Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hurumarka Dalka Iyo Waxqabadka Madexweynaha Waxaan Leeyahey Wuxuu Mudan Yahey Toban Jeer in Lagu Hambalyeeyo

Xuseen Cali Ammaan Gabiley Somaliland

Hurumarka Dalka Iyo Waxqabadka Madexweynaha Waxaan Leeyahey Wuxuu Mudan Yahey Toban Jeer in Lagu Hambalyeeyo

Hurumarka Dalka iyo Waxqabadka Madexweynaha Waxaan Leeyahey Wuxuu Mudan Yahey Toban Jeer in Lagu Hambalyeeyo Oo Foodka Loogu Celiyo Inta Cimrigii Jiro Aniga oo ah Muwaadin u dhashey dalkan Somaliland Islamarkaana, in badan kunoola Dalalka Qurbaha oo magaceygu Yahey Xuseen Cali Amaan, mudo dheerna Kunoola Wadanka Canada haseyeeshee wakhtigan Xaadirka ah Kusugan Dalka Hooyo ee Somaliland gaar ahaana, Xarunta Gobolka Gabiley Waxaan halkan kaga hadlayaa inaan Siguud uga hadlo islamarkaana ku Hambalyeeyo Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Mujaahid(Siilaanyo), Waxqabadka uu Muujiyay Mudada uu Xilka hayay, oo uu kaga Midha dhaliyay Codkii Dadweynuhu ku Doorteen, intaanan Maqaalkan guda galin, waxaan hordhac uga dhigayaa inaan Hambalyo ugu diro si sharaf iyo karaamo leh Madexweynaha Somaliland Mujaahid Axmed Siilaanyo oo aan odhan karo Waa Aabihii Xornimada Somaliland, iyo Hogaamiyihii Halgankii Hubeysnaa ee Snm, iyo Shudadii Dalkan u hurey Naftoodii iyo Maalkoodii,taas oo Madexweynaha lagu Xasuusanayo in uu ahaa Geesigii isagoo Wasiir ka ah Dowladii Afweyne Duhur Cad ka Dhaqaaqey kadib markii uu u adkeysan waayey dulmigii iyo tacadigii lagula kacayay dadkiisii ku dhqaaa Goboladii Waqooyi ee Maanta Somaliland ku abtirsada,

xiligaas oo uu toos ugu biirey Ururkii Barakeysnaa ee SNM, waa marag ma doon waanay cadahay inaanan kusoo koobi kareyn odhaah iyo Qoraal doorkii uu ku Lahaa Madexweynuhu halgankii lagu Xoreeyay dalkan, iyo Waayihii uu kusoo mutey dhibtii iyo dhacadiidkii uu usoo marey midhaha maanta illaahay ku Simay ee Gobanimada waxa kale oo aan Haljan hambalyo Qiima badan uga Dirayaa Marwo Aamina Maxamuud Jirde Marwada koowaad ee Qaranka oo aan leeyahey waxey kaalin weyn ku laheyd halgankii Snm oo ay doorkeeda kasoo Qaatey, habeen iyo maalina u samreysay, Waxa kale oo aan Ku hambalyeynayaa Marwada kaalinta Weyn ee ay ku leedahay Hurumarka ka hanaqaadey dalka. Marka aynu xaqiiqda ka marag kacno maanta Wacyiga dalkeena lagu jiro, waxey aheyd in dadkeenu guda iyo dibadba ku xamdi naqaan,

sida daacadnimada ah iyo dulqaadka aan la dafiri karin ee uu Muujiyay Madexweynuhu maalimhii Taariikhiga ahaa ee uu soo qaatey, ee uu ka Muuqdo Samirka iyo karaamada rabi ku galadey ee uu ku gaadhey Guushan, aynu maanta midhaheeda hadhsaneyno, anigoo Madexweynaha ku Hambalyeynaya Magacaabista,uu Magacaabay Wasiirada ay kamidka yihin Wasiirada Waxbarashada Marwo Samsam Cabd Aadan iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasa, oo aan odhan karo waxey baaldhab ah kaga Qoran yihiin Waxqabadka dalkan, ka hirgaley, maxaa Yeelay ma dhici karto in cadceeda lagu qariyo sacab waayo saqiir iyo kabiirba weynu aragnaa dedaalka ay wado Wasiirka Waxbarashadu Samsam, waa Shaqqsiyad muwaadin ah oo jecel Hurumarka dalkeeda oo habeen iyo maalin heegan u ah Howlaha Qaranka in ay ka Midha dhaliso, taas oo ka Muuqata Wasaarada ay hogaaminayso ee Waxbarsahada, oo ay dalkoo dhan Tuulo Tuulo iyo Iskuul Iskuul kusoo marto, iyadoo baadi Goobeysa baahiyaadka iyo xaalada kajirta waanan ku hambalyeynayaa Runtii dadka kalena sidaas oo kale ayaan ka rajeynayaa intooda badani wey hambalyeynayaan koley,e,

