Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka Iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu u sharaxan yahay doorashada madaxtinimada ee kal-dambe lagu wado inay ka dhacdo dalka, isagoo iska soo sharixi doona xisbiga uu aasaasay ee tallada dalka haya ee KULMIYE.

Wasiir Cabdilaahi Cukuse oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa xaqiijiyay murrashaxnimadda madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE.

Md. Cabdilaahi Cukuse oo ka hadlayay arrintan waxa uu yidhi “Doorashada soo socotana Madaxweynuhu sida Dastuurka dalku qabo wuxuu xaq u leeyahay inuu xilka Qaranka laba goor isu soo sharixi karo, Madaxweynaha tallada hayaa waa wax iska dabiici ah, haddii uu yahay sida maanta Silaanyo kalsoonida dadka u haysto, mid kalsoonida ummada haysta wax qabadkiisuna muuqdo.”

“Dadkaa u baahan inuu xilka sii hayo, Sidaa awadeed Madaxweynuhu waa Musharaxa Xisbiga KULMIYE, shanta sanno ee soo socda markay dhammaato shantanta uu hadda hayo,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com