Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Degdeg : Garabka Muuse Biixi oo hakiyey shirkii golaha dhexe ee barri ku beegnaa.

Warsaxaafadeed uu ku sexeexan yahey Xildhibaan Siciid Cilmi Roobla oo kamida Xisbiga Kulmiye ayaa lagu sheegay in Shirkii Goloha dhexe ee kulmiye dib loo dhigey ilaa mudo aan cayineyn,shirka golaha dhexe ee garabka Muuse Biixi ayaa ku beegnaa beri oo ay taariikhdu tahey 31/05/2014. xildhibaanka ayaa ku sheegey war saxaafadeedkiisu wuxu udhignaa sidan

Uj : Jawaaab Celin Baaqii Guddida Golaha Guurtida Ee Dhexdhexaadinta Khilaafka Xisbiga Kulmiye Anagoo Ka Jawaabayna Baaqii Gudida Dhexdhexaadinta Ee Golaha Guurtida Waxaanu Halkan Ku Cadaynaynaa Inaanu Aqbalnay Baaqaa Isla Markaana Aanu Hakinay Shirkii Golaha Dhexe Ee Qabsoomayey 31/5/2014 Maalinta Sabtida .

Waxaanu Ka Xunahay Dhacdadii Iyo Qaabkii Xalayto Saqdii Dhexe Loo Weeraray Wasiir Ku Xigeenkii Hore Ee Amniga C/Laahi Abokor.

Waxaa Kaloonu Ka Xunahay Hadalkii Ka Soo Yeedhay Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Ee Qaraxyadii Dhacay Ku Tilmaamay In Kulmiye Ka Danbeeyey , Waxaanu Marwalba Dhiiri Galinaynaa Amniga Iyo Xasiloonida Dalka Waxaanu Leenahay Cid Alla Cidii Ka Danbaysayna Way Iska Soo Bixi Doontaa .

Waxaanu Shacbiga Somaliland Ugu Baaqaynaa Inay Ilaashadaan Nabadooda ,Wada Jirkooda Iyo Xasiloonidooda .

ALLAH MAHAD LEH

Xildhibaan : Siciid Cilmi Rooble

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com