Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tuuladda Boodadheere oo hoos timaadda degmada Gaashaamo ee gobolka Dhagax Buur ayaa la sheegay inay in uu dagaal ku dhex maray ciidamo ka tirsan liyuu booliiska dawlad deegaanka soomaalidda itoobiya iyo dad shicib ah oo xoolo dhaqato ah

 

 

Burco (MaantSomalilan)- Tuuladda Boodadheere oo hoos timaadda degmada gaashaamo ee gobolka dhagax buur ayaa la sheegay inay in uu dagaal ku dhex maray ciidamo ka tirsan liyuu booliiska dawlad deegaanka soomaalidda itoobiya iyo dad shicib ah oo xoolo dhaqato ah oo ku nool tuuladda boodadheere. dagaal ayaa sababay dhaawaca 2 qof oo ka mid ahaa ciidan beeleedka iyo hal askari oo ka dhaawacmay dhanka ciidamadda liyuu booliiska. arrintan ayaa ka dhalatay sidda la sheegay ka dib markii ay ciidamadda liyuu booliisku soo eryadeen gaadhi ka yimid dhanka magaaladda burco oo sidey raashin, dhar, iyo alaabooyin kale oo soo galay tuuladda ka dibna ay ciidamada liyuu booliisku isku dayeen inay kaxaystaan gaadhiga iyo alaabta saaranba dhanka iyo degmadda gaashaamo balse arrintaa waxaa diidey dadkii shicibka ahaa ee tuuladda ku noolaa waxaanay bilaabeen inay qoryo soo uruursadaan ka dib waxaa dhex maray dagaal. xaaladda ayaa hadda degen waxaana cusbitaalka guud ee degmadda burco saaka la soo gaadhsiiyey 2 dii qof ee ka tirsanaa ciidan beeleedka oo hadda lagu daweynayo cusbitaalka. waayaddii u danbeeyey waxaa isa soo tarayey cabashadda ay muujinayaan dadka ku nool tuulooyinka hoos yimaadda degmadda gaashaamo ee ay ka muujinayaan ciidamadda faynansiga iyo kuwa liyuu booliiska. ka dawlad deegaanka soomaalidda itoobiya iyo dad shicib ah oo xoolo dhaqato ah oo ku nool tuuladda Boodadheere ee Itoobiya.

MaantaSomaliland/ Burco Office

Maxamed Jaamac Cali

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com