Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

-wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga Somaliland iyo badhasaabka gobolka Hawd ayaa maanta dalka ka dhoofiyey masuuliyiinta shirkada maraykanka ah ee SGI.

(msl):-wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga Somaliland iyo badhasaabka gobolka Hawd ayaa maanta dalka ka dhoofiyey masuuliyiinta shirkada maraykanka ah ee SGI.

Hargeysa(HWN):-wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga Somaliland iyo badhasaabka gobolka Hawd ayaa maanta dalka ka dhoofiyey masuuliyiinta shirkada maraykanka ah ee SGI.

Xubnahan ka tirsan shirkada SGI oo ah shirkad maalgashi oo mudo afar cisho ah ku sugnaa wadanka Somaliland ayaa kulamo kala duwan la qaatay xubno ka mid ah xukuumada Somaliland kuwaas oo kala hadlayey fursaha maalgashi ee ka banaan Somaliland.

Xubnaha ka tirsan shirkada SGI oo maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaa waxa halkaasi ku sii sagootiyey wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland Bashiir Cabdi Xariir iyo badhasaabka gobolka Hawd Ibraahin Xaaji Xasan kuwaas oo ka war bixiyey hawlaha

ay shirkadani dalka ka qaban doonto.

Ugu horayn waxa Maxamed Fadal oo ka tirsan shirkada New Africa Investment oo shirkada wadanka ku soo xidhay shirkadan laga leeyahay dalka maraykanka ee SGI oo ka hadlay imaanshiyaha shirkadan ayaa waxa uu sheegay inay dedaal badan galiyeen sidii ay shirkadan dalka ugu soo xidhi lahaayeen waxaanu yidhi “Waxaanu maanta halkan ku macasalaamaynaynaa masuuliyiinta shirkada SGI oo ah shirkad aanu la shaqayno anaga oo ah shirkada New Afrika Investment oo ah mid Somaliland a, bishii afaraad ee sanadkan ayaanu bilawnay hawlaha shirkadayadu ay wadanka ka qaban doonto, shirkaduna waxay ku takhasustay dhinaca maalgashiga, waxaanan markii ugu horaysay helnay shirkada SGI oo markii hore wada hadal naga dhaxeeyey kuwaas oo ku qancay fursadaha qaaliga ah ee maalgashi ee ka jira dalka Somaliland, waxaanay soo dirsadeen codsi kaas oo uu si deg deg ah uga jawaabay madaxweyne ku xigeenka Somaliland kaas oo keenay inay dalka yimaadaan.” Ayuu yidhi Maxamed Fadal.

Badhasaabka gobolka Hawd Ibraahin Xaaji Xasan oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa,id ayaa waxa uu sheegay inuu aad u soo dhawaynayo shirkadan maalgashiga wadanka ka bilaabi doonta waxaanu yidhi “Waxaan aad ugu mahad celinayaa xukuumada aan ka tirsanahay ee Somaliland sida ay dalka ugu soo dhawaynayso dadka ganacsiga doonaya, waxaanan aad ugu mahad naqayaa shirkada SGI oo aanu in badan ku qancinaynay inay dalka yimaadaan kuwaas oo dalka yimid afarta cisho ee ay wadanka joogeena waxa ay la xidhiidhay hawlaha maalgashi, waana shirkad weyn oo culus oo maraykan ah kaas oo aanu ka rajaynayno inuu wadanka maal gelin ka sameeyo, marka ugu danbaysa ee ay la yimaadaan wax qabadkana waxay ku danbayn doonaan madaxweynaha Somaliland oo heshiiska la galaya.” Ayuu yidhi badhasaabka gobolka hawd Ibraahin Xaaji Xasan

Badhasaabka gobolka Hawd Ibraahin Xaaji Xasan waxa uu mahad celiyey shirkada New Africa Investment, wasaarada arimaha debada, wasaarada ganacsiga iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland kuwaas oo uu dhamaantood sheegay inay ka qayb galeen sidii ay shirkadani dalka u iman lahayd.

Ugu danbayntiina wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland Bashiir Cabdi Xariir oo ka hadlay shirkadan maalgashiga ka bilaabaysa dalka ayaa waxa uu sheegay inay mudadii ay shirkadani dalka joogtay iyo waxyaalaha ay ka qaban doonto waxaanu yidhi “Waxaan aad u soo dhawaynayaa shirkadan SGI oo maal gelin ka samaysay wadamo badan oo Afrika ah, taas oo wadamadaas iyo shirkaduba ka jawaabeen, taas oo uu xidhiidh dhex maro dadka ku nool wadamadaasi oo dadkoodu ay is dhex galaan , shirkadaas oo sida siyaasada qarankeenu tahay inaynu dalkan ku soo jiidno maal gashi caalami ah, oo ay ka soo qayb galaan dadka caalamka ku nooli, hadaan maanta wax lays dhaafsana ma jirto umad kaligeed isku filan caalamkuna waxa uu noqday meel kooban oo laysk war hayo, masuuliyiinta shirkadana waxay dalka joogeen mudo afar cisho kuwaas oo meel kasta oo ay u arkayeen inay maal gashan karaan way soo mareen anaguna meel kasta oo aanu u aragnay inay baahi u qabto maalgashi waanu soo marinay.” Ayuu yidhi wasiir ku xigeenka wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Bashiir Cabdi Xariir.

Tim Mc Coy oo ka mid ah masuuliyiinta shirkada SGI ayaa dhinaciisa soo dhaweeyey booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxaanu sheegay inay shirkadoodu maal gashiyo muhiim ah ka samaysay dalalka Uganda, South Sudan iyo wadamo kale, waxaanu tilmaamay inay maalgashi ka bilaabi doonaan wadanka Somaliland, waxaanu si gaar ahu amaanay xukuumada iyo shacabka Somaliland oo uu sheegay inay u soo dhaweeyen si wanaagsan.
xuseen xarbi
maanta somalilaand.com
hargysa office
tel.0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com