Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Sidii Caalamka Looga Xusay Munaasibadda18-ka May

Hargeysa, (MAANTSomaliland.)- Xuska Qaran ee munaasibadda 18-ka May ayaa guud ahaan daafaha dunida si weyn looga, iyadoo qaaradaha iyo dalal kala duwan ay jaaliyadaha kala qaybgaleen masuuliyiin ka tirsan dawladda Somaliland.

London:
Wasiirka wasaarada arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa jaalliyada Somaliland reer London kala qaybgalay munaasibadda 18-ka May, wasiirku waxa uu u dadweynihii xafladaas ka qayb galayin beesha caalamku u soo noqdeen in Somaliland u qalanto in la aqoonsado.

Maxamed Biixi Yoonis oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi, “Farxad wayn ayay ii tahay in aan idin kala soo qaybgalo maalinta way nee qiimaah leh ee qadarinta leh oo ah maalintii dadka reer Somaliland ay goosteen inay xoriyadoodii la soo noqdeen oo gaar isku taagaan. Ana waxaan qabaa in aynu gaar isku taagta oo Somaliland la yidhaahdo. Hase yeeshee waxaan jecelahay in aynu ogaano in maanta ay rajadeenu wayn tahay waxtarkeeni u badan yahay dadkeenu meel ay joogaanba aaminsan yihiin in aynu xornimaddeena heli doono ictiraafkeena heli doono taas oo aad ogsoon tihiin markii aynu calanka qaadanay 1960 35 waddan oo ku jiray Qaramada Midoobay ayaa ina ictiraafay, waxa ku 5 –ta la yidhaahdo security council member ah oo ah Maraykanka, China, Russia, French iyo Ingiriiska, dawlad jirtay ayaynu ahayn waxaynu goosanay in aynu ku biirno walaaladeen Xamar hase yeeshee ku biiristaasi dhibaato, silic, xasuuq ayay inoo gashay, waxa farxada in aynu maanta gaar u taaganahay oo aynu ka soo kabanay dhibaatadii Somaliland ku dhacday inagoo madaxbanaan oo calankeenu jiro 23 sanadood.”

Wasiirku waxa uu tilmaamay in caalamku falanqeeyo sida ay Somaliland ku gaadhay in ay noqotol dal nabdoon, waxaanu yidhi “Maanta waxa uu caalamku iswaydiiyaa sidee bay Somaliland u samaysatay nabad jirta iyadoo ciddina aanay gacan siin, imika waxa aan ka imi magaalada Abuuja ee dalka Nayjeeriya kun qof ayaa iskugu yimi oo soddon madaxweyne joogaan waxa nala waydiinayay side bay Somaliland nabada ku samaysatay oo aanu caalamku wax ba ka qaban, guul baynu gaadhay sharaf ayaynu leenahay meel kasta oo aan tago caalamka waa la isku kay taagaa waxa la ii waydiiyaa side baad nabada ku dhaliseen. Sidee baa caalamku uga faa’iidaysan karaa nabada ay gaadhay Somaliland ee uu wax uga baran kara guusha ay gaadhay.”

Wasiirku waxa kale oo uu tilmaamay in beesha caalamku ay aaminsan yihiin in Somaliland dhawaan ictiraaf heli doonto. “Caalamka intiisa badanina waxa uu aaminsan yahay Somaliland wakhti aan fogayn inay ictiraaf heli doonto, marka aad la sheekaysato ama Ingiriiska ama Maraykanka waxay ku odhanayaan ictiraafkiinu waxa uu ku xidhan yahay Afrika ama IGAD, marka aanu u tagno IGAD, intooda badanina oo Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ka mid yihiin cilaaqaad culus ayaa naga dhaxeeya, waadna la socotaan in Kenya xafiis ka furatay Somaliland oo ay ogolaadeen inaynu iswaydaarsano laba safaaradood, Jabuuti iyo Itoobiya waa sidaa si le’eg, Turkey waxaynu magacawnay safiir iyana mid bay soo magacaabayaan, waddamo faro badan ayaa doonaya inay xafiisyo ka furtaan Somaliland.”
Qadar:
xuskan ayaa markii ugu horaysay si weyn looga xusay magaladda Dooxa ee caasimadda waddanka Qadar oo ku beegan, iyadoo waynaha ku dhan halkaasi ayaa si balaadhan iskugu soo baxeen, kana qayb qaateen si la mid ah sida looga xusay dhamaan waddamada caalamka ee ay ku dhaqan yihiin Dad reer Somaliland.
Helsinki:
Xaflad balaadhan oo lagu xusayay sanad guurada 23-aad ee kasoo wareegtay maalinti dib ula soo noqoshada xoriyadda Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxa soo qaban qaabiyey xisbiga Kulmiye iyo xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ee dalka Finland.

Xaflada oo ay kasoo qayb galeen, shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Helsinki dalka Finland qaybihiisa kala duwan.

