Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Shirwaynaha Beelwaynta arab ugu socda magaalada baligubadle ee xarunta gobolka haw ayaa maanta waji saddexaad si habsami ah ugu galay.

Shirkii Beesha Arab Oo Galay Wajigii Saddexaad Iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Hambalyo Udiray
Shirwaynaha Beelwaynta arab ugu socda magaalada baligubadle ee xarunta gobolka haw ayaa maanta waji saddexaad si habsami ah ugu galay.

Waxaa shirkaasi lagu doortay Guddi ka shaqayn doonta horumarinta Gobolka Hawd, iyadoo la ansixiyey Guddida Wadooyinka ee isku xidhi doonta wada baligubadle ee xarunta gobolka hawd.

Waxa kale ee Shirkaasi lagu Ururiyey lacag badan oo lagu dhisi doono Jidka Hargeysa iyo Baligubadle isku xidhi doona oo ilaa socda hada.

Dhinac kale Guddoomiyaha golaha wakiilad somaliland cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi Cabdiraxmaan Cirro ayaa hambalyo udiray shirka beesha arab uga socda beeshaas waxaana uu ilaahay uga baryay inuu nabada iyo wax wanaagsan laga soo saaro.

“Guddida la magacaabay waa Guddida

Horumarinta Gobolka, waxay ka shaqayn doonaan Caafimaadka, Biyaha, wadooyika, degaanka iyo Tacliinta. Waxaa Shuruud u ah Guddiga in Nin kastaaba isku filan yahay oo aqoon iyo Maalba leeyahay, waxaanay ka kooban yihiin 21 Xubnood , waxayna dhamaantood Guddidaasi ka shaqayn doontaa Horumarka Gobolka, Guddida Wadooyinka waa la ansixiyey kuwa kalena waa la meel marin doonaa.” Ayuu yidhi Xildhibaan Nac-nac oo u waramayay warbaahinta ku sugan magaalada baligubadle.

Xildhibaan Axmed Diiriye Nac-nac waxauu sheegay in Shirkaasi yahay Mid ka madax banaan siyaasad, laguna lafo gurayo Horumarinta Beesha iyo Gobolka Hawd. Waxa uu sheegay in Lacag badan loo Ururiyey Waddada Hawd iyo Hargeysa xidhiidhisa “ Qof kastaaba wuxuu noo dhiibay wixii uu hayay, qofbaa bixinaya Kun Doolar, mid baa bixinaya Boqol Doolar, labadii cisho ee u dambeeyay Lacagta aanu Ururinay ma qiyaasi kartid” ayuu yidhi Xildhibaan Nac-nac.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, ahna Gudoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro oo maanta ka hadlayay Munaasibad xisbigiisu ku qabsaday Hargeysa ayaa hambalyo u diray Shirka Beesha Baligubadle “ Waxaan Hambalyeynayaa Beelaha Somaliland ee Gobolka Hawd Shirka halkaasi uga socda, waxaanan u rajaynayaa inuu guul ugu soo dhamaado” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com