Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kulan maanta ay wada yeesheen Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Iyo Axsaabta Siyaasada ayaa ay kaga wada hadleen halka ay marayso u diyaarinta hawsha diiwaan galinta Codbixyeyaasha Doorashooyinka Soo socda ee dalka ka qabsoomi doona.

Kulan maanta ay wada yeesheen Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Iyo Axsaabta Siyaasada ayaa ay kaga wada hadleen halka ay marayso u diyaarinta hawsha diiwaan galinta Codbixyeyaasha Doorashooyinka Soo socda ee dalka ka qabsoomi doona.

Kulankan oo ahaa mid ariduhu ay u xidhnaayeen ayaa kadib markii ay uu soo idlaaday waxaa warbaahinta uga warbixiyey waxyaabihii ay kawada hadleen Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe

“Waxaanu ka wada hadalnay shaqadii Diiwan galinta Codbixiyeyaashu halka ay marayso,Waa ay mahadsan yihiin Shaqo fiican ayaa ay qabteen meel fiicana waa ay noo maraysaa,waxaanu isku diidnayna ma jirto warbixintii ay nasiiyeen,waxaana noo muuqata in aynu aad iyo aad ugu dhawnahay in ay inoo qabsoonto diiwaan galintii.Bisha 21-keeda waxaa la galayaa Tijaabadii diiwaan galinta Codbixiyeyaasha waxaana laga galayaa magaalada Baki iyo Magaalada Hargeysa oo goob ah 300-oo qof ayaa lagu tijaabinayaa 200-qof waxaa la doonayaa in ay ku celceliyaan si loo arko bahalku in uu shaqaynaayo iyo in kale si u kasa,markaa warbixintaas ayaa ay nasiiyeen in ay hawshaasi ay qabten waanan isku af garanay wax naga Xumaadayna ma jiraan”Ayuu yidhi Eng:Faysal Cali Waraabe

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo hadalkiisa sii wata ayaa rajo ka fiican ka muujiyey qabsoomida doorashooyinka fooda inagu soo haya isaga oo tibaaxay in mar hadii ay Axsaabta Siyaasada,Komishanka Doorashooyinka Iyo Wasaarada Arimaha Guduhu ay ka midaysan yihiin ay aanay rajo fiicani ka muuqato waxanaa uu yidhi:

“horta dadku waa dad yar weeye waxaana ay wakhtiga diiwaan galintu ay qaadataa waxa weeye waa afar bilood markaa waxaanu jecel nahay in horta sanadkan gudihiisa ay noo qabsoonto diiwaan galinta si wanaagsan oo aan khal khal ina galin,doorashooyinkiina hada wali lama gaadhin laakiin waxa aanu hada ka hadlaynaa waa diiwaan galintii Codbiyeyaasha doorashooyinka dalka si daasi awgeedna hada wax badan ayaa lawada qaban karaa hadii la wada shaqeeyo hada sadexda Xisbi qarana waa ay wada shaqaynayaan wax aanu ku kala duwanahayna ma jirto Komishankuna waa uu inala shaqaynayaa daakhiliyadana waa ay la shaqaynaysaa markaa waxaan filayaa mar hadii la wada shaqaynaayo in hawshu inoo hawl yaraat

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com