Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu baaqay in uu dhex-dhexaad ka noqdo Khilaafka Xisbiga KULMIYE

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay Fara-galin toosa oo ay Xisbiga KULMIYE ku hayaan Xubno Wasiiro ahi

Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ugu baaqay in uu dhex-dhexaad ka noqdo Khilaafka Xisbiga KULMIYE

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed waxa uu sheegay in uu aad uga xun yahay Fara-galin toosa oo ay Xisbiga KULMIYE ku hayaan Xubno Wasiiro ahi

“Waynu la soconay in Xisbiga KULMIYE 28-kii Ilaa 29-kii Bishii hore uu ahaa Shirweynihiisii 3aad oo ku qabsoomay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa,Arrimaha uu muranka iyo Khiaafku ka taagan yahay ee aanu immika Labadayada qolo isla hor-taaganahay ee aan Aniguna(Maxamed Kaahin) immika ka hadlaayo Shalayna ay iyagu ka hadlayeen waxa weeyee Go,aamadii ka soo baxay Shirweynihii 3aad ee Xisbiga,Guddidii Shir-guddoonka ahayd sida uu qeexaayo Distuurka Xisbiga KULMIYE waxay Awoodoodu ku eekayd Saacadii uu dhamaaday Shirweynihii Xisbigu,waxay ahayd in maalintii shirku dhamaaday maalintii ku xigtay ay nagu soo wareejiyaan Dhokumantigii Shirka maadaama aan Shirweynihii laga Ansixin Xubnihii Golaha Dhexe,haddii aanay Arrintu ahayn Xisbi bur-burin,haddii aanay Arrintu ahayn Mid cid loogu jeedo,waxa kale oo ay Guddidaasi soo saareen in Shirweynihii Xisbigu Ansixiyay oo loo codeeyay go,aamo ay shaaciyeen,waxaanu Madaxweynaha ugu baaqaynaa u dhex-dhexaad ka noqdo khilaafka KULMIYE”

Sidoo kale Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay “Habeen hore ayaa Madaxtooyada la isugu yimi,waxaan idhi Guddidii Shir-guddoonku way kala dhantaalnayd Guddoomiye ku Xigeenkii Shir-guddoonka Shirweynaha oo saaka la eryay waxaa loogu yeedhay in uu shalay ka hadlo Shirkii Guddidaasi qabatay wuxuu yidhi Madaxweyne kii horena waa la iga qariyay kana ka qayb-gali mayo,Wasiir Fadhiyay ayaa waxa uu ku yidhi Maxamed Cabdilaahi Cumarow waa la dagaalamayaa Labada dhinac mid raac Sababtaa ayaan loo Eryay Wasiirkii Ganacsiga iyo Maal-gashiga Dr.,Maxamed Cabdilaahi Cumar,Madaxweyne Siilaanyo cidi lama Magacowdo Golahiisa Wasiirada Muuse Biixina Cidi lama Magacaabayso Guddida Fulinta,qoladan Cimrigoodii dhamaaday ee Guddidii Shir-guddoonka Shirweynihii Xisbigu waxay yidhaadeen waxaynu shir ku qabsanaynaa Ambbaasador Hoteel dabeed waxaynu dooranaynaa Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga Xeerka Xisbiga Guddoomiyaha Xisbigu isagaa Ah Guddoomiyaha Golaha dhexe isagaa ah ninka isugu yeedhaya Golaha dhexe marka la xaqiijiyo Liiska Golaha dhexe waxa Awood u leh in uu yidhaado Guddoomiyaha Golaha dhexe ha la doorto Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi,hudheelada la kiraysanyo iyo waxay samaynayaa Guddidii Shirweynaha Xisbigu waxay kaw ka tahay Burburinta Xisbiga KULMIYE”

“Madaxweyne dhibaatada ku haysa iyo dagaalka Xisbiga KULMIYE ee jira ee Wasiiradaadu kow ka yihiin,Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Xilka golaha Wasiirada waxa uu u tilmaamaya Xubinta golaha Wasiirada ahi waxay Madaxweynaha u matashaa Hawlaha uu u xil-saaray,Wasiirada ku yidhi Maxamed Cabdilaahi Cumar waa dagaale dhinac raac dabadeed xalay loo eryay waxay rabaan in uu KULMIYE u burburo sidii uu bur-buray Xisbigii UDUB,laba nin ayaa saaka ila soo hadlay midi waxa uu igu yidhi xalay ayaanu erinay Maxamed Cabdilaahi Cumar,mid kalena waxa uu igu yidhi RRU-dii ayaa heegan la galiyee Miyaan la idin Xidhin adiga Iyo Muuse Biixi,Hadii Xisbiga KULMIYE janadii ku galaayo Xadhiga Aniga iyo Muuse Biixi Cabdi labadayaduba jeelkaanu is gaynaynaa”ayuu yidhi Guddoomiye Ki Xigeenka Koowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com