Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

-Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, ayaa waxa maanta galinkii dambe soo gaadhay Madax-dhaqameed tiro badan oo ka socda Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

-Magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, ayaa waxa maanta galinkii dambe soo gaadhay Madax-dhaqameed tiro badan oo ka socda Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxdhaqameedka soo gaadhay caasimadda Somaliland oo ka socda Madaxdhaqameedba beesha Hawiye isla-markaana maanta ka soo degay madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, ayaa ah odayaal dhaqameed ay maalmihii u dambeeyay ay saxaafadda Somaliland siyaabo kala duwan uga waramayeen ujeeddada socdaalkooda Somaliland.

Madax-dhaqameedkan oo tiradoodu gaadheyso ilaa kotomeeyo, ayaa markii ay maanta ka soo daggeen garoonka diyaaraha ee Cigaal, aan la hadal saxaafadda isla-markaana aan faahfaahin ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidho, hasa-ahaatee xubin ka mid ah Madax-dhaqameedkan oo saxaafaddu heshay ayaa si kooban uga waramay ujeeddada socdaalkooda Somaliland, waxaanu tilmaamay in safarka ay ku yimaadeen Hargeysa uu ka madhan yahay siyaasad

“Adeer, safarkayagu maaha mid siyaasi ah, waxaanu u nimid Somaliland saddex arrimood, inaanu ugu hambalyeyno wixii ay qabsadeen reer Somaliland, inaanu ka baranno wixii ay dhisteen iyo inaanu ku biirino wixii aanu talo haynno” ayuu yidhi, Xuseen Xasan, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Soomaaliya ee Hargeysa ku yimid safarka, waxaanu intaasi ku daray “Saddexdaa shay ayaanu u nimid, safarkayaguna siyaasad wuu ka madax banaan yahay..”

Xuseen Xasan, waxa uu sheegay in mudada ay dalka ku sugnaanayaan ay la kulmayaan Madax-dhaqameedka iyo Guurtida Somaliland “Guurtida iyo Madax-dhaqameedka Somalilandna kulamo ayaanu la yeelan doona..” ayuu yidhi.

Safarka odayaal dhaqameedkani ku yimaadeen Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaan ilaa hadda waxa aan ka hadal xukuumadda Somaliland iyo Madax-dhaqameedka dalka, balse waxa la filayaa in illaa Khamiista berri ay Xukuumaddu ka hadasho ujeedada socdaalkooda iyo cidda ay la kulmi doonaan.

Waa markii ugu horraysay ee Madaxdhaqameedba beesha Hawiye tiro intaa leeg oo wada socdaa ay safar ku yimaadaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa isla markaana ay garawsadaan inay Somaliland qaabka ay u dhisantay iyo halka ay ka bilawday dib u heshiisiinta beelaha Somaliland ay diyaar u yihiin inay wax ka bartaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com