Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Axmedoow [Madaxweynaha] Waxba Kuu Tari Maayaan Milyaniska Maanta Aad Adiga Iyo Qoyskaagu Meel Dhiganaysaan, Waar Abtiyoow Ha Aakhiro Seegin”

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, oo mar ahaa guddoomiye xigeenkii xisbiga KULMIYE , ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inay isaga iyo qoyskiisu malaayiin Dollar dunida ku urursanayaan.

Md. Cabdiraxmaan, wuxuu sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo ku kacay waxyaabihii uu ku eedayn jiray xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin, kuwaas oo ay ka mid yihiin cabudhinta saxaafadda, musuqa, xadhiga iyo arrimo kale. Wuxuu Cabdiraxmaan hadaladan ka sheegay munasibad uu xisbiga UCID u qabtay taageerayaal cusub oo ku soo biiray, kana soo baxay xisbiga KULMIYE iyo qaar ka mid ah ururadii doorashadii deegaanada ku hadhay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Aniga iyo rag aan ku jirnaa in badan ayaan doonaynay Somaliland oo hagaagsanaata, in badan ayaanu doonaynay inaan madax wanaagsan helno, waxaan doonaynay inaan dawlad wanaagsani ay timaado,in badan ayaanu Siilaanyo u soo dagaalanay, arinkayagana Cali Guray  ayaa dhammeeyay oo waxa uu yidhi Ina Xaashi,Aniga iyo Cali Maarshaal saddexdayadii nin ee uu shilku ku dhacay,Cali Maarshaal ayaa ugu nasiib badan oo Siilaanyo Muu arkin iyo sida uu ku danbeeyay. Waxaan leeyahay Ilaahayoow aniga oo 12-jir ah ayaan mudaharaad ka soo bilaabay iskuulkaas Faarax Oomaar,intaasna waxaan doonayay dawlad wanaagsan,Ilaahow ma waxaad garatay tii aan u soo dagaalamay inay noqoto dawlada ugu xun ee ugu musuqmaasuqa badan,ugu tacadiga badan ee ugu dulmiga badan ee ugu qabyaalada badan ee ugu eexashada badan.”

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, oo ka digaya in mar kale la doorto Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu yidhi “Waxa la yidhi qof muslin ah god laba jeer lagama wada qaniino, ka doonaya maanta dawlada Siilaanyo inuu mar kale taageeroow, muumin ma tihid ileen mar labaad ayaa lagu qaniinayaaye. Dawladi inay xun tahay maxaa lagu gartaa? Waxa lagu gartaa waxii ay iyadu ka caban jirtay ee ay maagi jirtay ayay ku socotaa. Tusaale ayaan idin siinayaa Idirs Alle hawnaxariistee (Wasiirkii hore ee xanaanada xoolaha) intaanu haysanay oo aanu lahayn kaalaya oo Maxjarkii la kaalaya, maanta ma waxaad aragteen Maxjar meel la keenay,ma Al-jaabiri meel la keenay ayaad aragteen, isbadalka uu Kulmiye sameeyay waxa weeye intii ay umaddu qaadan jirtay ayaa hoos loo dhigay oo madaxtooyada la wada siiyay,waxaanu odhan jiranay Berbera ayaa lacag laga keenaa oo Ina Rayaale loo keenaa, hadana waa la keenaa, laakiin farqiga u dhaxeeya ayaan idiin sheegayaa, kuwanina waa ay tiriyaan oo waxay yidhaahdaan intaa soo markab ayaa yimi oo kii lacagta waday laba boqol ayaa kugu dhiman ayaa lagu yidhaahdaa,Riyaalana muu tirin jirin.”

