Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shir Saxaafadeed saaka Madaxdhaqameed ka soo jeeda Beesha Gabeedka Hargeysa ku qaban lahaayeen Hotel maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa baaqday ka dib markii Dhalin yaro shirkaasidiidani soo dhex galeen.

Shir Saxaafadeed saaka Madaxdhaqameed ka soo jeeda Beesha Gabeedka Hargeysa ku qaban lahaayeen Hotel maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa baaqday ka dib markii Dhalin yaro shirkaasidiidani soo dhex galeen.
Shirka Jaraa’id ayaa Odayaashu taageero ugu muujinayeen Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo. dhalin yarada ayaa soo dhex galay Hoolka Odayaashu shirka ku qaban lahaayeen oo Saxaafadduna ku sugnayd, halkaasi oo ay kaga dalbadeen Odayaashu inaanay Shirkaasi Jaraa’id qaban, inta badan Odayaasha ayaa u hogaansamay dalabkaasi kana dareeray Hoolka, iyadoo Odayaasha Qaar iyo dhalin yarada gacan ka hadal dhex maray.
Dhalin yarada oo taageersan Muuse Biixi ayaa ku dooday inaan Beeshu taageersanayn Madaxweyne Siilaanyo, sidaasi darteedna Odayaashu aanay Ra’yiga Beesha ka been sheegin.
Dhalin yarada iyo Haween weynaha ka soo jeeda Beesha Gudoomiyaha Kulmiye ayaa marar kala duwan qabtay Shirar balaadhan oo ay taageero ugu muujinayaan Musharaxnimada Muuse Biixi.
Warar warbaahinta qaarkeed heshay ayaa sheegaya in Masuuliyiinta Beeshaasi ee Xilalka ka haya Xukumaddu shir layeesheen Odayaasha, una sheegeen in looga fadhiyo sidii ay u soo dhaweyn lahaayeen Go’aankii Golaha Guurtidu ku xalisay Khilaafka Kulmiye, taageerana ugu muujin lahaayeen Madaxweynaha islamarkaana Arbacada maanta loo balansanaa ka hadalka Arinkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com