Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shirkadda Pontus Marine ltd Oo ka warbixisay qorshe hawleedkeeda

Sidii uu qorshuhu ahaa wajiga dhexe ee diyaargarowgu waxa uu bilaabmay 1/1/2014 waxaanu ku egyhayah 31 Maarso 2014 (Insha Allah).

Sidii uu qorshuhu ahaa wajiga dhexe ee diyaargarowgu waxa uu bilaabmay 1/1/2014 waxaanu ku egyhayah 31 Maarso 2014 (Insha Allah).

Sida aad ka warqabtaan waxay shirkadda Pontus Marine ltd ku jirtay hawl baaxad wayn oo ku aadanayd hirgalinta barnaamijkeedii u qorshaysnaa oo ku soo ururayay sidan:-

Wajiga koowaad oo ahaa bar bilow; oo ay hawshiisu ku koobnayd in:
a- La diiwaan galiyo shirkadda oo la dhamaystiro sharciyayadeeda.
b- La wacyigaliyo bulshawaynta ku nool gudaha wadanka iyo dibadiisaba si ay u maal gashadaan shirkadda Pontus Marine.
c- In la unko xafiisyada adeegyada shaqo ee shirkaddu ay ku yeelanayso gudaha wadanka iyo dibadiisaba.
Wajigaa hore waxa uu ku dhamaaday guul iyadoo 90% hawlihii la qorsheeyay ay u fuleen sidii loogu talo galy.
Hawlaha qabyadda ah ee u baahan dhamaystirka waxa ka mid ah in:
a- In shirkadda loo soo bandhigo wadamada Swizerland, Finland iyo Sa?uudi Arabia oo qorshuhu ahaa in loo tago bilowga bishii Decmber laakiin ay farsamo ahaan suurto gali wayday.
b- Hawlgalkii wadanka Isutaga Imaaratka Carabta UAE oo bilaamay badhtamahii bisha December 2013.
Dhamaadka Wajiga koowaad waxa uu ku ekaa 31/12/2013.
2- Wajiga labaad oo ah diryaar garow
Sidii uu qorshuhu ahaa wajiga dhexe ee diyaargarowgu waxa uu bilaabmay 1/1/2014 waxaanu ku egyhayah 31 Maarso 2014 (Insha Allah).
Hawsha taala wajigan dhexe waxa ka mid ah in:
a- La dhamystiro wixii qabyo ah ee ka hadhay wajigii hore.
b- In dadwaynihii maalgashaday shirkada Pontus Marine ltd la siiyo shahadadodahii ay ku iibsadeen saamiyada
c- In la diyaariyo dhamaan qorshihii iyo goobihii ay shirkaddu ka hawlgalilahayd.
d- In la diyaariyo habkii loo fulin lahaa hawlgalada ay shirkadu qabanayso hadday noqoto mid ganacsi, maamul, iyo shaqaale.
Waxa qudha ee wajigan ku soo kordhay waa dhamaystirka qabyadda ka hadhay wajigii hore oo noqonaysa:
In wali ay soconayso qabashadda saamiyada iyadoo
ii- la tix galinayo codsi ka yimi dadkii aan fursad u helin inay ku maalgashadaan wajigii hore iyo bulshada aan wali loo tagin ee ku nool wadanka Switzerland, Finland iyo Sa?udi Arabia oo ka cawday inaanay helin waqti in shirkadu u soo bandhigto fursadan maalgashi.
(Wergalin: Qabashada saamiyadani waxay xidhmayaan marka ugu horaysa ee la dhamays tiro inta ka hadhay $5000,000 ).
Wajiga dhexe waxa uu soo gabogaboobayaa 31 Maaroso 2014 (insha ALLAH).
3- Wajiga sadexaad oo ah hawlgal

Wajigaasi waxa uu bilaabmi doonaa 1 April 2014 (insha ALLAH) waxaanu ku soo ururuayaa hawlaha ah:
a- In la dhamaystiro wixii qabyo ah ee ka hadhay wajigii dhexe.
b- In la bilaabo marxaladda halwgalka.
Waxay shirkada Pontus Marine Ltd u mahad naqayasaa dhamaan dadkii sida hagar la?aan ta ah ugu hawlgaly inay suurto galiyaan dhamaan hawlihii qabsoomay ilaa imika hadday noqdaan masuuliyiin, hawlwadeeno iyo shaqaaleba.
Waxay shirkaddu u mahadnaqaysaa dhamaan cid walba oo maalgashatay shirkaddan iyo dhamaan dadkii ka qaybqaatay hirgelinta iyo ka talo bixinta mashruucan, waxaanan Ilaahay ka baryayaa inuu u barakeeyo xoolohooda annagana nagu asturo amaanada ay noo dhiibeen.
Waxaanu si gaara ugu mahad celinaynaa Maamulka wasaaradda Kaluumaysiga iyo khayraadka badda oo si hagar la?aana noola shaqeeyay.oo ay ku dheehantahay wadaninimo iyo maamul wanaag .

Allaa Mahad leh
Ahmed Abokor A Mohmoud

MAANTASOMALILAND.COM
HARGAYSA SOMALILAND OFFICE

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com