Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Saddexdii sanno iyo badhkii u dambeeyay ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka haysay, waxay dawladdu qaaday tallaabooyin waaweyn oo dawladnimadda dan u ah, qaranimaddana dabiib u ah, dadweynuhuna ku diirsadeen by cumar maxamed faarax tafatiraha guud ee wargaeyska dawan

Saddexdii sanno iyo badhkii u dambeeyay ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka haysay, waxay dawladdu qaaday tallaabooyin waaweyn oo dawladnimadda dan u ah, qaranimaddana dabiib u ah, dadweynuhuna ku diirsadeen.

Waxaan uga socdaa waxa tadawur laga sameeyay adeegyadda ijtimaaciga ah ee nolasha bulshadda daruuriga u ah iyo kaabeyaasha dhaqaalaha oo midba la saddex ama afar jibaaray halkii uu taagnaa 27-kii July 2010-kii maalintii uu xilka la wareegay madaxweyaha afraad ee Somaliland.

Xataa dadka inta xiqda badani waxay qirayaan in wakhtiga yar ee xukuumaddan cimrigeedu jiray iyo wax-qabadkeeda inuu farqi weyni u dhaxeeyo oo waxa ay qabatay ka weyn yahay mudada ay Hoggaanka dalka haysay.
Waxaad dareemi kartaa waxqabadka xukuumadda marka aad booqato talisyada guud ee ciidammadda dalka noocyadooda kala duwan oo iyaga oo sufuuf u taagan awaamiir kala qaadanaya, iyagoo garbuhu cas yihiin oo ku labisan derajooyinkii ciidammadda ee dhawaan la siiyay. Waxa derajadan qaatay 10 kun oo askari oo lagu tollay min alifle illaa sareeye Gaas.

Ciidammaddu waxay gunnada ku qaataan midba derajada uu aqoontiisa ku goostay inta ay leeg tahay, waxaanay xubnaha ciidammadu xiligan dedaal ugu jiraan oo mid waliba ku fikirayaa inuu dedaalkiisa iyo waxqabadkiisa ku kasbado derajo ka saraysa halka maanta uu taagan yahay.

“Niyadayda waxa ku jira inaan waxqabad kula soo baxo derajo ka sarraysa halka maanta aan taagan nahay,”ayuu yidhi wiil dhalinyaro ah oo laba xidigle ah oo aan sodameeye ku qiyaasay da’diisa, kana tirsan ciidammadda Booliska Somaliland.

“Dalkeennu sida aanu aqoonsi u haysan iyo sida ciidamadiisu ay u dhismeen waa laba qodob oo aad u kala weyn, waxaan qabaa haddii ciidammadeennu ka dhaqaaqaan jiida hore inay qabsan karaan Puntland, kuna filan yihiin difaaca soohdimaha wadankeena ,”ayuu intaas ku daray sarkaalkaas oo ku qanacsanaa awooda ciidan iyo mooraalka ciidammada dalkeena mustawaha uu gaadhay.

Laba xidiglahaasi waxa uu horusocodka ciidammadda ku bogaadiyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu ku ammaanay inuu qaaday tallaabo geesinimo leh oo dadka qaar ay u arki jireen mid loo baahan yahay, hase yeeshee aan xiligan suurto-gal ahayn.

Wasaaradaha dalka iyo xafiisyada dawliga ah ayaa intooda badan loo dhisay dhismeyaal waaweyn oo ku haboon shaqada dawlada, kuwo kalena waxa si waafiya loogu dayactiray dhismeyaashoodii hore. Waxa xusid mudan xataa wasaaradihii faqriga loo yaqaanay ee aan Miisaaniyadda buuran lahayn, ayaa safka hore ka galay wasaaradaha dhismeyaasha waaweyn galay. Waxay dadku tusaale u soo qaadanayaan wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha oo loo bineeyay dhisme weyn oo dabaq ah oo dhawaan madaxweynuhu xadhiga ka jaray. Waxa kale oo wasaaradaha xarumaha waaweyn loo yagleeyay ka mid ah wasaaradaha Xanaanada Xoolaha, Beeraha, Kalluumaysiga, Shaqadda iyo arrimaha bulshadda, Gaashaan-dhiga,Cadaalladda, Deegaanka iyo laanta socdaalka. Waxa kale oo dhismeyaal waaweyni u socdaan illaa dhawr wasaaradood oo kale.

