Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta shahaadooyin gudoonsiiyey labo boqol iyo lix arday oo ka qalin jebiyey machadka tababarka shaqaalaha ee magalada Hargaysa

(maantasomaliland)Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta shahaadooyin gudoonsiiyey labo boqol iyo lix arday oo ka qalin jebiyey machadka tababarka shaqaalaha ee magalada Hargaysa

munaasabad si weyn loo agaasimay oo ka dhacday mac-hadkaasi ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan golayaasha qaranka, waalidiintii ardayda iyo marti sharaf kale oo ay wehelinayeen ardaydii waxbarashada dhamaysatay oo mac-hadkaa ka bartay aqoonta ay ka mid yihiin xisaabaadka, luqadda English-ka iyo maamulka xafiisyada
Gudoomiyaha mac-hadka tababarka shaqaalaha Md Maxamed Mixille Boqore oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa sheegay in ardaydani muddo sanad ah baranayeen aqoonta kala duwan isla markaana ay mudan yihiin maanta in la gudoonsiiyo shahaadada DIPLOMA-da, isagoo intaa ku daray in mac-hadku yahay xarunta kobcinta aqoonta iyo farsamada shaqaalaha dawladda, ardayda uu soo saaraana waxa ay qayb ka yihiin jiilka la doonayo inay isbedelkii loo baahnaa ka hirgeliyaan dalka.
Gudoomiyaha hay’ada shaqaalaha dawladda Md Nuux sheekh Muuse Ducaale oo munaasabadaasi hadal ka jeediyey ayaa waxa uu xusay in kheyraadka dal leeyahay ay ugu muhiimsan yihiin dhalinyarada wax baratay, maadaama ay iyagu furayaal u yihiin sidii loo soo saari lahaa kheyraadka dabiiciga ah ee dalka ku jira, halka sidoo kalena uu Md Nuux sh Muuse Ducaale sheegay in Mac-hadka dhowaan loo bedeli doono Jaamacad.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arimaha Bulshada Md maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo isna hadal ka jeediyey munaasabadda qalin jebinta ardayda mac-hadka tababarka shaqaalaha dawlada ayaa sharaxaad ka bixiyey ujeedada loo tababaro shaqaalaha loona gaadhsiiyo ilaa heer-ka diploma, wasiirku waxa uu sheegay in mac-hadkani xidhiidh la leeyahay mac-hadyo calami ah ardaydan maanta qaadanaya shahaadooyinka DEGREE-ga iyo Diploma-da isugu jiraa ay yihiin kuwo aqoon ahaan lagu aamini karo mustaqbalka dawladeed.

Madaxweyne ku xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil Saylici oo Gebagebadii munaasabadaasi hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay somaliland farxad weyn u tahay arday intaa le’eg oo ka qalin jebinaysa mac-hadkii tababarka shaqaalaha dawladda, waxana madaxweyne ku xigeenku tilmaamay culayska ay leedahay waxbarashadu iyo sida ay umadda somaliland ugu heellan tahay helitaanka tacliinta sare.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland waxa uu ku bogaadiyey ardayda ka qalin jebisay mac-hadka waxana uu kula dardaarmay in ay kordhiyaan shaqooyinkii dawladeed ee ay hayeen si loo gaadho himiladii isbedel iyo tii horumar ee la tiigsanayey, waxana uu balanqaaday in dhamaan shaqaalaha dawlada noloshooda la daryeelayo iyadoo cid walba lagu qiimaynayo aqoonta ay u leedahay shaqada ay hayso.

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com