Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Qaar ka mid ah culimada waaweyn ee dalka oo goob-joog ka ahaa khudbadii madaweynaha Somliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu shalay ka hor jeediyay labada gole baarlamaan ayaa ugu mahad-naqay khudbada uu jeediyay, gaar ahaan guddi culimo ah oo dastuuri ah oo uu madaxweynuhu sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono.

Qaar ka mid ah culimada waaweyn ee dalka oo goob-joog ka ahaa khudbadii madaweynaha Somliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu shalay ka hor jeediyay labada gole baarlamaan ayaa ugu mahad-naqay khudbada uu jeediyay, gaar ahaan guddi culimo ah oo dastuuri ah oo uu madaxweynuhu sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono.

Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Faarax oo ka mid ah culimada waaweyn ee Somliland ayaa waxa uu sheegay in ay si weyn u soo dhaweynayaan guddida culimada ah, “Waxaanu si weyn u soo dhaweynaynaa guddida culimada ee distooriga ah ee uu madaxweynuhu khudbadiisa ku sheegay in uu dhwaan ku dhawaaqi doono, waana arrin aad u muhiim ah oo loo baahnaa, madaxwynahanna aad baanu uga mahad-celinaynaa tallaabadaa fiican ee uu qaaday.” Ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Faarax.

Sheekh Ibraahin jaamac oo ka hadal kooban isna halkaa ka jeediyay ayaa yidhi, “Marka koowaad waxaynu u mahad-celinaynaa Illaahay, marka xigtana waxaanu madaxweynaha uga mahad-naqaynaa dareenkaas illaahay garan siiyay, waxaynu alle ka baryeynaa in ay noqdaan culimo xul ah oo ummadda caqiidadeeda, fikirkeeda shucuurteeda diiniga ah ka turjunta oo hagta.”

Sheekh Ibraahin Jaamac isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray “Intii fikirka laga soo ururin lahaa banaanka waa lagama maarmaan in la helo guddi culimo oo urursan, isla markaana in guddidaas la sameeyo waa arrin aad u muhiin ah. dastuurkeenu waxa uu ku dhisan yahay shareecada islaamka, markaa guddi culimo oo distuuri ah waa wax aad loogu baahi qabay.”
Sheekh Xasan Cabdisalaan ayaa isna waxa uu yidhi, “Waxaanu aad iyo aad ugu mahad-naqaynaa madaxweynaha khudbadan uu labada gole ka jeediyay, taasoo ahayd mid meelo badan taabanaysay, waxaanu madaxweynaha si gaar ah uga mahad-naqaynaa haddaanu culimada nahay guddidaa culimada ah ee uu madaxweynuhu sheegay inuu dhawaan ku dhawaaqi doono.” Sheekh Xasan Cabdisalaan, isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, “Waxaanu culimadaa ka rajaynaynaa in ay noqdaan qaar dalka, diinta iyo ummaddaba kor u qaada.”

Culimadani waxay sheegeen in ay si wada-jir ah u soo dhaweynayaan ballan-qaadka uu madaxweynuhu ballan-qaaday samaynta guddida culimada ah ee dastuuriga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com