Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Madaxweynaha ka Difaacay Eedo ay Mucaaridku u jeediyeen.

“Taariikhda intii uu jiray Madaxweynuhu laguma sheegin Musuqmaasuq iyo Qabyaalad midna .”

 Wasiir Ku-xigeenka wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Cabdiwaaxid  Cabdiqaadir Cabdiraxman  ayaa jawaab ka biixiyey eedeymo musuqmaasuq oo ay madaxweynaha ujeediyeen Xisbiyada mucaaridku.

Cabdiwaaxid waxa uu sheegay in labba Shay uu madaxweyne Siilaanyo  in uu ka bari yahay oo kala ah Musuqmaasuq iyo Qabyaalad, waxaanu tilmaamay in ragga mucaaridka ah ee madaxweynaha eedo aanu lahayn dusha ka saaray in ay illaahay ay been u sheegen.

Sidaasi waxa uu ku sheegey shirjaraa’id oo uu Maanta ku qabtay Xafiiskiisa Wasaarada Warfaafinta ee Magaalada Hargeysa.

Waxa uu ugu horeyn ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay Xukuumada waxaanu yidhi. “Waxa jirra Dad mar walba yidhaahda musuqmaasuqbaa lasameyey iyo qabyaalad, laakiin xukumadani tan iyo maalintii ay talada dalka la wareegtay waynu ognahay heerkii dhaqaale ee dalku marayey, haaddii ay tahay shaqaalaha iyo ciidamada mushaharkoodii  oo aanay dhawr billood qaadan iyo heerka ay taagnayd miisaniyada qaranku, maanta xukumadani waxay hirgalisay in dhaqaalihii dalka ay kobciso, miisaaniyadiina ay marayso 200 oo Milyan oo Dollar, taasi waxay ku tusaysaa in xukumadu iyo wasaarada maaliyadu ay waajibaadkii dalkan loo igmaday ay ka soo baxeen, taasina waata maanta keentay in dhaqaaluhu inoo kordho ,in musharkii ciidamada iyo shaqaalaha ay kordhaan markii labbad intii xukumadu jirtay, Somaliland mooye waddan boqolkiiba boqol mushahar kordhiyaa ma jirro, waxaad ogtihiin in darajada ciidamada oo kali ah ay ku baxday lacag ka badan Toddoba Milayn oo dollar, waxa muuqanaysa in dad muraayadihii ka jajabeen oo aan aad waxba u arkayn oo ay ka idho saaban tahay waxaa la qabtay ee horumar leh ee wanaag leh, lakiin waxaan rajeynayaa in dukaanadii muraayadahaasi sameyn lahaa dalka laga furridoono si idhahoodu wanaaga u arkaan.”Ayuu yidhi Wasiirku.

 

Dhanka kale waxa uu jawaab ka bixiyey hadaldii ka soo yeedhay Masuuliyiinta Xisbiyada mucaaridka waxaanu yidhi. “raggaa madaxweynaha wax ka sheegaya waxaan leeyahay waligii madaxweynaha taariikhda intii uu jirray qabyaaladna laguma sheegin, musuqmaasuqna laguma sheegin, raga labadaasi ku sheegay illahay ayey been u sheegen ummaduna way arkaysaa in aanay run sheegeyn, madaxweyne siillaanyo cid dalkan uga laxejolo baddani ma jirto, madaxweynuhu wuxu doonayaa in uu dalkan kaga taggo taariikh, lakiin waxaynu garanaynaa in dadkeenu mucaaridnimada iskaga sameysan yihiin, maalinta xukumadaasi ka tagto ayey wanaagii ay arki waayen ay qiridoonan, madaxweyne siillaanyo waa hogaamiyaha  ka dhabeyey waxii uu balan qaaday wakhtigii uu mucaaridka ahaa in uu fulliyo, in kasta oo ay madaxweynaha meel kaga dhaceen hadana nimanka halkaasi ka maagayaa haddii maanta u yimaadan maha madaxweynuhu mid la ficiltamaya.”ayuu yidhi.

