Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Golaha Wakiilada ayaa fadhigii maanta waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen wax ka badalka xeerka ooliska

Golaha Wakiilada ayaa fadhigii maanta waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen wax ka badalka xeerka ooliska, fadhigan oo uu shirgudoominaayey gudoomiyaha golaha wakiilada mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) Shirgudoonka ayaa xildhibaanadii fadhigaa ku sugnaa ku wargaliyey in cod loo qaadi doono ansxinta xeerka booliska Somaliland, kaas ka soo gudbay golaha guurtida oo kaabis iyo waxka badal ku soo sameeyey. Madasha fadhigaa waxa ka soo xaadiray, 56 xildhibaan oo ka mida 82-ka xildhibaan ee uu ka kooban yahay golaha wakiiladu. ansixintiisa waxa ogolaaday 46 xildhibaan, cid diiday may jirin, waxa ka aamusay 10 xildhibaan, gudoomihina muucodayn. Sidaasna waxa ku ansaxay xeerka booliska oo ka kooban 50 qodob. Iyadoo intii aan duuduub loo ansxin ka hor qodob qodob loogu codeeyay qodobadii golaha guurtidu kaasbista iyo waxka badalka ay ku soo sameeyeen. Isla fadhigaas ayaa waxa lagu magacaaabay gudi,taas loo xilsaaray falkii lagula kacay xildhibaan Maxamed Faarax Qabile kuwaas oo ka kooban shan xubnood oo kala ah, Xildhiaan C/raxman maxamed Jaamac, Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte), Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, Xildhibaan Xamse Maxamed Gaadaweyne iyo Mustafe Maxamed X. Daahir oo h Lataliyaha sharciga ee golahaa wakiilada. Fadhigan waxaa Golaha loo qeybiyay Hadal Qoraalka Doodii Qorshaha Hiigsiga Golaha Wakiilada oo maalintii shalay la soo gabo-gabeeyay, waxa kale oo gudoomiye Cabdiraxman Cirro u magacaabay gudi ka soo talobixisa isku daygii dil ee Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile gudidan oo ka kooban 5 xubnood waxay kala ahaayeen. Gabagabadii fadhigaas ayaa shirgudoonku waxa uu xildhibaanada ku war galiyey in fadhiga kan xiga cod loo qaadidoono ansixinta xubnaha gudida cadaalada qaranka oo golaha hor iman doona. Fadhigan ayaa ahaa kii 6aad ee kal-fadhiga 23aad ee golaha wakiilada oo dhawaan furmay

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com