaanu isla qaadanay arrimaha doorshada oo waxaanu ka doodnay oo aanu isla qaadanay arrinta doorashooyinka iyo qodobka saddexaad oo ah arrimaha siyaasadda dibada, gaar ahaana wada hadaladal Somaliya iyo Somaliland”.

warar ka baxsan hadalka gudoomiye Muuse Biixi oo laga helaayo dhanka madaxtooyada ayaa sheegaya in habeenkii xalay ahaa gacan ka hadal ku dhex mari gaadhay maamulka Kulmiye iyo xubno wasiiro ah, taas oo ka dhalatay heshiiskii Xukumada iyo xisbiyada mucaaridka ee uu dhinaca xukuumadda u matalayey Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Hadalkan Maanta ka soo yeedhay Gudoomiye muuse Biixi ayaa u mucaaridka kula heshiiyeen in lagu wareejiyo Akaadamiyada nabada,isla markaana u muuqda laba codlayn,balse ilaa hada lama oga sababta keentay in uu ka noqdo is afgaradkii ay sida wada jirka ah u gaadheen.

MAANTASOMALIALAND

XUSEEN  XARBI

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com