 

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Madaxweynaha ka Difaacay Eedo ay Mucaaridku u jeediyeen.

“Taariikhda intii uu jiray Madaxweynuhu laguma sheegin Musuqmaasuq iyo Qabyaalad midna .”

Hargeysa(Waaheen) Wasiir Ku-xigeenka wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Cabdiwaaxid  Cabdiqaadir Cabdiraxman  ayaa jawaab ka biixiyey eedeymo musuqmaasuq oo ay madaxweynaha ujeediyeen Xisbiyada mucaaridku.

Cabdiwaaxid waxa uu sheegay in labba Shay uu madaxweyne Siilaanyo  in uu ka bari yahay oo kala ah Musuqmaasuq iyo Qabyaalad, waxaanu tilmaamay in ragga mucaaridka ah ee madaxweynaha eedo aanu lahayn dusha ka saaray in ay illaahay ay been u sheegen.

Sidaasi waxa uu ku sheegey shirjaraa’id oo uu Maanta ku qabtay Xafiiskiisa Wasaarada Warfaafinta ee Magaalada Hargeysa.

Waxa uu ugu horeyn ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay Xukuumada waxaanu yidhi. “Waxa jirra Dad mar walba yidhaahda musuqmaasuqbaa lasameyey iyo qabyaalad, laakiin xukumadani tan iyo maalintii ay talada dalka la wareegtay waynu ognahay heerkii dhaqaale ee dalku marayey, haaddii ay tahay shaqaalaha iyo ciidamada mushaharkoodii  oo aanay dhawr billood qaadan iyo heerka ay taagnayd miisaniyada qaranku, maanta xukumadani waxay hirgalisay in dhaqaalihii dalka ay kobciso, miisaaniyadiina ay marayso 200 oo Milyan oo Dollar, taasi waxay ku tusaysaa in xukumadu iyo wasaarada maaliyadu ay waajibaadkii dalkan loo igmaday ay ka soo baxeen, taasina waata maanta keentay in dhaqaaluhu inoo kordho ,in musharkii ciidamada iyo shaqaalaha ay kordhaan markii labbad intii xukumadu jirtay, Somaliland mooye waddan boqolkiiba boqol mushahar kordhiyaa ma jirro, waxaad ogtihiin in darajada ciidamada oo kali ah ay ku baxday lacag ka badan Toddoba Milayn oo dollar, waxa muuqanaysa in dad muraayadihii ka jajabeen oo aan aad waxba u arkayn oo ay ka idho saaban tahay waxaa la qabtay ee horumar leh ee wanaag leh, lakiin waxaan rajeynayaa in dukaanadii muraayadahaasi sameyn lahaa dalka laga furridoono si idhahoodu wanaaga u arkaan.”Ayuu yidhi Wasiirku.

Dhanka kale waxa uu jawaab ka bixiyey hadaldii ka soo yeedhay Masuuliyiinta Xisbiyada mucaaridka waxaanu yidhi. “raggaa madaxweynaha wax ka sheegaya waxaan leeyahay waligii madaxweynaha taariikhda intii uu jirray qabyaaladna laguma sheegin, musuqmaasuqna laguma sheegin, raga labadaasi ku sheegay illahay ayey been u sheegen ummaduna way arkaysaa in aanay run sheegeyn, madaxweyne siillaanyo cid dalkan uga laxejolo baddani ma jirto, madaxweynuhu wuxu doonayaa in uu dalkan kaga taggo taariikh, lakiin waxaynu garanaynaa in dadkeenu mucaaridnimada iskaga sameysan yihiin, maalinta xukumadaasi ka tagto ayey wanaagii ay arki waayen ay qiridoonan, madaxweyne siillaanyo waa hogaamiyaha  ka dhabeyey waxii uu balan qaaday wakhtigii uu mucaaridka ahaa in uu fulliyo, in kasta oo ay madaxweynaha meel kaga dhaceen hadana nimanka halkaasi ka maagayaa haddii maanta u yimaadan maha madaxweynuhu mid la ficiltamaya.”ayuu yidhi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com