Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Badhasaab Ku Xigeenkii Hore Ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar Ayaa Maanta Xoriyadiisii Loo Soo Celiyey Ka Dib Muddo sadex Maalmood ah Oo Uu Ku Xidhnaa Xabsiga Magaaladda Berbera,oo looga soo dhaadhiciyey magalada Burco.

(MAANTASOMALILAND)Badhasaab Ku Xigeenkii Hore Ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar Ayaa Maanta Xoriyadiisii Loo Soo Celiyey Ka Dib Muddo sadex Maalmood ah Oo Uu Ku Xidhnaa Xabsiga Magaaladda Berbera,oo looga soo dhaadhiciyey magalada Burco.

Guuleed Daahir Samatar Ayaa La Sheegay In uu saaka diiday In Uu Jeelka Ka Baxo Waxaanu Codsaday In Lagu Soo Cadeeyo Dembiga Loo Xidhey Iyo Sharciga Ay U Cuskadeen In Qof Muwaawadin ah Habeen Badh Gurigiisa Loogu Soo Dhaco, Balse Waan Waan Iyo Wada Hadal Dheer Ka Dib Oo Ay Ka ka Odayeyeen Salaadiyiinta iyo dad kale Wuxuu Guuleed Dahir Ogalaaday In Uu Xabsiga Ka Baxo,iyada oo wararku sheegayaan in la isla meel dhigay in arrintan dib u eegis lagu sameeyo.

Guuleed Daahir Samatar ayaa hada ku sugan magalada Hargeysa oo uu u soo kicitimay markii uu ka soo baxay saldhiga berbera ,Mr Guuleed Oo Aanu La Xidhiidhney Ayaa Sheegay In Uu U Mahadnaqo Saxaafadda Madaxa Banaan Iyo Cid Kasta Oo Ka Hadashey Xadhigiisa Cadaalad Daradda ah,ee lagula kacay isaga oo xadhigiisa ku eedeeyay wasiirka madaxtooyada Somaliland,oo uu sheegay in uu ka dambeeyay xadhiga lagula kacay,waxa uu intaasi ku daray in si dhaqan xumo ah loola dhaqmay oo xaaskiisa iyo caruurtiisaba la handayeeyay

XUSEEN XARBI
MAANATASOMALILAND.COM
HARGAYSA/OFFICE
TEL;0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com