Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

-Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta furay shir ay iskugu yimaadeen hay’ado caalami ah oo Somaliland ka caawiya dhinacyo kala duwan.

-Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta furay shir ay iskugu yimaadeen hay’ado caalami ah oo Somaliland ka caawiya dhinacyo kala duwan.

Shirkan oo sanad kasta lagu qabto magaaladda Hargeysa, ayaa lagu qiimeeyaa wixii sanadkaasi u qabsoomay iyo sanadka soo socda waxa u qorshaysay taas oo xukuumaddu ay doonayso inay hagto meelaha u baahan inay wax ka qabtaan.

Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr:Sacad Cali Shire ayaa sheegay in shirkani mid sanad leh oo hay’adaha caawiya iyo dawladaha qaadhaan bixiyeyaashu kaga tashadaan waxqabadka shacabka iyo baahiyaha jira sidii wax looga qaban lahaa.

Waxaanu yidhi.“Waxanu maanta ku qabanay Hotel Ambasador Shirkii Lixaad oo ku sabsanaa Xidhiidhka taakuleynta oo ay isku yimadaan madaxda Dawlada Somaliland ugu sareysa, iyo madaxda Hay’adaha Deeqa Bixiya inta u sareysa, iyo shicib weynaha Laftigiisa, shirkan Bilowgiisii waxa uu billaamay 2011-kii, ujeedadiisu waxa weeyi in marka laysku yimaado in lays wareeysto in la go’aamiyo wixii ku saabsan siyaasad iyo qorshe ee la xidhiidha mucaawimooyinka ay ina siiyaan Deeq Bixiyaashu, iyo in inaga laftigeenu u xoog warano wixii aynu qabsanay, iyo wuxu qorshaheenu yahay iyo wixii inoo mudan in laynaga caawiyo si ay u tixgaliyaan oo ay qorshahooda ku darsadaan wixii mucaawimo ee wakhtiga soo socda, sanadkan iyo kii horeba madaxweynaha ayaa inoo yimid oo inoo furay wasiiro badan ayaa yimid oo ka hadlidoona taasi waxay muujiynaysaa ahmiyad uu leeyahay shirku, halkan waxa inoogu yimid illaa 70-baatan xubnood oo ka socda Jimciyada quruumaha ka dhaxeysa, iyo hay’adaha Samafalka ee Caalamiga ah, iyo Baanka Addunka.”

Dhanka kale oo la waydiiyey in shirka lagaga wadahadlidoono sidii ay hay’adahani Somaliland uga caawin lahaayeen doorashooyinka ayaa wax auu yidhi. “Runtii waxyaabaha laga hadlayo ee la doonayo in gacan inaga siyaan Doorashooyinku way ku jirtaa, sida aad la socotaan madaxweynuhu wuxu dhawr jeer ku celiyey in ay dawlada ka go’antahay in doorashada inoo qabsoonto 2015-ka, doorashooyinkii horeba iyaga yaa inaga taageerijiray.” Ayuu yidhi wasiirku.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo khudbadiisa ku soo jeediyey af ingiriisi ayaa hay’adaha iyo dawladaha deeq bixiyeyaasha ka codsaday sidii ay u balaadhin lahaayeen mashaariicda horumarinteed ee ay ka wadaan Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu u mahadnaqay dawladda Ingiriiska iyo Danish-ka ee bilowday inay lacag qaadhaan ah ku ridaan sanduuqa horumarinta Somaliland oo si toos ah ugu soo ridaan, isagoo ka rajayey inay dalal kale jidkaasi oo kale mari doonaan.

“Dawladaydu waxay u taagan tahay wax ka qabashada iyo dib u habayn adeegyada muhiimka ah ee ay ka mid yihiin habsami u maamulka Maaliyada dawlada, adeegyada dadweynaha, cadaalada iyo maalgalinta amaanka iyo cimilada”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey shirweynahaasi.

Waxaani intaas ku daray “Waxa aanu leenahay qorshe aanu wax kaga qabanayno qaybahan aan tilmaamay. Waxa aanu taageersanahay dhinacyada ay wax naga dhexeeyaan si aanu u abuurno hay’ado iyo hanaan sharci oo la aamini karo oo noqon doona midhaha ka soo baxa heshiiska cusub (New Deal)”

Madaxweynuhu ayaa sheegay in Somaliland ay hore usoo martay mushiladdo balse ay xaliyeen, hada ay marayaan wakhtigii horumarka, isagoo arrintaasi sharaxaya waxa uu yidhi “Inkastoo Somaliland ay tahay wadan mushkilado hore soo maray ayey hadana gaadhay guulo balaadhan oo horumarineed, lamana dafiri karo baahiyaha horumarineed ee uu u baahan yahay. Haddii ay tahay xasiloonida iyo amaanka si loo joogteeyo iyadoo uu dalkani ku yaalo mandaqad ay rabshado badan ka dhacaan”.

Madaxweynuhu wuxuu beesha caalamka ka codsaday inay taageeraan horumarka ka socda Somaliland “Beesha caalamku waa inay ku taageero oo ay ku abaal mariso Somaliland hadafkeeda ah nabad waarta iyo siyaasad hufan oo sharciga la raacayo”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com