Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Faallo: Qiimayn Rasaasta Oomanaha Loo Adeegsaday Iyo Inta Cashuur La Kordhiyay Keebaa Badan Wariye: Kamaal Sh Ismail Adem.

Faallo: Qiimayn Rasaasta Oomanaha Loo Adeegsaday Iyo Inta Cashuur La Kordhiyay Keebaa Badan Wariye: Kamaal Sh Ismail Adem.

Xukuumada Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaan marnaba meesh soo dhiganin dhibta iyo hawsha ay leedahay mudahaaraado dhaca, waxaaynu ogayn maanta in hargaysa lagu ooman yahay oo biyo la’aani ay jirto kadib markii booyadiihii dhaaminayay ay ku dhawaaqeen shaqo joojin ka dhan ah cashuurta lagu kordhiyay oo kor u dhaafaysa 248000 kun oo lacagta somaliland ah,

Haddaba iyado oo ay sidaa tahay ayaa waxaa caado u noqotay xukuumadihii kala danbeeyay in ay kala dhaxlaan in marka uu mudaharaad dhaco ay rasaas nool ugu jawaabaan dadka isku soo baxay ee muujinaya waxa ay tabayaan ee ay ka cabanayaa.

Si kastaba ha haatee waxaa qiimayn iyo is barbardhig kooban aynu ku samayn doonaa kharashkii baxay maanta ee lagaga hortagayay mudahaardkii oomane ee dadka ay ku biyo beeleen ee iyo rasaastii loo isticmaalay.

1. Booyadaha waxaa awal cashuur ay ku bixin jireen lix bilood oo laga qaadi jiray lacag dhan 74000 kun, sanadkii waxay noqonaysaa 2 jeer oo noqnaysa 148000 kun.

2. Waxaa lacagta lagu kordhiyay ay noqonaysaa 248000 kun oo marka loo eego intii laga qaadi jiray dhawr jeer ku jibaarmaysa.

3. Booyadaha hargaysa ka shaqeeya waxaa lagu qiyaasayaa 250 booyadoo oo booyadiiba laga doonayo sanad cashuureedkeeda 396000 kun.

4. Markaa 250 booyadoo lagu dhufto 396000 kun waxay noqonaysaa= 99000000, dollar marka laga dhigana $15231.

Haddaba aynu xisaabino maalinta kaliya ee mudaharaad dhaco inta rasaas iyo shidaal ku baxda.

1. Ciidamada kala duwan ee somaliland ayaa marka mudaharaad dhaco aan u aabo yeelin dadka mudaharaadaya waxaa ay iska ridaan rasaasta iyada oo ayna cidi ku rideen wax rasaas ah iyaga.

2. Waxaa marka la isku celceliyo dhaca ama ay ridaan rasaas badan oo inagu taagan kharash badan oo aynu iskaga difaaci lahayn cadawgeena,waxaa lagu qiyaasaa 400 oo ah rasaasta yar yar ee ka dhacda qoryaha fudud.

3. Waxaa xabada rasaasta ahi inagu taagan tahay $ 2 dollar, bal ku dhufo 400 xabo waxay noqonaysaa $800.

4. Waxaa shidaal inagaga baxa marka mudaharaad laga hor tagayo dhaw boqol oo litir oo aan iyagu qiyaas lahayn.

5. Duuduub lacagta maalinta mudahaaraad laga hortagayo waxaa baxda lacag dhan $50,000 kun oo dollar.

Haddaba marka dawladu mayna fikirayn oo ayna qiimayn waxa dhacaya ee rabshada keenaya in lagaga hortago wada haddal oo la yidhaahdo mudaharaad ha qabaninee maxaad ka cabanaysaan oo hoos loo eego cabashadooda inta ayna imin wax kale oo lala tacaalo dadka wax tabanaya.

Mise waxaa loo baahan yahay in marka ay qabtaan rasaas lagu afuufo oo lagu waayo dad qiimo iyo qaayo leh oo ay reebto naxli iyo xumaan aan hadhayn, waxaa talo iyuo tusaale u baahan xukuumada imika joogta oo aan kula talinayaa in ay mar kasta ku dadaasho wada xaajood iyo is afgaradka, waa in aynu qiimayn iyo garaadba ku salayna waxa rabshada kicin kara oo aynaan u adeegsan qumaca iyo rasaasta.

Wariye: Kamaal sh Ismail
Somaliland Hargaysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com