Qoddobada lagu majeerto xukuumadda waxa ka mid ah dhinaca waddooyinka dalka, waxay xukuumaddu kaalin weyn ka ciyaartay jidadka isku xidha magaalooyinka, waxa ka mid ah jidka Degmada Dilla iyo Boorame, waxa aan laga tagi Karin jidka la casriyeeyay ee u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera.

Waxa intaas dheer in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ka dhabeeyay in la bilaabo wadada halbowlaha ah ee isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo dhismaheedii si rasmi ah dhawaan la bilaabay isla markaana la dhisayo 100-kii Km ee ugu horeeyay. Wax-qabadka xukuumadda waxa barbar socday wacyigelin ay xukuumaddu bulshadeeda gudo iyo dibadba ku tacliimisay inay kaalin ka qaataan horumarinta deegaamadooda, waxa dadweynaha goboladu ay bilaabeen inay ku tartamaan wadooyinka iyo horumarka, iyadoo deegaankii wax-qabsanayaba ay xukuumaddu ku saacido dhaqaale lagu hirgelinayo waddooyin ama mashruuc kale oo horumarineed. u diyaar-garowga xukuumadda ee dhinaca waddooyinka waxa ka turjumaya inay soo iibsatay dhammaan gaadiidka lagu dhigo waddooyinka sida gaadiidka qasa daamurka, kuwa ciida xambaara iyo cagafyadda jidadka loo adeegsado, waxay xukuumaddu gaadiidkaas oo miisaaniyadda ku jiray laga soo iibiyay dalka Shiinaha.

Waxa iyana la dafirin Karin in xukuumaddu ay gabi ahaanba joojisay kalluumaysatadii shisheeye ee markaakiibta waaweyn kalluunka iyo khayraadka badaha kaga jilaaban jiray, illaa 2013-kii waxa fursad weyn la siiyay kalluumasatada maxaliga ah oo intooda badan lagu badhi-taaray agab kalluumaysi iyo tababarro la xidhiidha horumarinta xirfadooda kalluumaysiga. Wararka laga soo werinayo deegaamadda xeebaha ayaa rajo ka muujinaya in maalinba maalinta ka dambaysa kalluumaysatadii waddaniga ahayd ay ku dhiiranayso inay la soo baxaan khayraadka badahooda ku duugan, maadaama oo laga xarimay maraakiibtii waaweynayd ee ajanabiga ahaa ee shabaagta ka burburin jiray.

Miisaaniyadda dawladda ayaa iyana la gaadhsiiyay halkii ugu sareysay, waxaanay gaadhay odoroska miisaaniyad sanadeedka 2014-ka ee xukuumadda dhexe 152 Milyan oo dollar. Waxa kale oo jira miisaaniyadda haa’yadaha kale ee dawliga ah, marka wadarta guud ee miisaaniyaddu waxay noqonaysaa 212 Milyan oo Dollar, waxaanay ka badan tahay miisaaniyaddii 2013-kii 20%. Miisaaniyadan waxa ku jira mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin dhismaha illaa lix wasaaradood, mushahar kordhinta shaqaalaha dawladda iyo ciidamada qalabka sida oo iyagana mar kale loo kordhiyay sanadkan 20%.

Waxa xukuumaddu ay kor u qaaday tayadda waxbarashada dalka, iyadoo dugsiyada hoose dhexe ee dalkana laga dhigay lacag la’aan, taasina ay sababtay inay guryaha laga soo saaro carruur badan oo markii hore qoysaskoodu lacagta waxbarashada tahli waayeen. Waxay wasaaradda waxbarashada oo kaashanaysa Hay’adaha caalamiga ah ee ay wada shaqaynta leeyihiin ay wadaa qorshe ay kor ugu qaadayso tirada hablaha dhigta waxbarashada sare. Waxaanay wasaaraddu shaqaalaysay Kumanaan macalimiin ah oo ku shaqayn jiray mushahar la’aan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com