Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADANI Oo Sheegay In Ajandaha Shirka Somaliland Iyo Anay Waxba Kala Socon Xukuumaddana Ku Dhaliilay In Ay Jeebka Ku Qaadanayso Masiirkii Umadda Iyo Ajandayaal Cusub Oo Ay Iftiimiyeen In Ay Wadato Somaliya.

Hargeysa(MSL)Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI ayaa dhaliil qaabka ay xukuumadda Somaliland uga qayb-galayso shirkii Somaliland iyo somaliya oo uu shalay wasiirka arrimaha dibedda Somaliland sheegay in todobaadka soo socda uu ka furmi doono dalka Turkiga, Waxa ay sheegeen in ay xukuumaddu isku koobtay ajandaha lala hor fadhiisanayo xukuumadda Muqdisho.Gudomiyaha Guddida Arrimaha dibedda ee xisbiga WADANI Dr Maxamed Cismaan Fadal iyo hanti Dhawraha Xisbiga WADANI Xasan Xuseen Codyare oo maanta warbaahinta kula hadlayey xarunta Dhexe ee magalada Hargeysa uu ku leeyahay,ayaa waxa ay sheegeen in anay garanahayn sababta ay xukuumaddu u qarinayso ajandaha ay la tegayso Turkiga,isla markaana waxa ay sheegen in uu madaxwaynaha somaliya sheegay in ay wataan ajendayaal cusub oo ay ku soo dareen kuwii hore loogu heshiiyey,hadaba waakan Dr Fadal “Waxaanu doonaynaa shirkan jaraa,id ee xisbiga wadani Maanta Qabanayo Inaanu kaga hadalo shirka Turkiga ee loo baxayo oo ku saabsan siyaasada arimaha dibada, waxa aynu wada oqsanay in wasiirka arimaha dibada somaliland uu xalay iclaamiyey in somaliland ay ka qayb galayso shir Turkiga ah, waxa aynu wada ogsoonahay in shirarkaas turkiga loo tago waynu wada ogsoonay kii ugu danbeeyey doodii dheerayd ee laga galay.xisbiga wadani marwalba waxa uu ka hadlaa danaha dadka isaga oo matalaya shacabka reer somaliland.

Dr Maxamed Cismaan Fadal ayaa sheegay in bulshada reer somaliland ay xaq u leedahay in la ogeysiiyo shirarka lagaga hadlayo masiirkooda, waxaanu yidhi “Xaq ayay bulshadu u leedahay shirarka lagaga qayb-galayo magaceeda Gaar ahaan kuwa lagaga hadlayo masiirkeeda waa in ay ogadaan shirkaas ay dawladoodu ajandaha ay la tagayso,dalkan somaliland waa dimuq-raadiyad, dal dig-taatooriya, maaha qofna jeebka kuma qaadan karo masiirkiisa, Dawlada Waa La Doortay Shirarka Way Ka Qayb Gali Kartaa Lakiin Shirkaas ay Xukuumadu Ka Qayb Galayso Miyey Xisbiyada Mucaaradka ah U dhanyihiin oo Talo Laga siiyey Mise Kaligeed ayaa Jeebka ku Shubatay”ayuu yidh Dr Maxamed Cismaan Fadal.

Waxa uu intaasi ku daray in ay jirto cabudhin badan oo ay xukuumaddu ku hayso xisbiyada Mucaaradka ah, taladii wadankana ay kelideed isku koobtay, waxaanu yidhi”Waxa la filayey oo hore looga hadlay oo in badan La sheegay oo maanta taagan cabudhin xad dhaaf ah oo lagu hayo dadka reer somaliland Waxaana ku Haysa Dawladii ay Doorteen Madaxdoodu Ma Ogala In Ay Shacabkeeda waxa u sheegto waxa yaabaha ay Somaliya kala hadlayso Arintaasi Waa Mid Nuqsaan Xukuumada Kulmiye Ku Ah.Waxaan Anigu Markaas Umalaynaya Kolay Dastuurkii Somaliland waxa uu Jidaynayaa ama Ku Cad In Somalia Iyo Somaliland ay Kala Yihiin Laba Dal, Markaas waxa laga wado hadlayo Maaha Arin Mad-Madow Gali Karo.

Sidoo kale waxa uu xukuumada usoo jeediyey inay talada lawadaagto labada xisbi mucaarad iyo dadka soo doortay waxaana uu yidhi”Waxaan U soo jeedin lahaa in labada xisbi mucaarad loo yeedho, Golayaasha barlamaanka talada waxa laga siiyo, saladiinta iyo bulshada rayidka talada waxa Looga Dhiibo, Arinka Somaliya Loola Tagayaana Uu Noqdo Mid Aynu Gudaheena ku Dhamayno, Anaga Xisbi Mucaarad Ahaan Shirka Lala Tagayo Ee Xukuumada kulmiye Kaligeed Isku Koobtay Waxba Kama Ogin” ayuu yidhi.

Mar Uu la hadlayay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland, waxa uu yidhi “Wasiirka arimaha dibada ee kaligii talada goostay miyaanaan talada la lahayn, yaa laga qarinayaa miyaanan anagu ahayn kuwii sharciga iyo dastuurka dalka uyaala, haday xukuumada ka talaabsato kuwii toosin lahaa anagu miyaanan ahayn.

Waxaan leeyahay anigu dawlada kaligeed la dhuumanaysa in ay ka qayb gasho wada hadalada somaliya iyo somaliland ee ka furmaya dalka Turgiga anaga cid namay ogaysiin cidna nagamay talo siin ee waxii ka soo bax anigu xisbi mucaarad ahaan kama masuul nihin kumana raacsanin. Ayuu Markale yidhi Gudomiyaha Guddiida Arrimaha dibedda Xisbiga WADANI Dr Maxamed Cismaan Fadal.

maantasomaliland
Hargeysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com