Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shirka Beelaha Arab ee afgarad saddexaad ayaa maanta uga furmay Magaaladda Baligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd. -ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Magaaladda Baligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd.

Shirka Beelaha Arab ee afgarad saddexaad ayaa maanta uga furmay Magaaladda Baligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd. -ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Magaaladda Baligubadle ee Xarunta Gobolka Hawd. – :

Shirkan oo ay ka soo qayb galeen Madaxdhaqameedka Beelaha Arab, Wasiirada Beesha ugu jira Xukuumadda, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Dhalinyaro iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo furitaankii shirkaasi hadal kooban ka soo jeediyay ayaa marka hore bogaadiyay idil ahaanba dadka shirkaasi ka soo qayb galay, waxaanu xusay in ay farxad gelinayso.

Waxa uu ku amaanay dedaalka ay la yimaadeen gudida qaban qaabada shirka beelaha arab, waxaanu xusay in looga baahan yahay isku duubni iyo midnimo in ay muujiyaan, waxaanu yidhi “Hadal badan ugamaan talo gelin in aan madashan ka idhaahdo, waxa aan laakiin ka horeysiisanayaa in aan ku dhawaaqo furitaanka shirka, dadkeenan ilaahay abuuray qof waliba waxa uu ku foogan yahay mawduuc.

Dadka qaar ayay himiladooda tahay in ay magac yeeshaan, dadka qaarna in ay xaga ilaahay u dhawaadaan, anaguna wanaaga ayaanu ka shaqaynaa hadii aanu nahay odayada.

Hadaba waxa aan idiin sheegayaa in shirkeenan afgarad saddex uu maanta inoo furan yahay” ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Suldaan Bare Xaaji Xuseen, Suldaan Maxamed Ismaaciil Foolgaawe, Mayorka Magaaladda Baligubadle iyo xubno kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in ay muhiim gaar ah u leedahay in shirkan ay beelaha arab ku yeesheen Magaaladda Baligubadle ay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah beesha arab.

Guddoomiyaha Gudida qabanqaabada ee shirka Beelaha Arab Maxamuud Xuseen Xirsi oo faahfaahin ka bixiyay qaban-qaabada shirkaasi ayaa sheegay in ay hawl dheer iyo dedaal badan u soo galeen sidii uu u qabsoomi lahaa shirkaasi, waxaanu yidhi “Waxa aan aad iyo aad ugu mahad celinayaa ka qayb geleyaasha shirkan sida fiican ee ay uga soo xaadireen, waxaanan idiin sheegi lahaa in shirkan aynu maanta fadhinaa uu yahay kii reerka.

Runtii shirkan aynu maanta fadhinaa in uu qabsoomo waxa uu u soo maray marxalado kala duwan oo mid waliba ay lahayd waayaheeda, waxaana ilaahay mahadii ah in uu maanta inoo qabsoomay.

Guddida qaban qaabada shirka beelaha Arab, waxa ay in badan ku dedaalayeen sidii uu shirkani mar uun ugu qabsoomi lahaa, taasna ilaahay ayaa ku guuleeyay.

Shirkani waa mid aynu ilaahay ku baryayno in uu ina waafajiyo tawfiiqda, waxaanu socon doonaa muddo saddex maalmood ah.

Sidoo kale waxa aynu kaga hadli doonaa mudada uu shirkani socdo horumarka beeshu dhulka ay degto.” ayuu yidhi.

Jaamac

Sheekh Mubaarak Muuse Oo ka mid ah gudidda gacanta ku haysa wadada baligubadle iyo Hargeysa u dhaxaysa ayaa isna ka codsaday in loo kaco wadadaasi sidii loo dhamaystiri lahaa.

Waxa uu amaanay dedaalka ay la yimaadeen dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda beeshaasi, waxaanu yidhi “Wadada Magaaladda Baligubadle iyo Hargeysa isku xidhaysaa waxa ay noo maraysaa meel fiican, waxaanan ku talo jirnaa in aanu dhamaystirno hadii alle yidhaahdo.

Runtii tacab badan ayaa gelaya wadada, laakiin waxa loo baahan yahay in garbaha la isla qabto oo aynu u wada istaagno sidii ay wadadaasi inoogu dhamaystirmi lahayd.

Waxa aan aamaanayaa dadka beeshan ka soo jeeda eek u kala nool dalka gudihiisa iyo dibada, labada kuwaas oo si laxaad leh ugu kacay wadada waxaanan leeyahay wali ma dhawa” ayuu yidhi

Dhinaca kale Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ka mid ah guddida wadada baligubadle iyo hargeysa, dhinaca kalena ka mid ah foolaadka Bulshada Gobolka Hawd ayaa hadal dheer oo ay halkaasi ka soo jeedisay waxa ay ku sheegtay in looga baahan yahay beelaha arab in shirkoodan ay ka soo baxaan qodobo mustaqbalka iyo jiilka dambe wax ka tari doona, waxaanay tidhi “Waxa loo baahan yahay maadaama beeshu ay isugu timid shirkan in ay ka soo baxaan qodobo wax lagaga qaban doono baahiyaadka kala duwan ee yaala deegaanada ay beeshu degto.

Waxyaabaha ugu badan ee loo baahan yahay in aynu iska kaashano waxa ka mid ah waxbarashada, caafimaadka iyo baahiyaadka aasaasiga ah.

Runtiina aad baan ugu faraxsanahay in aan maanta shirkan idin kala soo qayb galo, ilaahayna ha inooga dhigo midkii lagu badhaadhi lahaa” ayay tidhi

Dayib Faroole oo ka mid ah qurbe jooga Beelaha Arab ee dalka Qadar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in isku duubni iyo wada jir lagaga gudbi karo xaalada lagu sugan yahay, waxaanu yidhi “Shirkan aynu maanta isugu nimid waxa looga baahan yahay in ay ka soo baxaan qodobo lagu dhaqo reerka, waxaanan soo jeedin lahaa in lagu sameeyo gudiyo beesha ah oo xubnihiisa laga soo dhisayo dalka Gudihiisa iyo dibadiisa labadaba” ayuu yidhi.

Si kastaba ha ahaatee wajigii koowaad ee shirka beelaha arab ee afgarad saddex ayaa ku soo dhamaaday jawi degan, iyada oo labada maalmood ee soo socda lagu wado in uu shirku halkaasi ka sii socdo isla markaana lagu soo dhisi doono guddida beesha arab iyo waliba qodobo kale oo aad u muhiim u ah. inta shirka ka hadhay
sidoo shirkada somtelayaa u fududaysay warbaahinta xaga isgaadhsiinta interntka

Baligubadle/maantaSomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com