Wuxuu ka hadlay qodobada uu Madaxweyne Siilaanyo ku eedayn jiray xukuumadii hore ee uu isaguna wakhtigan siyaasadda u adeegsado, waxaanu yidhi  “Maxaanu ku haysanay dawladii hore? Waxaanu ku haysanay dhulbaad iibiseen, imika ma dhul ayaa inoo hadhay,waa uu dhameeyay. Waligay nin Siilaanyo ka cabasho badan maan karkin, maalin kasta waxa uu ka caban jiray tacadi iyo waa lay cabudhiyay,maalin nin wariye ah na waraysanayay ayaan garanayaa oo uu yidhi waar Axmed waxan oo cabasho ah ileen adiga ayay kugu foolxumo tahaye bal xoogaa faan ahaana sheeg. Waxa la yidhaahdaa Siilaanyo nin abaal leh maaha,ninkii sidaas u cabashada badnaa laba qolo oo si fiican ugu hiilisay,bal  Aniga iyo Ina Xaashi siyaasiyiin ayaanu nahay oo hanaga abaal baxee,waanu istaahilnaa oo nacasnimadayada ayaa na raacisay marii horabee,laakiin nimankii abwaanada ahaa ee sida aad ogtahay ugu dagaalamay ee xafiiska ku dhex lahaa xarunta Kulmiye waad aragtaa sida uu u galay, saxaafadii u hiilin jirtay ee xataa khudbadaha nala qori jiray, in nimankii maanta sidaas loo xidh xidho oo sidaas loo cunaa ma arinbaa. Anigu wax badanba Siilaanyo waan ka filaayay laakiin waxaan islahaa waa nin mutacalin ah,waa nin dabeecad wanaagsan oo raxiim ah,ninkii ayaa Hargeysa caruur yar yar ku tooganaaya,waligay madaxayga may soo galin,dalka dulmibaa ka dhacay,foolxumaa ka dhacday, Kulmiyena haddii uu wali taas ku faanayo duni kale oo aynaan ogayn ayuu ku nool yahay, waxbase isaga odhan maayo oo waad aragtaan sida uu isku yahay,Axmed Siilaanyo waxa uu kala saari waayay nimanka xisbigiisii ku loolamay,iyagiibuu isku garaacayaa,marba mid bahdilayaa,marba mid caleema saarayaa, intaa ayaa iyaga bahdilaad ugu filan.”

Isagoo la hadlaya xisbiga UCID, wuxuu yidhi  “Anigu maanta xisbi kuma jiro laakiin waxaan idiinku imi inaan taagta aan leeyahay idiinku hiiliyo,wayo Ucid waa laga gar daran yahay,maalintii nalagu joojiyay halkii laydinku joojiyay ee Caabudla Ilmo ayuun baan ka iman Siilaanyo cadhaduu qaaday, inuu tii teedii maanta sameeyo oo uu Ucid ka joojiyo Gabilay ma xaqbuu u leeyahay,weerar ayaa idinku socda, weerarka idinku socdaana waxa weeye dawlada Siilaanyo maanta way ogtahay intay tartanto in aanay cod helayn,waxaanay doonaysaa in ay baabiiso xisbiyada oo cid la tartanta la waayo, oo ay iyadu xaaraan ku fadhido meesha,taasi yaanay dhicin.”

Wuxuu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ka digay saddex qodob, isagoo yidhi  “Saddex wax baan ka digayaa, dekedaas Bebera ee aynu ciidanka jooga mushaharkiisa ka bixino weerar ayaa ku socdee aynu ogaano,mid kalena waan ka digayaa qolyahaygan reer bariga ayaa lagu yara xantaaye waxyaabihii aanu Siilaanyo u taageeraynay waxa ka mid ahaa in Burco nabad  ka dhalanayso, nabadii Burco maanta way sii fogaanaysaa taasna waxaanu doonaynaa labadiina xisbi mucaarad inaad ka hawlgashaan oo labadaas beelood ee meesha wada daga ee la doonayo in laysku diro inaad ka dagaalantaan, oo fidnada ay dawladu Burco ka wado aad idinku ka hortamaadaan,ta saddexaad ee aan ka digayaana waxay tahay in doorashadaasi ay dib u dhacdo,madaxweynuu waa uu ka baalan qaaday dadka oo waxa uu yidhi maalin lagu dari maayo,waxaan leeyahay madaxweyne waa lagaa filayaa in aanad maalin ku darin ama cirka u bax ama dhulka u bax.”

Ugu dambayn, wuxuu siyaasigani farriin u diray Madaxweyne Siilaanyo iyo qoyskiisa, waxaanu yidhi “Waxaan ku soo gabogabaynayaa, sawir ayaa jiray maalin dhawayd Internetka la soo galiyay,toddaba nin ayaa ku sawirnaa, waxay ahaayeen toddabo Siilaanyo ay isku dugsi ahaayeen oo dugsigaas Camuud ka baxay,toddabdaas waxa ka mid ahaa Cabdilaahi Siciid oo inqilaabkii lagu dilay,Muuse Idaar,Walaalkay Cali Cabdiqaadir,Ismaaciil Haybe nin la odhan jiray oo ay Siilaanyo saaxiib ahaayeen,Cabaas Dhoore,todabadaas nin, maanta shani waa ay inaga hooseeyaan,Walaalkay Cali Cabdiqaadirna aad ayuu u xanuunsanayaa,Siilaanyo ayaa ka hadhay aakhiraana lagu wada socdaa,waxaas maanta la dhacaayo ee la boobaayo nina qaadan maayo,kafan Cad ayaa kaa raacaysa Axmedow,waxba kuu tari maayaan milyaniska maanta aad adiga iyo qoyskaagu meel dhiganaysaan,shilinkii ku soo galayba waxa lagu odhanayaa xageebaad ka keentay,waar abtiyoow ha aakhiro seegin.”

Geeska

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com