Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hor yimid shirka Talo-qaran ee xisbiyada Mucaaradka ah abaabulayaan isla-markaana Khamiistii doraad saddexda xisbi sheegeen in laga heshiiyeen qabashadiisa.

Guddoomiyaha xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hor yimid shirka Talo-qaran ee xisbiyada Mucaaradka ah abaabulayaan isla-markaana Khamiistii doraad saddexda xisbi sheegeen in laga heshiiyeen qabashadiisa.

Guddoomiyaha Kulmiye, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa, ayaa sheegay inay xisbiyada ku heshiiyeen inay ka wada hadleen doorashooyinka iyo siyaasadda arrimaha dibada, balse aanay isla soo qaadin qabashada shirka Talo-qaran.

Muuse Biixi, oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Annagu Waxaanu ku heshiinay shirkii saddexda xisbi Qaran, saddexd xisbi qaran waxay isugu yimaadeen inay arrinta si waaqici ah sida ictiraafku ku imanayo iyo maxaynu doonaynaa, markaa shirkani waa saddexdii xisbi qaran oo wada tashanaya, waxaanu ku heshiinay markii aan doodnay waxaanu ku heshiinay saddex qodob oo kaliya, wixii saddexdaa qodob ka baxsan qolo waliba waxay ku hadashaa waa fikirkeeda. Qodobka u horeeyaa waa inaynu wadahadallo oo meel dhexdhexaad inoo ahi shirka ha inoo qabato, meeshaasina waa Akadamiyadda”
Guddoomiye Muuse Biixi, waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu ku heshiinay inaanu ka doodno wax alaale iyo wixii ku saabsan doorashada, maxaa ka dhiman doorashada, maxaa ka dhiman diwaangalintii, qodobbadaa inaanu ka doodno oo aanu is waafajino ayaanu isku raacsanahay asxaabta” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Qodobka kale aanu ka heshiinay waa arrimaha dibadda iyo ictiraaf raadinta”

Guddoomiyaha Kulmiye, waxa kale oo uu sheegay “Shalay waan dhageystay Guddoomiyaha UCID, Faysal rayiga uu qabo waa kuwo ku kooban UCID, lama qabno, kamaanu wada tashan, annaguna waxaanu qabnaa mid ka soo horjeeda 100%” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “22-kii sanadood sidii Burco loogu wada hadlay dib looma wada tashan ee waa markii u horeysay, taa annagu ma qabno ee waanu ka duwanahay, lamana qabno dood

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com