Waxa kale oo aynu ogsoonahay in Wasiirka Madaxtooyadu ku Suntan yahey Waxqabadka dalka waayo dhamaanteen waxeynu marag ka nahay,Hurumarinta Wadooyinka ee uu wado waana muwaadin ka midha dhaliya, maalinba qodobka uu u balnqaado Bulshada, waxaanan leeyahey labada Wasiirba halkaa kaga haya, oo inta aad kusoo gabagabeyneysaan haka daalina, inta ugu badan ee Bulshada Reer Somaliland wey idin barbar taagan tahaye. Waxa kale oo aan Ku hambalyeynayaa Madexweynaha Somaliland ee hogaaminaya Qarankan Axmed Maxamed Maxamuud(Mujaahid Siilaanyo), Socdaa;kii Taariikhiga ahaa ee uu ku tagey Degmooyinka ka ag dhow Xuduudka Somaliland ee Xeebta Bari ee mudnaa in Madexweynuhu ka wardoono oo ogaado xaalada nololeed iyo Duruufaha kajira, kaas oo noqdey Socdaalka ku duugnaan Taariikhda maxaa Yeelay Waa Madexweynihii u horeeyay ee Booqda Dhulka Somaliland oo aanay hore u booqan Sadexdii Madexweyne ee ka Horeeyay laba kamid ah Illaahay naxariistii hasiiyee.

Hadaan kaga Gudbo intaas Socdaalkii Taariikhda ahaa ee Madexweynaha iyo Waxqabadka iyo Hurumarka laga Muujiyay dalka Mudadii uu talada dalka gacanta ku hayay Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo),Waxaan Shacbiga Reer Somaliland usoo jeedinayaa in ay gacmaha isku qabsadaan in ay dalkooda ka shaqeystaan oo ay gacmahooda ula tagaan oo ay wadajir ku muujiyaan oo ay Madaxdooda is barbar taagaan, si ay mar walba kaalintoodii ay ku doorteen Madexweynaha Hogaamiya ay u muuqato oo aan Cadowga Somaliland uga faa,ideysan, waxay Dowladu ugu dhiiraneysaa oo ay maalin walba u dhagax dhigeysaa Degmooyinka iyo Gobolada dala waa taageerda shacbigeeda, waxaan idin Leeyahey Madexweyne Siilaanyo xaqbuu u leeyahey, mar haduu dalkii Hurmariyay, oo Socdaal dheer ku marey Xeebtii Galbeed min Ilaa Xeebtii Bari in aynu mar labaad iyo mar Sadexaad foodkeena Siino oo ugu celino inta Cimrigiisa ka hadhey in uu hogaamiyo dalka. Malha dadka Qaarkii ma arkaane, waxaan Leeyahey waar arka inta mooganow Tusaalyaasha Fiican ee Madexweynuhu kaga tagayo Taariikhdiisa Hogaamineed ee dalkan, oo arka Wadada Isku Xidha Boorame iyo Dilla oo ay dadka Reer Awdal xaqiiq ahaan mahadin doonaan kana Qeyb qaadan doonta Koboca dhaqaale ee Gobolkaasi iyo dalkaba,waxaanan Shacbiga ku dardaarayaa in ay Somaliland dadkeedu isugu tagaan oo ay Guntiga Dhiisha iskaga dhigaan oo ay Maskax, Muruq iyo Maalba kawada Qeyb qaataan Dhismaha Jidka Ceerigaabo iyo Burco oo halbowle u ah Dalkeena Somaliland, waxaanan leeyahey waa wado Qaranka Somaliland Tijaabo u ah hadii aynu taa ka gudubnana wax ina Horjoogsan doona oo dambe majirto, waxaanan wadadaa ku laneynayaa haloo kaco dadkeygow Wadada Xeebta Bariga Saaxil oo iyaduna Halbowle dhaqaale u ah Somaliland. Waxaan leeyahey Saaxiibadeyda Qurba jooga ah iyo Kuwa dalka Gudihiisa ku sugani waar miyaydaan arkeyn Sida Loo Qurxiyay mudadii Xukuumadni talada haysey Dhismayaasha Wasaaradaha iyo bilicda loo sameeyay Madaarada, dalkeena ee Gobolada iyo ka Caasimadaba Waxaan Leeyahey Dadaka Reer Somaliland ee kunool Gudo iyo Dibadba, in ay ku hambalyeeyaan Madexweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) Waxaqabadka Muuqda ee indhahayagu qabanayaan Waxaanan Leeyahey Dadka Kunool dalalka Qurbaha Gaar ahaan Nourth Ameerika(Canada), Yurub, Mareykan iyo Ustaraaliya waxaan Leeyahey Indhihiina ha Qabtaan Waxa muuqda.

Xuseen Cali Ammaan Gabiley Somaliland

Tell:4666414 Email:

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com