Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ururka Qalinleyda Iyo Halabuurka Soomaaliyeed (Somali Pen) Ma Xisbi Siyaasadeed Baa? – Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

Ururka Qalinleyda Iyo Halabuurka Soomaaliyeed (Somali Pen) Ma Xisbi Siyaasadeed Baa? – Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

Burburkii weynaa ee innagu dhacay dhaqanxumooyinka ka dhashay waxaa ka mid ah sheegashada magacyo iyo xilal ku dhisan dhalanteed ama danaysi xun. In magacyo iyo xilal aan la isu ogayn oo la isu aqoonsanayn la sheegto waxaa ka sii daran hawlahaas oo aan qofka sheeganayaa gudan karin aqoon ahaan iyo karti ahaanba. Hawlahaa markooda horeba waxaa loo qoondeeyaa in loogu danaysto si aad uga leexsan oo aad uga liidata sida loo sheegayo. Urur siyaasadeed, urur samafal, urur diineed, urur dhaqameed, jaalliyad qurbejoog… intaas oo waji iyo in kaleba waxani waa ay ku yimaaddaan. Waxyaalaha iyada oo aan la ahayn sida dhalanteedka ah la isugu boqro waxaa ka mid ah fannaan, abwaan, qoraa, suxufi, aqoonyahan, sheekh iyo xitaa madaxweyne.

Dhaqankaa soomaalidu ma ay lahaan jirin ee waa aafo innagu cusub. Gabyaagu gabyaa buu ahaan jiray bulshadu u aqoonsan tahay, sheekhu sheekh buu ahaan jiray sidaa lagu og yahay, suldaanku suldaan buu ahaan jiray dadkiisu ku oggol yihiin, hoobalku hoobal buu ahaan jiray sidaa loo yaqaan, qof walibana waxa uu ku astaysan yahay buu dhab u ahaa, waayo waxa ay ahayd wax uu ku sifoobay oo loo aqoonsaday.

Somali Pen (Ururka Qalinleyda Iyo Halabuurka Soomaaliyeed) aniga oo aan rasmi ugu biirin, oo xitaa xeerkiisa arag, weligayna meel arrinkiisa lagu hayo tegin, ayaan haddana la shaqeeyay oo dhiirrigeliyay. Wax aan u arkayay xil anigaba ii yaallay oo la iga furtay. Urur magacaas leh in la sameeyo iyo in la la shaqeeyaaba waajib bay ahayd. Waa loo baahnaa samayn urur mideeya dadka halabuur ahaan isku xirfadda ama isku hiwaayadda ah. Taas ayaa waxtar u ah in la wada difaacdo xuquuqda fikirka iyo halabuurka, in la isla kaashado korinta waxa la wada jecel yahay oo af soomaaligu ugu horreeyo, iyo in la noqdo madal lagu ilaaliyo habsamida qulqulka fikirka iyo halabuurka bulshada. Xilkan culayskiisu waxa uu sii muuqanayaa kolka la og yahay baahida laxaadka leh ee hor taalla afka iyo qoraalka soomaaliyeed.

Somali Pen haddaba wax ay ahayd in uu u taagnaado ilaalinta dadka uu matalayo xuquuqdooda, danahooda iyo xorriyadda fikirkooda. Si taa la mid ah wax ay ahayd in uu wada daboolo dadka uu magacooda huwaday aragtiyahooda. Wax ay kale oo ay ahayd ururkaasi in uu matalo damiirka iyo xorriyadda fikir ee idil ahaan bulsho weynta soomaaliyeed. Haddaba muddo dheer oo ururkaasi magaca dadka soomaalida sitay ka dib waxaa la joogaa goortii la la xisaabtami lahaa.

