Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirada Waxbarashada oo Beenisay warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in ay Iscasishay.

Wasiirka Wasaarada waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa Beenisay warar caawa laysla dhex marayey oo sheegayey in ay iscasishay, halka warar kalena sheegayaan in xilka laga qaadayo caawa.

Wasiir Samsam oo madaxtooyada ka soo baxday Goordhaweyd ayaa waaheen Khadka Telefoonka ugu sheegtay in caawa Casho Xukuumadu ugu sameysay madaxtooyada wafti ka socday dalka imaaradka Carabta, kuwaasi oo Somaliland u sidda Mucaawino balaadhan oo Dekedda Berbera .

Wasiir Samsam oo ka hadlaysa wararka layla dhex marayo ayaa tidhi. “waxba kama jiraan warkaasi, aniga Madaxweynaha Somaliland, iyo Madaxweyne kuxigeenka iyo wasiiro kale waxaanu imika madaxtooyada ku qaabilnay wafti imaaradka ka socday oo qalab Dekedda Berbera u sida, marka waxa la shubayo waxa ka jiraa ma jirto.”Ayey si Kooban u tidhi wasiiradu.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com