Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

XISBIGA UCID OO U MAGACAABAY SADDEX MASUUL GARABKA HAWEENKA EE FINLAND‏

XISBIGA UCID OO U MAGACAABAY SADDEX MASUUL GARABKA HAWEENKA EE FINLAND‏.

Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ee UCID waxa uu u dhignaa sidatan…..

Xisbiga UCID isaga oo ka duulaya u diyaar garawga dhamaystirka qaab-dhismeedka guud ee xisbiga,isla markaana bilaabay dib u habaynta iyo dardar gelinta dhamaanba laamaha xisbiga, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 4tii January 2014 u magacaabay saddex masuul Garabka Haweenka ee dalka Findland. Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ee UCID waxa uu u dhignaa sidatan:

Justice and Welfare Party (UCID)
Ref/UCID/35/0401/2014 Taariikh: 4th January 2014

Ku: Gudoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka
Ku: Xarunta Dhexe ee Xisbiga
Ku: Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Finland
Ku: Ciddii ay Khusayso

ASC Dhamaantiinba

Ujeedo: Magacaabis Saddex Xil oo Cusub
Madaxda Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, Wada tashi dheer oo ay yeesheen ka dib waxa la isla gartay in loo magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan xilalkan kala duwan ee soo socda.

1-Leyla Axmed Maxamed: Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Garabka Haweenka Finland.

2-Fadumo Xuseen: Khasnajiga Guud ee Garabka Haweenka Findland.

3-Ifrax Maxamed Cisman: Gudomiyaha Xidhiidhka iyo Borotokoolka ee Garabka Haweenka Findland.

Waxa aan ku rajo weynahay in dhamaanba xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga UCID ay si fiican ula shaqeyn doonaan masuuliyiintan xilalka cusub loo magacaabay. Waxa kale oo aan kalsooni weyn ku qabnaa in ay masuuliyiintani si karti iyo hufnaani ku jirto u gudan doonaan xilalkooda iyo waajibaadkooda si waafaqsan Xeerka Guud ee Xisbiga Ucid. Ugu dambayn waxa aanu si gaar ah uga codsanaynaa Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka UCID ee Finland, Marwo Samiya Cumar Xaaji Muuse, in ay si degdeg ah u hawl geliso masuuliyiintan si ay u gutaan waajibaadkooda Xisbi iyo tooda qaranba.

Allah Mahad Leh

Yusuf Budle, Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka Caalamiga ee Xisbiga UCID

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com