Ugu horreynba sida ururradeenna caadada u noqotay mugdi weyn baa ku jira anshaxa Somali Pen ku shaqeeyo. Haddii aynnu u fiirsanno waxaa inoo muuqanaysa in aanu dhab uga run sheegin waxa uu ku magacaaban yahay, hubaashiina ku dhisan yahay dhalanteedkii iyo danaysigii aynnu kor ku soo xusnay. Somali Pen arrintiisu wax ay dhaharatay kolkii la hoos geeyay mid ka mid ah kelitalisyada tirada yar ee dunida ku sii hadhay. Jabuuti oo la og yahay dulmiga siyaasadeed ee yaalla iyo xorriyad la’aanta fikir ee bulshadu qabto, ayaa ururkii la hoos geeyay. (Halkan ka arag falalkii ugu dambeeyay kelitalisnimada iyo argaggixinta uu Ismaaciil Cumar Geelle dadkiisa ku hayo: http://www.wardheernews.com/dawladda-jabuuti-oo-xubno-badan-oo-mucaaradka-ka-tirsan-xabsiyada-ku-gurtay/). Somali Pen waxa Jabbuuti geeyay waa in magaca ururka lagu socodsiiyo damaca xun ee kelitaliyahaa. Ujeedku waa in magaca halabuurka iyo qalinleyda soomaaliyeed kelitalyahaa lagu maamuuso oo lagu qurxiyo, loogana dhigo cod iyo tamar uu bulshadiisa madaxa kaga garaaco. Xitaa xubnaha ururka ee aan siyaasadda ninkaa u jajabnayni kolka ay Jabbuuti joogaan wax ay ku qasban yihiin in ay kelitaliyahaa ammaanaan, ama in ay ammaanistiisa aan xaqa ahayn madaxa u ruxaan. Laakiin Somali Pen taa beddelkeeda ayay ahayd in uu u taagnaado. Wax ay ahayd in uu nodqo codka xorriyadda iyo baaqa xaqa. Guddoomiyhii hore ee ururka, Aadan Xasan Aadan (Beleloo) wax aad moodi jirtay afhayeenka Ismaaciil Cumar Geelle, imikana waaba Wasiirka Awqaafta. Aadan mooyi in uu weli ururka xubin ka yahay, taas oo aanu xaq u yeelan karin isaga oo wasiir ah, kollayba se arrinkiisu waa tusaale foolxun oo muujinaya ururkaasi sida uu siyaasadda ugu milmay.

Wargeys dhaqan-aqooneed oo afka Somali Pen ku soo bixi jiray, kaas oo aan runtii u hanweynaa dadaalna ku darsaday, lana dhihi jiray Hal-abuur, waxaa la degay oo lagu wada nacay ammaanista iyo qurxinta kelitaliye Ismaaciil Cumar Geelle. Ururku wax ay ahayd in uu wada xaqdhawro oo dhex ka noqdo aragtiyaha siyaasadeed ee ay dadka uu matalaa ku ka la duwan yihiin. In kelitaliye loogu hiiliyo oo midiidin looga dhigaa dhexdhexaadnimo ma aha. Taa waxaa la mid ah sida aanu Ismaaciil weligii dhexdhexaad uga noqon qaybaha badan ee Soomaaliyadii burburtay.

Dhinac kale haddii laga eego, dadka Somali Pen dhisay, iyo in badan oo xubnihiisa ka mid ahi, waa dadkii dumiyay maamulkii Soomaaliya iyaga oo diiddanaa kelitalisnimadii Maxamed Siyaad Barre iyo xorriyad la’aantii fikir. Kolkaa sidee buu damiirkoodu u oggolaaday in ay u sacabtumaan kelitalisnimada Ismaaciil Cumar Geelle? Bulshada reer Jabbuuti iyaduba sow u ma qalanto oo xaq u ma leh xorriyad siyaasadeed iyo fikir? Runtii Somali Pen waxa uu fadqalallo ku yahay siyaasadda gudaha Jabbuuti, waayo awooddii iscaabbinta bulshada ayaa ku waxyeelloobaysa. Haddii aad kelitaliye ammaanto oo maamuusto ogow wax aad adhaxda ka jebisay kii ku hoos dulmanaa ee hiilkaaga u baahnaaye. Xubnaha Somali Pen ee Geelle midiidinka u ahi kolka ay sidaa yeelayaan waxgarad badan oo dalkaa u dhashay baa caloolxumo waddooyinka la tuban oo ciil dibnaha ruugaya. ”War dadkan kelitaliyaha nagu ammaanaya yaa naga qabta?! ayay meel walba ka lee yihiin.

Urur ay ahayd in uu u taagnaado ilaalinta xorriyadda fikir ee dadka afka soomaaliga ku hadla oo dhan, haddii kelitaliye lagu ammaano qudhiisa ayaa xorriyadda fikirka cadow u ah. Haddii ay ahayd Somali Pen in uu noqdo damal fikirka xorta ahi hadhsado, ma aha in uu noqdo durbaan lagu taageero dulmi iyo kelitalisnimo

Haddaba dhammaan xubnaha Somali Pen waxaa ku waajib ah in ay ka fekeraan sidii ururkaa loogu duwi lahaa tubta toosan si uu waxtar u noqdo. Waana in laga dhigaa madal lagu difaaco laguna xoojiyo halabuurka iyo guud ahaan xorriyadaha fikirka. Waa in si buuxda looga madaxbanneeyaa danaha siyaasadeed iyo waxyaalaha lagu qaybsan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com