Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Haweenka Beesha Subeer Awal ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u soo jeediyey dhaliilo aad u culus, waxayna sheegeen inay siiyeen codkii ugu badnaa Doorashadii Madaxtooyada, isla markaana aanu u abaalgudin.

-Haweenka Beesha Subeer Awal ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u soo jeediyey dhaliilo aad u culus, waxayna sheegeen inay siiyeen codkii ugu badnaa Doorashadii Madaxtooyada, isla markaana aanu u abaalgudin.

Munaasibada balaadhan oo si weyn loo soo agaasimay oo xalay Haweenka Subeer Awal ku qabteen Crown Hotel ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay taageere u muujiyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxayna sheegeen in abaal badan oo uu u galay Madaxweynaha aanu u gudun, waxayna cadaalo daro ku tilmaameen go’aankii Guurtidu ka soo sareen khilaafkii Xisbiga Kulmiye.

Nuura Axmed Budle oo iyadu halkaas ka hadashay ayaa ayaan daro ku tilmaamtay heshiiskii lagu xaliyey khilaafka Xisbiga Kulmiye, waxayna sheegtay in Guddoomiyaha Golaha Guurtidu uu dhinaca saaray una hiiliyeyMadaxweynaha, kana hiiliyey Muuse Biixi Cabdi.
Haween tiro badan oo ka tirsan Beesha Suuber Awal, ayaa waxa ay sheegeen in Masuuliyiin ka tirsan Beeshooda, ay Xukuumaddu si aan sharaf lahayn ula dhaqantay, waxayna xuseen in Xukuumadda taladda dalka haysa ee uu Madaxweyne Siillaanyo hogaaminayo inay codkoodii iyo maalkoodiba ay u hureen, hadda kadibna ay tashan doonaan, waxa kale oo ay cadaalad daro ku tilmaameen Wargeysyada xayiran ee Hubaal iyo Haatuf, oo ay sheegeen inay sifo khaldan ay ku xidhan yihiin.

Faadumo Yuusuf Qodax oo iyana halkaas ka hadashay ayaa tidhi”Guddoomiyaha Golaha Guurtida inta uu London ka soo cararay ayuu Madaxweynaha u soo gurmaday, waxaana markaas go’aan lagu gaadhay in si shuruud la’aan ha lagu siidayo Inamadayda xidhxidhan, Ragga aad xidh xidheen Rag jeelka gaya malaha, nasiib daro inamadii la soo daayey waxa mid walba la waydiiyey qabiilkiisa, in gaar ah ayaa laga sii daayey, waxanu ahayn dadkii maalkayaga iyo naftayada ku siiyey, nasiib daro reer axmed siilaanyo dadkoodiia yey dadka ka dhex garan waayeen, Saleebaanow waxaanu kaa doonaynaa inaad inamada la sii daayo, markii kulmiye ahayn waa tii shaanida la inagu eedeen jiree, afarta wasiir aaha ee hareerahiina jooga ha moodin inay cod ku hayaan, dantayaduna dib nooga lumi mayso.

Kawsar Cali Faarax oo ah inan dhalinyaro ayaa si qiiro leh uga hadashay iyadoo sheegtay inay sideed sanno cadcadeedda u taagnayd Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweynaha Somaliland, waxayna Inantani halkaas ka tirsay Gabey, ay ku durayso Xukuumadda.

Ayaan Axmed Cabdi Gaas oo ku hadlaysay af Dhalinayarada Aqoonyahanka ah ee Haweenka Subeer Awal oo iyana halkaas ka hadashay ayaa tidhi” Inay maanta u qalanto inay tahay maalintii la tageeri lahaa Muuse Biixi, Maanta waxa loo baahanyahay isbedel, Daahir Rayaale waxaanu u bedelnay si aanu weji cusub aragno, ilaa hadda wax cusub may samayn waxay ku faanaan wadooyin ayaanu samaynay, wadada iyo biyaha waxa horeeya biyaha, Maanta waxaanu u baahanahay isbedel lagu bedelo Muuse Biixi, waxaan kale idinku darayaa laba Xisbi mid waxa uu soo bandhigay mid dhaqaale iyo mid horumarineed, sida nolosha wax looga bedeli lahaaa iyo sida qoys waliba u heli lahaa nolol uu ku noolaado, maanta dad aan waxba awoodi karin oo waxbarasho tagi karin ayaa jira waxaas oo dhan waxba lagama qaban karo, marka aynu wax dooranayno waa inaynu dadka wax qabanaya ku doorano, maadaama oo aanay waxba qaban aynu maanta Muuse ku tijaabino”

Nuura Axmed Budle oo iyana Munaasibadaas ka hadashay ayaa waxa ay tidhi” Waad ogtihiin Qaranku waxa uu ka kooban yahay qabiilo qabiilana ceeb maaha, hadii laba beelood wax loo qaybsaday waxay ahayd inay sidii ay tahay, ninka la yidhaa Xasan Macalin ee agtayda ka macno badan lahayn waa ninkii markii doorashaddu dhacaysay isagoo wasiir ah inta uu is casilay kulmiye ku soo biiray waa wakhtiga uu ragu kala baxo ee ninka gobta ahi ku adkaysto halka uu joogo, dadka reer kulmiye waxaan leeyahay dadka aad dooranasya iska eego oo hubiya, shaanidda marwaddu ha inaga dayso, idinkuna midnimadiina ilaashadda”.

Muuna jooqle oo iyana halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay in looga baahan yahay sidii ay iskugu duubnaan lahaayeen waxayna tidhi “Dan iyo Duco iyo Hoodaale isku tagay cid is hortaagi kara ma jiro, waxaan ka tirsanahy xisbiag NEW UCID, xisbiga kama bixi karo muuse bixi sharaftiisa ayey dwladina ku so baxday, maanta jaanis weyn baaa inoo banaan hadii aanu nahay beesha subeer Awal”.

Nuura Ismaacil Jirde oo iyana halkaas ka hadashay ayaa sheegtay inay ayaan daro tahay in Ciidamada RRU-du iyo Xukuumadda Somaliland ay dhib iyo tacdiyo ku hayso bulshada kala duwan, waxayna sheegtay in iyada guriga lagala baxay saqdii dhexe, oo Ciidamada RRU-du la baxday, isla markaana lagu eedayey Shaanidii, oo kowdii habeenimo inta lala baxay sideed subaxnimo la soo caliyey.Ugu-Muujiyey-Muuse-BiixiSiilaanyana-Ku-Eedeeyey-In-Aanu-Gudin-Abaalkii-Ay-U-Galeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com