Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiir Ku Xigeenka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Shukri Xariir Ismaaciil ayaa faahfaahin ka bixisay Shir heer caalami ah oo ay kaga qeyb gashay dalka Finland.

Wasiir Ku Xigeenka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Shukri Xariir Ismaaciil ayaa faahfaahin ka bixisay Shir heer caalami ah oo ay kaga qeyb gashay dalka Finland.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda khaarajiga Finland oo lagu qabtay magaaladda Helisinki waxa diiradda lagu saaray oo lagu faaqiday sidii loo horumarin lahaa haweenka Geeska afrika ee siyaasadda hungurigu kaga jiro iyo xilalka ka qabtay-ba.

Wasiir Ku xigeenka shaqaddu waxay tafaasiisha shirkan ay ka qeyb gashay ku bayaamisay war-saxaafadeed dheer oo ay soo saartay oo u dhignaa sidan:-

“Dalalka geeska Afrika ee ku midoobay urur goboleedka IGAD oo ka koobnaa Wasiirrada arrimaha bulshada, horumarinta lamaanaha iyo xubno haween ah oo ka mid ah Baarlamaanka dalalkaasi Waxaanu martiqaad rasmi ah ka helay wariiska wasaaradda khaarajiga ee dalka finland aniga oo metelaaya Somaliland keligayna ka qayb-galay, u jeedada martiqaadku waxay ahayd in haweenka ku jira siyaasada haddii ay tahay kuwa ku jira Barlamaanka iyo kuwa madaxda ka ah wasaaraddaha khuseeya arrimaha bulshada iyo haweenka la tuso sida dalka Finland loo maamulo arrimaha la xidhiidha lamaanaha iyo hawlaha horumarineed ee ka hirgalay dalkaasi.

Mudadii aanu ku gudo jiray hawlahaasi aqoon kordhsiga iyo wadaagida khibradaha horumarinta waxaanu kulamo kala duwan la yeelanay madaxda ugu saraysa dalka finland qaarkood oo aanu ka dhegaysay warbixino isla markaan, iyadoo aanu shirkan ka jeediyay warbixin la xidhiidha horumarka dalkeenna iyo baahida loo qabo in bulshada caalamku gaar ahaan Finland siiyaan Somaliland tageerro buuxda waxaan ka mid ahaa masuuliyiintii shirkan ka soo qeyb gashay:-
1, Wasiirka Arrimaha dibadda Finland Mr, ErkkiTuomioja
2. Wasiirka horumarinta caalamiga ah ee Finland Mr, Pekka Haavisto.
3. Wasiirka arrimaha Bulshada iyo Caafimaadka (Minister of Social Affairs and Health)

oo dhammaan aan kala hadalay sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen kaalmana u siin lahaayeen barnaamajyada horu marinta ee ka socda dalkeenna Somaliland. Barnaamijka waxa kale oo qayb ka ahaa wax ka barashada barnaamijyada kala duwan ee horumarinta arrimaha bulshadda iyo kaalinta ay haweenka Finland ku leeyihiin, waxaanu la kulanay ururada haweenka ee ugu mudan dalkaasi oo uu ka mid yahay ururka la yidhaahdo Marttaliitto, waxaa kale oo aanu booqanay xarunta cilmibaadhida horumarinta beeraha iyo wax soo saarka ee Finland( Agricultural research center, Jokioinen). Waxaanu iyana booqanay xarunta dawladda hoose (municipality council and countryside) oo aanu kula kulanay Maayarka degaankaas Mr.Jarmo Maatta si aanu wax uga barano kaalinta haweenka ee goleyaasha deegaanka finland. Isla maalintaasi waxaanu soo indho indhaynay sida ay u ururiyeen tariikhdooda iyo dhaqankooda waxaanu booqanay xarunta qadiimiga ah eeTupala farm.

Safarka waxaa kale oo qorshihiisa ka mid ahaa in lala fadhiisto Barnaamijka Finland si wax looga barto habka uu u shaqeeyo , qaab dhismeedka gudiyadiisa , qaybsashada awoodaha barlamaanka ee lab iyo dhedig , dhaqaalaha barlamaanka iyo sida loo maamulo (Budget management) isla markaa waxaan halkaa ka jeediyay warbixin la xidhiidha tariikhda Somaliland iyo horumarka ay ku tallaabsatay mudadii ay jirtay Somaliland.

Waxa kale oo aanu kala qayb qaadanay baarlamaanka fadhigooda oo ahaa mid caadiga ah ee loo qorsheeyay in wasaaradaha,xisbiyada iyo bulshada cidii danaynaysaa ay ku waydiiyaan su’aalaha ay u baahan yihiin in ay helaan jawaabtooda. Maalintaasi oo qiimo gaar ah u lahayd Somaliland oo xisbi ka mid ah xisbiyada dalka Finland uu u gudbiyay warqada uu ku dalbanaayo in Somaliland ay aqoonsadaan barlamaanka Finland iyo dawlada Finland-ba, taasi oo ah markii ugu horaysay ee arrintaasi oo kale ka dhacdo dalkaas, waana albaab u furmay Somaliland oo guul ah.

Waxa aad iyo aad layaab ulahaa in aanu indhahayaga ku soo arragnay kaalinta weyn ee haweenka Finland kaga jiraan horumarinta dalka gaar ahaan tallada dalkaasi oo meel kasta ay ka mid yihiin tallo go’aaminta ugu saraysa.

Dhinaca kale waxaan kala qayb galay bulshada reer Somaliland ee Finland dega dabaal-degii ay u sameeyeen sanadguurada 23-naad ee ka soo wareegtay gooni isu taaga Somaliland oo si heer sare ah loo soo agaasimay, iyada oo dadka reer Somaliland ee halkaa ku dhaqan ay ka muuqato waddaniyad xoog leh iyo isku xidhnaan. Safarkani waxa uu ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee innaga oo ka mid ah Dalalka afrika ee ku midoobay IGAD laynagu soo casuumay magaca dawladeenna Somaliland sida dalalka kale ee safarka igu weheliyay iyada oo la karaamaynaayo dalkeenna

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com