Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ucid Waxaa War-Saxaafadeedkan Cod Xoogan Ku Canbaareynayaa RASAASTA NOOL NOOL ee Lagu Laynayo Dadka Shacbiga Ee Sida SALMIGA AH uga Mudaharaadayey Biyo La,aanta Ku Dhacdey Mudo Saddex Cisho Ah, War Xukuuumada Ka Soo Baxdeyna Aaney Jirin (WARSAXAAFADEED)

JAMHUURIYADDA SOMALILAND REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka {UCID} Justice and Welfare Party

Ref/UCID/1010/2013 Date: 29/12/2013

WAR SAXAAFADEED

HARGEYSA

UJeedo/Canbaareyn Xoogan Siyaasad Xumada Xukuumada (Siyaasada Biyaha)

Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ucid Waxaa War-Saxaafadeedkan Cod Xoogan Ku Canbaareynayaa RASAASTA NOOL NOOL ee Lagu Laynayo Dadka Shacbiga Ee Sida SALMIGA AH uga Mudaharaadayey Biyo La,aanta Ku Dhacdey Mudo Saddex Cisho Ah, War Xukuuumada Ka Soo Baxdeyna Aaney Jirin

Hadaba Markey Xukuumadu Ku Guul Dareysatey Siyaasada Biyaha Ee Caasimada,Ayaa Shacbiga Somaliland Ee Ku Dhaqan Caasimadu Waxay U Hawl Galeen Siday Uga Maarmi Lahaayeen Biyo Ay Xukuumada Ka Sugaan,Waxaney Dhexdooda Samaysteen Booyado Shacabku Leeyihiin Oo Ay Ka Iibsadaan

Waa wax laga murugoodo in aynu maalintii alle keenaba aynu maqalo dad mudaharaad salamiya samaynaya oo dastuurku u baneeyey in loo adeegsado ciidamadii loo tababa barey inay amnigooda sugaan iyagoo adeegsanaya rasaas nool taas oo keenta dhimasho iyo daawac.

Qof kasta oo muwaadin ahi xaq ayuu u leeyahay in uu si salmi ah u muujiyo dareenkiisa ku waajahan tabashadiisa isaga oo aan nabadgelyada wax u dhimayn

Waa wax aad looga xumaado maatida tacadiga lagu hayo ee markay Doonayaan inay dareenkooda Si Salmiya u muujiyaan xabada loo nacayo.

Waa ayaan daro dad haraadan oo xaq u leh inay biyo helaan rasaas lagu oon tiro. Waa wax aan damiirka nooli qaadan Karin mudaharaadka maanta ka dhacay qaybo ka mid ah magalada Hargeisa ee ay dadku ku dalbanayaan inay helaan biyo si ay haraadka iyo oonka uga baxaan tasoo ka dhalatay booyadahii u dhaamin jiray oo shaqo joojin sameeyay ay kaga cabanayaan cashuuraha ayna qaadi karin ee sida ka fiirsasho la’aanta ah loogu soo rogay.

Xisbiga caddalada iyo daryeelka UCID Hore ayuu uga digay in xeerka wadooyinka ee aan laga fiirsan ee ku yimi laab la kacu keeni doono kacdoon shicib.

Waxaanu Xukuumada uga digaynaa in aan qori caaradii dadka lagu cabudhin karin.

Xukuumada Somaliland ee Musuqa iyo qaraaba kiilku dishooday iyada ayaa ka masuul ah biyo la’aanta hargaysa.

Xagay qabatay lacagtii Bangiga horumarinta Afrika ugu deeqay biyaha Hargeysa, Meeday lacagtii midowga yurub ku deeqeen biyo balaadhinta Caasimada Hargeysa,Meeday Lacagtii Isutaga Imaaradka Carabtu?

Ugu Danbeyntii Xisbiga Ucid Waxaa Uu Tacsi Tiraanyo Leh UDirayaan Dhamaan Dadkii Ku Waxyeeloobey Mudaharaadkii Shaley

Xogahaya Arimaha Gudaha Xisbiga Ucid

Md:Cabdi Maxamud Saleebaan (Mingista)

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com