Ugu horeyn waxa xafladaas hadal kooban ka jeediyey xubin ka mid ah guddida qaban-qaabada xaflada Jaamac Xasan, isagoo ka warramay heerarkii kala duwanaa ay soo martay qaban-qaabadu, wuxuuna xusay inay muhiim tahay in la wada shaqeeyo maanta oo kale muxaafid iyo mucaaridba.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye laanta Finland Maxamed Cabdilaahi, ayaa hadallo mahad-naq iyo soo dhaweyn ah usoo jeediyey dadkii ka qaybgalay xafladaas, waxaanu tilmaamay inay ku faraxsan yihiin inay xusayaan 1-ka May oo ah maalin qaali ku ah bulshada reer Somaliland. Guddoomiyaha xisbiga Ucid ee laanta Finland Jamaal Maxamed, ayaa isna ka hadlay dareenkiisa iyo sida uu ugu faraxsan yahay sannad guuradda 23-aad ay ku xusayaan dalka Finland, sidoo kale wuxuu tilmaamay muhiimada ay leedahay maalintani, wuxuuna xusay inay tahay maalin xusuus gaar ah u leh shacabka reer Somaliland, loona baahan yahay in gacmaha la is-qabsado maanta oo kale.

Waxa isaguna halkaas ka hadlay guddoomiyihi hore ee hay’adda qurbe-jooga Somaliland Saleeban Maxamed, isagoo ka warramay qiimaha iyo muhiimada ay leedahay maalintani, waxaaanu xusay in 18-ka may ay muhiim tahay sidii qofkasta oo reer Somaliland ah uu u iib gayn lahaa qaddiyada Somaliland, waddankasta iyo ummad kastana loo fahansiin lahaa gooni isu-taaga Somaliland, dadka qurbuhuna ay wakiil uyihiin ictiraaf raadinta meel kasta oo ay joogaan.
Sidoo kale wuxuu xusay in horumarka Somaliland maanta meel wanaagsan uu marayo.
Minneapolis:
Munaasibadii ugu ballaadhnayd ee loogu dabaal-degaayo xuska 18 May ee dalka Maraykanka ayaa ka qabsoontay magaaladda Minneapolis, xafladan oo ay ka qayb galeen kumanaan qof oo u dhashay waddanka Somaliland, waxaa sidoo kale ka qaybgalay weftiga ku sugan dalka Maraykanka.

Weftigan oo uu hogaaminayo wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaana ka mid ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada Baashe Maxamed Faarax iyo xildhibaanno.

Ugu horeyn “Waxaynu u dabaal degaynaa jiritaanka Somaliland oo labaatan jirsaday, ictiraaf waynu haysanaa oo inaga ayaa gacanteena ku haysana, waayo nabad ayaynu haysanaa, dawladnimo ayaynu haysanaa, ictiraafkana Illaahay baa keenaya, laakiin waxa fiican marka dadkaagu ku ictiraafsan yihiin, maalintani waa maalin ay dad badan oo shuhado ahi u dhinteen, tacab badan baa ku lumay, xorriyadii baynu lasoo noqonay, waxaynu ugu abaal gudaynaa waxay ka dagaalameen inaynaan dib ugu noqon intay doonayso ha qaadatee gooni ayaynu u taagnaanaynaa.”

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ugu dambayn munaasibadaas ka hadlay ayaa ka warramay qiimaha ay leedahay xuska 18-ka may iyo ujeedadii ay ku timi, waxaanu si weyn qurbe-jooga ugu dhiirigeliyay, uguna guubaabiyay inay u guntadaan sidii ay dalkooda wax ugu qaban lahaayeen “Waxaan aad iyo aad ugu hambalyaynayaa sida fiican ee aad isugu duuban tihiin, 18-ka may waa maalin qiimo weyn inagu joogta qaranka Somaliland 18-ka may maaha dhalashadiisii ee 1960-kii waqtigii aynu gobanimada qaadanay ayay ahayd dhalashadiisu, laakiin lasoo noqoshadiisii aynu lasoo noqonay, qiiradii iyo jibbadii walaalnimo ee aynu is-nidhi midnimada ku doona, markii a fashilantay, waxaynu kula soo noqonay 1991-kii 18-kii may, waxaan leeyahay intii u soo dedaashay gobanimada raacdaynteedii Illaahay ha u naxariisto, 1991-kii lasoo noqoshadii gobanimadda nabadii dadku wada joogay ee dawladnimada salka u ah, odayaashii dhaliyay ee xooga galiyay, waxaan leeyahay aad bay u mahadsan yihiin.

Waxa kale oo uu wasiirku ku booriyay dadweynaha reer Minneapolis inay kala qayb qaataan dhismaha waddada Ceerigaabo
“Waxa kale oo aanu u soconay wadada Ceerigaabo iyo qaadhaankeedii, waxaanu jecelnahay inaad nagala qayb qaadataan, waddadu meel fiican ayay maraysaa, dhaqaale fiicana waa loo ururiyay, dawladdu markii hore intii ay miisaaniyadda ugu dartay iyo intii la ururiyay waxay gaadhayeen ilaa lix milyan iyo badh ayay gaadhaysaa, qalabkiina waanu u soo iibinay, dhaqaalihii ay dadku ballan-qaadeen , gaar ahaan reer Yurub wax nasoo gaadhay iyo wax aan nasoo gaadhinba wuu leeyahay, imikana waxay ka socotaa waddamada Yurub badankooda.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com