Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hayadda Akaadamiga Nabadda oo sheegtay in markii saddexaad loo magac bixisay doodii Asxaabta Mucaaridku ku baaqeen

Hargeysa, (MaantaSomaliland)
Sida uu maanta shaaciyey Guddoomiyaha fullinta ee Akaademiga Nabada iyo Horumarka Somaliland Maxamed Faarax ayaa ka warbixiyay halka ay marayso dooddii ay saddexda xisbi qaran ku heshiiyeen.
Guddoomiyaha fullinta Akaademiga Nabada iyo Horumarka Somaliland ayaa sheegay inay xisbiyada qaranku ku heshiiyeen hanaanka loo qabanayo doodda, isla markaana ay isku raaceen in magac cusub loo bixiyo waxa ay ku heshiiyeen, kaasoo ah Dood-cilmiyeedka Xisbiyada Qaranka.
Sidoo kale, guddoomiyaha fullinta Akaademiga Maxamed Faarax oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegay in la muddeeyay waqtiga la qabanayo dood-cilmiyeedka ay xisbiyada qaranku isku waafaqeen, waxaanu yidhi, “Saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE oo 19-kii bishan uu Akaademiga Nabada iyo Horumarku isugu keenay, iyaguna heshiis ay u dhamaayeen isla gaadheen, waxay 24/Dec/2013 oo ku beegan shalay (doraad) isla af-garteen in qabashada dooddan loo magac-bixiyo, taasoo laga dhigay Dood-cilmiyeedka Xisbiyada Dalka Somaliland.
MaantaSomaliland/Hargeysa Office
Xuseen Xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com