Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha Maddasha Wadda-tashiga iyo Toosinta Somaliland Xasan Guure Jaamac ayaa Khilaafka ka taagan Xisbiga taladda haya ee KULMIYE ku sababeeyay Dimuquraadiyad la’aan uu xusay inay hore uga jirin Xisbiga dhexdiisa.

Guddoomiyaha Maddasha Wadda-tashiga iyo Toosinta Somaliland Xasan Guure Jaamac ayaa Khilaafka ka taagan Xisbiga taladda haya ee KULMIYE ku sababeeyay Dimuquraadiyad la’aan uu xusay inay hore uga jirin Xisbiga dhexdiisa.

“Haddii Dimuquraadiyadda KULMIYE dhexdiisu dhantaalanto, waxa dhantaal-maya Dimuquraadiyaddii Somaliland , sidda ay u muuqata-ba Xisbiga KULMIYE markii hore Dimuquraadiyad kuma dhisnayn. Anigu Xisbiga KULMIYE ayaan ka mid ahaa waxyaabaha aan kaga tagay waxa ka mid ahayd markaan arkay Guddihiisii oo aanay Dimuquraadiyaddi ka jirin markii Golaha dhexe Burco lagu dooranayay ayay dhacday . Cabdiraxraxmaan Cabdiqaadir sidii loola dhaqmay weynu ogayn waxaas oo dhami waxay ina tusayeen Dimuquraadiyadda KULMIYE in aanay dhamayn”

“Haddii KULMIYE Dimuquraadiyadda ku dhaqmo waxa weeyaan Madaxweynaha ayaa ah Nin Dimuquraaddi ah haddii uu ku Xukumi-waayo u malayn-maayo inuu Dalka Dimuquraadiyad ku xukumayo. Doorashooin-baa ina sugaya in aynu gal-no, Somaliland-na waxay halkan ku soo gaadhay in taladda la wadda leeyahay . Madaxweynuhu khubaddii uu ka jeediyay 18-kii May waxa uu aad uga hadlay inuu wixii qaladdan uu Dadka kala tashan-doono, inuu tallo ogol-yahay waxaanu hadd iyo goor hal-hays u lahaa inay Somaliland wadda-tashi halkan ku soo gaadhay Xisbigiisa sidda uu u dhaqo iyo afka uu ku hadlo isma-laha”

Xasan Guure oo la weydiiyay in khilaafka Siyaasadeed oo ka taagan Xisbiga KULMIYE ayaa sheegay “Wey muuqataa waxa Xisbi KULMIYE la yidhaahdo ma jiro, haddii uu jiro-na waxa uu ku jiraa Madaxweynuhu sidda uu Aqbalo, Markaa waxa uu noqonayaa Xisbigii Kacaanka bur-bur u hadhsanina maanta ma jiro, laakiin waxa laga ayaabaa inuu Madaxweynuhu Shaambadda ku sii haysto Ciiddanka, Maxkamadda uu leeyahay inuu ku sii haysto waa suurto-gal”ayuu yidhii Guddoomiye Xasan Guure oo la hadlay Warbaahinta dalka
– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/News/Xasan-Guure-Jaamac-Oo-Ka-Hadlay-Khilafka-Siyaasadeed-Ee-Ka-Taagan-Xisbiga-KULMIYE.html#sthash.j9xBUrXV.dpuf

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com