Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxwayne Ismacil Cumar Gelle Oo Amaanay Kaalinta Uu Suugaanta Somalida Kaga Jiro Abwaan Xasan Ganay

(maantasomalilan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaciil Cumar Gelle ayaa ammanay qaabka farshaxanka leh ee uu sugaantiisa bulshada ugu soo gudbiyo Abwaanka caanka ah ee Xasan Xaji Cabdillaahi (Xasan Ganay) Madaxweynaha Jabuuti ayaa ku sifeeyay Xasan Ganay Abwaan sugaantiisa sawir ahaan dadka ugu soo gudbinayso waxa uu kaga hadlayo, sidaana wuxuu ka sheegay maruu u waramaayay ilaacadda Codka Maraykan ee VOA. Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle oo ka hadlaaya heesta Saylo Guyaal Badan oo uu ku luuqeeyo Xasan Aadan Samatar, ayaa yidhi. “Sugaanta Abwaan Xasan Ganay rutii wa mid qaaliya, wuxuu sugaantiisa u soo gudbiyaa sawir ahaan sida heestaas.” Ammaanta Madaxweynaha Jabuuti uu u jeediyay Abwaan Xasan Ganay, ayaa timi xilli uu khadka Telefoonka kula jiray Fanaanka Caanka ee Xasan Aadan Samatar, iyadoo Madaxweyne Gelle la waydiiyay heesta uu ka codsanaayo Fanaanka, wuxuuna soo xudhay heesta Sayla.Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle, waxaa lagu tilmaama shakhsi ku dhaw sugaanta Soomaalida. – See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Madaxwayne-Ismacil-Cumar-Gelle-Oo-Amaanay-Kaalinta-Uu-Suugaanta-Somalida-Kaga-Jiro-Abwaan-Xasan-GanaySe-Heestee-Ayuu-Ugu-Jecelyahay-Heesaha-Uu-Sameeyo-Abwaanku.
xuseen xarbi
maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com