Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Salaadiinta beesha Subeer Awal ayaa soo dhaweeyay isla markaana taageeray go’aankii ay golaha Guurtida Somaliland ka soo saareen xalinta khilaafkii xisbiga talladda haya ee Kulmiye iyo sidoo kale aqbalaadii labadda dhinac ee madaxxweyne Siilaanyo iyo guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabd

Salaadiinta beesha Subeer Awal ayaa soo dhaweeyay isla markaana taageeray go’aankii ay golaha Guurtida Somaliland ka soo saareen xalinta khilaafkii xisbiga talladda haya ee Kulmiye iyo sidoo kale aqbalaadii labadda dhinac ee madaxxweyne Siilaanyo iyo guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale waxa ay salaadiintaasi sheegeen in ay soo dhawaynayaan musharaxnimadda mar labaad ee madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Salaadiinta beesha Subaar Awal, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa, ayaa sheegay in ay beel ahaan soo dhawaynayaan go’aankii ay golaha guurtidu ka gaadheen xalinta khilaafkii xisbiga Kulmiye iyo sidoo kale aqbalaadii go’aankaasi

ee madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye. Waxa kale oo ay salaadiintaasi sheegeen in ay si buuxda u soo dhawaynayaan una taageersan yihiin musharaxnimadda madaxweyne Axmed Siilaanyo ee doorashadda soo socota.

Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele, oo ka halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Haddii aanu nahay salaadiinta beesha Subeer Awa lee halkan shirka jaraa’id ku qabtay waxaanu ayidsanahay go’aankii ay golaha Guurtidda Somaliland ka soo saareen khilaafkii xisbiga Kulmiye, ee ay madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbigu-ba qaateen. Anaguna sidaas ay ku qaateen ayaanu ku ayidsanahay, Somaliland dalalka kale ee inagu xeersan waxa ay dheer tahay golaha guurtidda, guurtidaas oo u taagan xalinta khilaafaad kasta oo dalka gudihiisa ka dhaca”.

Suldaan Geele, waxa kale oo uu sheegay in beel weynta Subeer Awal ay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay doorashadiisii hore yar iyo weyn-ba aanay u kala hadhin, iyada oo beeshu waxyaabihii ay ku dooratay madaxweyne Siilaanyo oo ahaa in uu yahay siyaasi ruug cadaa ah iyo aqoon yahan weyn oo laga filayay horumar, nabadgeliyo iyo hirgelinta qadiyadda Somaliland, arrimahaasina uu kaga dhabeeyay inta uu hadda xilka hayay.“Dhamaanba intaa aanu ku dooranay madaxweyne Siilaanyo wuu kaga dhabeeyay, Somaliland-na maanta halka ay marayso nin cadow ah mooyaane nin muwaadin ahi ka nixi maayo, mar labaadna waxaanu diyaar u nahay in aanu doorano madaxweyne Siilaanyo” ayuu yidhi Suldaan Xuseen Ismaaciil Geele.

Suldaan Axmed Cabdilaahi Samaale, oo isna halkaasi ka hadlay, waxa uu yidhi “Go’aankii ay golaha guurtidu ka soo saareen khilaafkii xisbiga Kulmiye aad iyo aad ayaanu u taageeraynayaa, golaha guurtidana waan u ugaga mahad celinaynaa hawshaasi ay qabteen iyo kuwii ay hore qaranka ugu soo qabteen. Khilaaf kasta oo yimaadana iyaga ayaa dhameeya, golaha guurtidu kaalinta ay Somaliland kaga jiraan mujtamaca Somaliland-na wuu u ogyahay, illaahayna wuu ka abaal marin doonaa, waxa kale oo aan iyagana tahniyadaynayaa madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga sidii wanaagsanayd ee ay u aqbaleen go’aankii guurtida”.

Waxa kale oo uu ka hadlay Suldaan Axmed Cabdilaahi Samaale, “Waxa kale oo aanu shacbiga reer Somaliland u soo jeedinaynaa in ay nabadgeliyadooda ilaashadaan, oo ay illaahay ugu mahad naqaan amniga wanaagsan ee uu ina siiyay. Nabadgeliyadda adiga ayaa ku nool ee iyadu kuguma noola, waxaananu shacbiga ugu baaqaynaa in aan nin muraad leh ku guurin, ee ay nabadgeliyadooda ilaashadaan” ayuu yidhi suldaan Samaale.

Sidoo kale waxa isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay suldaan Cismaan Sheekh Ibraahim Aw Muxumed, oo ah suldaanka beesha Awal Barri waxaana uu sheegay khilaafkii xisbiga Kulmiye ay hore uga hadleen dhamaanba beelaha dega Somaliland isla markaana beesha Subeer Awal ay tahay beeshii ugu danbaysay ee ka hadasha. Isaga oo tilmaamay in ay taageersan yihiin go’aankii ay golaha guurtidu ka soo saareen khilaafkii xisbiga Kulmiye.

Waxaanu yidhi “Sida aad ka war qabtaan khilaafka xisbiga Kulmiye beelaha Somaliland dhamaantoodba way ka hadleen, anagu haddii aanu nahay beesha Subeer Awal waxa aanu nahay beeshii ugu danbaysay ee ka hadasha, waxaananu taageersanahay go’aankaasi golaha guurtidda. Haddii dad loo gar-naqo gobanimadu waxay tahay in labadda dhinac ay aqbalaan, madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga waxaan leeyahay waad muujiseen gobanimaddii, oo waad aqbasheen go’aankii, shacbigana waxaan leeyahay madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbigu wixii ay isla qaateen ayaan qof muraad gaar ah leh si kale ugaga faa’iidaysan shacbiga, oo aanu si kale ugu fasarin”.

suldaan Cismaan Sheekh Ibraahim Aw Muxumed, waxa kale oo uu tilmaamay in ay taageersan yihiin musharaxnimadda madaxweyne Axmed Siilaanyo ee mar labaad, isla markaana ay beel ahaan taageerayaal u yihiin mar hore iyo imikaba xisbiga Kulmiye. “Waxaanu nahay taageerayaasha xisbiga Kulmiye mar hore iyo imikaba, waanu soo dhawaynaynaa musharax-nimadda madaxweynaha ee mar labaad doorashadda soo socota, shacbigana waxaan ugu baaqayaa in ay nabadgeliyadooda ilashadaan” ayuu yidhi suldaanka beesha Awal Barri.

suldaan Xuseen Aw Muuse Cirday, suldaan Maxamed daahir Cilmi, Suldaan Axmed C/laahi Dawaale iyo slaadiintii kale ee halkaasi ka hadlay ayaa dhamaantoodba waxay sheegeen in ay soo dhawaynayaan go’aankii ay golaha guurtidu ka gaadheen xalinta khilaafkii xisbiga Kulmiye iyo sidoo kale aqbalaadii go’aankaasi ee madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye.

Waxa kale oo ay salaadiintaasi sheegeen in ay si buuxda u soo dhawaynayaan una taageersan musharaxnimadda madaxweyne Axmed Siilaanyo ee doorashadda soo socota.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com