Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidanka Booliska Iyo Dedaalkii ay u galeen sugidda Amniga iyo Wacdarihii Xuskii 18-ka May

May 19, 2014 Ciidanka Booliska Somaliland ayaa tobankii maalmood ee la soo dhaafay qaaday olale balaadhan oo ay ugu diyaar-garoobayeen sidii sanad-gruuradda 23-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaanida JSL ay ugu dhici lahayd jawi nabad-gelyo ah taasi oo ILAAHAY ku guuleeyay.

Magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa ammaanka aad loo xoojiyay , iyadoo gelinkii hore ee saacadihii u horeeyay gaadiidka oo dhan laga mamnuucay jidadka magaalooyinka, waxaanna waddooyinka loo ogolaa in dadka dabaaldegaya isticmaalaan.
Ciidanka Boolisku waxay taagnaayeen sakad walba iyo surin kasta oo ku yaalla magaalooyinka dalka.
Geesta kalena waxa ciidammadda Boolisku ay shalay wacdarro ka dhigeen ciyaartii gaardiska ahayd ee ciidammadda qalabka sidaa ku marayeen jidka badhtamaha caasimadda.
Ciidanka Boolisku waxa kale oo ay munaasibadda 18-May ku soo bandhigeen gaadiid badan oo cusub oo ay iibsadeen sanadkii ugu dambeeyay, taasi oo qeyb ka ah dedaalka uu Taliyaha ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan kor ugu qaadayo tayada agabka iyo gaadiidka ciidanka Boolisku u baahan yahay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa dadweynaha ku dhaqan goboladda iyo degmooyinka dalka uga mahad celiyay sida nabad-doon ee ay dareenkooda ugu muujiyeen caalamka isla markaana u weyneeyeen xuska 23-guuradda madax-banaanida Somaliland.

Sidaas darteed, waxa hubaal ah in Taliyaha Boolisku mar kasta oo uu hadlayo uu dadweynaha reer Somaliland u soo jeediyo inay la shaqeeyaan ciidamadda Booliska, si looga hortago wixii khatar gelin kara nabad-gelyadda ay Somaliland ku naaloonayso.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com