Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Labada Gudoomiye Ku Xigeen ee Golaha Wakiilada ee Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo Dr Cali yusuf Axmed ayaa si kulul u dhaleceyey Gudomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro iyaga oo ku eedeyey in uu Qas iyo Qalalaase uu ka dhex hurinayo Golaha Wakiilada

Hargeya(maantasomaliland.com)Labada Gudoomiye Ku Xigeen ee Golaha Wakiilada ee Somaliland Baashe Maxamed Faarax iyo Dr Cali yusuf Axmed ayaa si kulul u dhaleceyey Gudomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro iyaga oo ku eedeyey in uu Qas iyo Qalalaase uu ka dhex hurinayo Golaha Wakiilada sida ay ku andacoodeen.Ladan ku xigeen oo iyaga ay madaxtooyadu dabada ka riixayso waxa ay maanta aanay ka soo xaadirin furtaanka kalfadhigii Golaha wakiiladda oo maanta dib u furmayey iga oo kaga maqnaa hawlo ay madaxtooyadu u jihaysay isla markaana ay saaka maxkamada dacwad ka dhan ah isku shaandhayntii Gudoomiyaha ka dhan ah,labadan Gudoomiye ayaa goor dambe oo laga rawaxay xarunta Golaha soo galay halkaasi oo ay warbaahinta kula hadleen,isla markaana sheegay in codkii Golaha ee ay maanta Goluhu gaadheen ahaa mid xaaraan ah sida ay sheegeen oo dhinaca ka raran.
Labadan Gudoomiye ku xigeen ee ay madaxtooyadu ka irdhaysay Golohoodii ayaa banaanka soo dhigay in u jeedada ay uga soo horjeedaan Go`aamada Golaha uu yahay in uu Gudomiye ciro yahay gudoomiye xisbi mucaaridk ah isla markaana sida hadalkooda laga dhadhan sanayey anay halka laga soo shiidaalinayo laga jeclayn oo ah dhinaca xukuumadda,waxa ay sheegeen in uu xafiiskiisa Golaha kula kulmayo masuuliyiin ka tirsan xisbigiisa wadani,waa sida ay hadalka u dhigeena balse hadal kani waxa uu ka hor imanayaa hadaladii ay hore ugu hadli jireen ee ahaa in u jeedada ay go`aamadaasi uga hor yimaadeen ay tahay mid sharci.
Si kastaba ha ahaatee waxa laga war sugayaa halka uu ku dhamaado murankan ka dhex aloosan Golaha wakiilada gaar ahaan shirgudoonka oo haatan maraya meel xaasaasiya.

HUSSEIN HARBI

MAANTASOMALILAND

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com