Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wada Hadal Dheer Ka Dib Oo Wasiir Xagla Toosiye la Soo Lad-Qabeeyey Iyo Wasiiro U Soo Kaxeeyey Dhinaca Hargaysa.

Wada Hadal Dheer Ka Dib Oo Wasiir Xagla Toosiye la Soo Lad-Qabeeyey Iyo Wasiiro U Soo Kaxeeyey Dhinaca Hargaysa.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Xagla Toosiye oo ka duday dhawr arrimood oo uu cabasho ka muujiyey isla markaana la soo maslaxay isagoo Burco sii socda ayaa goor dhaweyd fiidkii loo soo caraabiyey dhinaca Caasimadda Hargeysa.

Lama oga Xagla Toosiye iyo wasiiradda la socda oo kala ah Maxamud Xaashi Cabdi Wasiirka Duulista iyo Cali Siciid raygal wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaruhu waxay ku soo heshiiyeen hase yeeshee wadahadal dheer kadib waxa la isla qaatay in Hargeysa cabashadiisa lagu xalin doono.

Tibaaxaha ka soo baxaya kulanka wasiiraddu la yeesheen xagla toosiye oo ka dhacay Hotelka Plaza ayaa la sheegayaa in uu ku dacwooday in aanay xukuumaddu waxba ka fulin Heshiiskii lala galay markii uu Somaliland imanayey, kaasoo ka koobnaa dhawr iyo Toban Qoddob.

Qoddoabada Heshiiskaas waxa uu xagla toosiye sheegay in uu dhawr jeer kala hadlay madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Wasiir Xirsi balse aan marnaba waxba laga fulin, iyadoo fulin la’aanta qoddobadaas uu ku tilmaamay sababta uu u qaban kari waayey hawlo badan oo ay ugu muhiimsan tahay in uu ku laabto deegaanada beeshiisa si uu Somaliland ugu soo xidho.

Sidoo kale, waxa wararku sheegayaan Wasiir Xirsi iyo Taliye Ismaaciil Shaqale in ay isku maandhaafeen illaa sadex Boqol oo Askari oo loo qarameeyey oo ka mid ahaa Qoddoabad heshiiska isaga iyo Somaliland dhex maray, kuwaas oo laga jaray Mushaharadii iyo raashinkii lagu siin jiray.

Cadhada ugu badan ee Wasiir Xagla Toosiye oo ahayd lacagtaas Ciidanka oo isaga toos ugu dhici jirtay ayaa la sheegayaa in ay ku kala fog yihiin isaga iyo Taliyaha Ciidanka qaranka iyo wasiir Xirsi oo maraca horeba gadh-wadeen ka ahaa soo xero galinta Xagla toosiye waxaanay labadooduba ku doodayaan maadaama oo aanay jirin Ciidan Reer Buuhoodle ah oo meel lagu ogyahay in aan lacagtaas la bixinayn.

Taliye Shaqale waxa uu sidan oo kale ka jaray lacagihii lagu bixin jiray Ciidan Beeleed Fuqi fuliye loogu qarameeyey ninkii la odhan jiray Ina Uur-bayte, kaasoo lacagihii loo qoray kala soo jeestay Garoowe ilaa hadana illaa laba boqol iyo toddobaatan ka mid ahi lacagtoodu u socoto.

Khilaafka Xagla toosiye fadhiga ka kiciyey waxa kale oo ka mid ah in Wasiirka Arrimaha Nabadaynta Barrigu Hargeysa keenay Ugaas ay hore Xagla toosiye saaxiib u ahaayeen oo uu u cumaamaday wakhtigii uu hor joogaha ka ahaa SSC-dii bur burtay, kaasoo Somaliland u yimi sidii Ciidamo loogu qaramayn lahaa, arrintaasina waxay Xagla toosiye ku abuurtay in la fududaysanayo oo aan waxba lagala socodsiin hawlaha Beesha uu ka soo jeedo.

Ugaaska Cali Sandulle soo kaxeeyey ayay wararka aanu ka helaynaa sheegayaan in uu hore uga tirsanaan jiray Ciidanka qaranka balse sanadkii 2010-kii oo ku beegnayd wakhtigii Somaliland qabsatay Laascaanood ayuu isagoo ciidanka hogaan ka ahaa ka soo jeestay dhinaca Puntland, kadib-na muddo ka bacdi waxa uu Ugaasku ku soo noqday Somaliland, iyadoo wakhtigaas uu Taliyihii hore ee ciidanka qaranka Nuux Taani ka diiday in uu Ciidanka dib ugu celiyo.

Loolankan kaxeeyey Xagla Toosiye ayaa muuqda mid ka dhashay dano siyaasadeed iyo kuwo awoodeed oo u dhaxeeya isaga iyo cali Sandulle kaasoo markii Ugaasku hargeysa soo gaadhay u galbiyey dhinaca Madaxtooyadda isla markaan sheegay in uu yahay raga ay talada Beeshu ka go’do, halka Uur-baytihii ka soo horeeyey ee la lahaa waa kii ay ku gudhaysay maalmo kooban isagoo faraqyada buuxsaday ku wacad furay.

Sidoo kale waxa muuqda in 2% kii Horumarinta Goboladda Barri lagu tartamayo sidii loola bixi lahaa iyadoo Gogoshii Nabada ee laalaabantay kolba dib loogu kala baxsanayo hebelo aan hal ka keeni karayn beeshooda.
SAAMIYA CALI FAARAX JAAMAC
BURCO

WARSAME

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com