Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Wada Hadaladii Turkiga, Doorashooyinka Soo Socda Iyo Rajada Uu Ka Qabo Inay Isaga Iyo Xisbigiisa Waddani Ku Guulaystaan

CirroHargeysa:-Guddoomiyaha Golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay wada hadaladii u dambeeyay ee dhex maray Somaliland iyo Somaliya, doorashada madaxtooyada, rajada xisbigiisa iyo inuu noqdo madaxweynaha dambe ee Somaliland iyo arrimo kale.
Md. Cirro, wuxuu sheegay sida ay u haboontahay inay xukumaddu shacbiga iyo baarlamaanka uga xog-waranto wada hadalkaas u dambeeyay ee dhex maray Somaliland iyo Somaliya. Wuxuu arrimahan kaga hadlay waraysi gaar ah oou u la yeeshay weriye Cabdiraxmaan-Hiiraan oo ka tirsan shabakadda wararka ee Hadhwanaag.
Mar la weydiiyay sida uu u arko wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya, wuxuu yidhi “Wada hadalada ugu danbeeyay xukuumadda ayaa waday, waa xukuumaddii Somaliland waana inay xogwaran dhamaystiran ay siiso dhammaan shacbiga iyo baarlamaanka, waxaanan jeclnahay inay si rasmi ah ugu waramaan baarlamaanka iyo xisbiyadaba.”
Isagoo ka hadlaya doorashooyinka soo socda ee Baarlamaanka iyo madaxtooyada, wuxuu yidhi “Waxaanu jeclnahay in doorashooyinku wakhtigoodii ku dhacaan oo marnaba aanay dib u dhicin,doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtooyaduba way soo socodaan,waxaanan rajaynaynaa in qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka qaybqaadato, waana la tartamayaa oo gobal kastaa tiro go’an oo baarlamaanka ah ayuu leeyahay markaas way noo yimaadeen dhalinyaro rag iyo dumarba leh oo noo sheegay hamigooda inay ka qaybgalaan doorashooyinka,waan soo dhawaynaynaa, laakiin shaandhayntu wakhtigeedii ku munaasabka ahaa ayay noqonaysaa.”
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waxaan jeclanahay waxii waxqabad ah inaan sii wadno,waxii dhaliilo ah ee jirana inaan saxno,farriinta siyaasiga ahna wakhtiga ku haboon ayaan sheegi doonaa,laakiin waxaanu jecelnahay waxii wanaag ah ee ay xukuumaddani qabtayna inaan sii wadno waxii dhaliilo ahna inaan saxno.”
Ugu dambayn wuxuu guddoomiye Cirro yidhi “Doorasho ayaa la galayaa doorashaduna waa tartan,guushuna waxay ku xidhantahay waxii Alle qoray,waxaan jeclanahay inaan dedaalka la nimaadno, rajada aan qabo ee xisbigu inuu guulaysto ama aan anigu madaxweyne noqdaa way fiicantahay,laakiin wax waliba waxay ku xidhan yihiin Alle iyo dedaalka aanu la nimaadno,rajadayaduna aad ayay u fiican tahay.Shacabiga Somaliland meelkasta oo ay joogaan siyaasada waa lagu tartamayaa uun,asxaabtuna waa asxaab qaran dhammaantood,wadankana waynu wada leenahay ee dalka aynu wada ilaashano,dimuqraadiyadana aynu taageerno,doorashooyinka in la soo dedajiyo aynu taageerno.”

Geeska

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com