Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Eng. Maxamed Xaashi Oo Si Adag Uga Hadlay Natiijada Wada Hadalkii Turkiga, Shirkadda Doonaysa Maamulka Dekeda Berbera Iyo Arrimo Kale

Wasiirkii hore ee maaliyada Eng.Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa gafweyn oo ay galeen gudidii wada hadalda u matagalaysay Somaliland ku tilmaamay in la simo xansuuqii ku dhacay shacbiga Somaliland iyo qabaa’ilkii dagaalamay markii dawladii Siyaad Bare meesha ka baxday.

Xaashi CilmiEng.Maxamed Xaashi waxa uu xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay inay meesha ka saarto qalafsanaanta, isla markaasna arimaha qadiyada dalka la xidhiidha ay dadka ku ururiso oo laga wada tashado. Waxaanu ugu danbayntii ka hadlay wada hadalada dhanka dekeda Berbera la xidhiidha ee madaxweynuu uu u tagay dalka Faransiiska.

Eng.Maxamed Xaashi waxa uu sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu kula hadlay wargeyska Geeska Afrika. Waxaana ugu horayn isaga oo arinta wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ka hadlaaya  uu yidhi“Kalmada saluuga uu ku jiraa waa waxii ina gaadhay iyo tii Somaliya oo la midaynaayo,taas oo aan ahayn wax meesha ku jirta, arintan inagu dhacday waxay ahayd mid gaar ah, iyagu waxay isku laayeen qabiil, laakiin inaga dawlad ayaa ina laynaysay oo reer ahaan ayaa laynoo dilaayay, waayo dadkii Jasiira lagu laayay waxa lagu soo soocay ee dadka lagaga soo dhex ururiyay qabiilkooda. Marka laynagu xasuuqay reer ahaan wax la midayn karo maaha Somaliya qabaa’ilkii isku laayay oo inay aqbalaan may ahayn qoladeenii shirka tagtay, magaalooyinka oo buuxa ayaa xoolaheenii laga gurtay dadkiina la laayay markaas miyaynaan walaalo ahayn, intay maanta ina leeyihiin walaalayaal.Majeerteen ayaa mar  Siyaad Bare ku kacay oo ay is laayeen, waxaanu amar ku bixiyay in aanay taangiyadu garaacin, inagana diyaaradaha,dabaabadaha,madaafiicda iyo hub oo dhan ayaa laynugu garaacayay, waxa maanta la midayn karo maaha qoladan shirka inoo tagtayna aad ayay runtii u gafeen.”

Maxamed Xaashi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Arinkan wada hadalada waynu galnay, laakiin waa inay talo jirtaa,waa in laga talo galiyaa aqoon yahanka,xisbiyada iyo dadweynahaba oo arinka mid heer qaran ah laga dhigaa, toosin iyo wada tashi ayaa laga sasay iyada oo aanay mudnayn wax laga saso.Alle ayaa iskeen biday waxna waa wax gudaheena ah waxna waa wax dibada ah, waxii gudaheena ah aynu is rog rogano laakiin wixii dibada ah waa in aynu ka midawno ayaa fiican, dalkan waxyanu ku xoraynay gacanta oo aynu is qabsanay, arintana waxaynu ku daafaci karnaa in aynu gacmaha is qabsano markay arimaha dibada timaado, dawladu waa inay badashaa sidan ay wax u wado oo ay dadka la tashataa, oo ay wax waydiisaa, oo wadatashi ku soconaa.”

Eng. Xaashi, oo hadalkiisa sii wataa wuxuu intaas raaciyay “Waa in aynu ta xuna u diyaar garawno oo inamada dugsiyada sare ka baxa milatariga la sii mariyaa sanad, oo jaamacadahooda ay sidaas ku galaan, oo aanay ciidan yari inagu dhicin, oo ay ogaadaan in aynu diyaar garoobayno waayo ta wanaagsan uun laguma talo galo, waxay wax ku qaataana waa cudud iyo muruq. Marka ay wada hadalaan in go’aanka ay halkaas gudidu ku gaadhaan maaha waa in halkan lala yimaado oo baarlamanka la keeno oo laga doodaa, oo deedna waxii laysku soo afgarto la yidhaahdaa taas ayaanu ka qaadnay taasna maanu qaadan,inay yidhaahdaan go’aanbaanu soo gaadhnayna inama qabto. Waxaan qabaa in taladan qalafsan ee ay dawladu ku socoto ee aanay cidna u joojinayn ay iska joojiso, oo aynu waxii danteena guud ah ka midawno oo ay dadka la tashato oo ay dulqaad yeelato, waayo xil ayay qaaday.markaad u fiirsato madaxweynaha joogaa mar walba waxa uu dhaamaa ka soo socda sida ay xaaladeenu tahay,waayo wax kordhayaaba ma jiraan oo RRU-ayaa halkan jabsanaysa u dhacaysa dadkii, kanbaa la tooganayaa, madaxweyne ayaad soo qaaday ayaa dadkii lagu dilayaa, waxani maaha waxii aynu u dooranay iyo waxii aynu u halgamaynay toona .”

Ugu danbayntii wasiirkii hore ee maaliyadu waxa uu ka hadlay arimaha dekeda Berbera, waxaanu yidhi“Dekeda haddii dhismo ahaan laga hadlaayo waa ay inoo fiican tahay, laakiin haddii maamulkeeda laga hadlaayo,dekedu maanta manfac ay inoo leedahay ma jiro, Cali Xoor xoor iyo inyar oo madaxtooyada ah ayaa wadata, tii horena sidaa ayuunbay ahayd oo ina Rayale ayuunbay hoos imanaysay. Xisaabiye idman oo aanu u dirnay (intii uu wasiirka maaliyada ahaa) oo madaxweynuuna waraaqdiisii u soo qoray oo la yidhi ha jeegareeyo, waxa diiday madaxtooyada, hadda amarkana madaxweynaha ayaa soo bixiyay, xaga muumulka haday noqoto maxaaba loogu dhiibi ajaanib inagiibaaba bilaa shaqo ahe, aynu inagu hagaajisano.”

 

Geeska

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com