Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Agaasimaaha Waaxda Cashuuraha dawlada hoose ee Hargaysa oo hawshani si toos ah uga dhex muuqday ayaa Hadhwanaagnews uga waramayay hawshan ayaa ku tilmaama

Dawlada hoose ee Hargaysa ayaa si rasmi ah u bilawday shalay nidaamka lagu hir-galinayo diwaan-galinta gaadiidka kala duwan ee dadweynaha caasimada Somaliland ee Hargeysa,

Nidaamkan ay Dawlada Hoose ku hir-galinayso diwaan-galinta gaadiidka caasimada oo uu hor-kacayay Agaasimaha Waaxda Cashuuraha dowlada hoose ee Hargaysa Yuusuf Sooraan oo ah masuulka hir-gelinta hawshani ay sida tooska ah u hoos timaado iyo Maayar ku xigeenka caasimada Hargaysa C/casiis Maxamuud Xaashi (Cagaweyne) iyo xildhibaan Mubaarik Cabdi Madow, waxaanay Agaasimaha Waaxda Cashuuraha ee dawlada hoose iyo Maayar ku-xigeenku ayaa si rasmi ah ugu dhajiyeen labadii gaadiid ee u horeeyay ee lagu dhajiyo astaanta diiwaan-gelinta dawlada Hoose ee Hargaysa.

Agaasimaaha Waaxda Cashuuraha dawlada hoose ee

Hargaysa oo hawshani si toos ah uga dhex muuqday ayaa Hadhwanaagnews uga waramayay hawshan ayaa ku tilmaamay in hawshan diiwaan-gelinta ay tahay mid aad muhiim ugu ah guud ahaan gadiidka kala duwan ee ka dhex shaqaysta caasimada Hargaysa,

Waxaanu yidhi, ‘’Diwaan-galintan muhiimadeeda koobaad waa in si dhamaystiran ay inooga dhamaato hal mar diwaan galinta gadiidku, waxaanan ku kaydin doonaa hab casri ah, oo aan xili kala aan dib loogu noqo noqon, in lagu daro gadiidka cusub moyee hadii ALLE yidhaa , arintasina waxay inaga caawinaysaa in lamberka la siiyo gaadiidka uu qiimo yeesho, gaadiid kastaana aanu ka dhex shaqaysan casimada, sidoo kale waxaa maamulkoodu qiimo yeelanayaa iskaashatooyinka iyo cashuurta dowlada hoose uga soo xaroonaysa gaadiidka. Diwaan galinteenan shalay aanu bilawnay waxaan rajaynayaa in ay noqoto mid aynu si wada jira ah uga wada qayb qaadano ka dowlad hoose ahaan iyo ka iskaashato ahaanba, run ahaantii waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa gudiyada iskaashatooyinka sida sharaafta iyo muwaadinimada leh ee wada shaqayntu nooga dhaxayso, waxaanan ilaabi karin sida qiimaha leh ee marka aanu ugu yeedho shirarkii aanu soo wada qaadanay sida fiican ee muwaadinimad leh ee ay nooga aqbali jireen, Sidaas datreed maanta (shalay) waxaynu ku bilaabaynaa gaadiidka iskaashatooyinka basaska yar yare ee Dalmar iyo Maroodijeex, labadaa iskaashato kaddib, gadiidka aanu ku xigi doono ee ay ka mid ka yihiin iskaashatooyinka basaska waawayn, gadiidka gobalada iyo degoomiynka u kala baxa, tagaasida yaryar iyo gadiidka kale ee aanan carabka ku dhufanba dib ayaanu ka soo sheegi donaa sida ay u kala horyn donaa marka ay labad iskaashato naga dhamadaa todobaad ka soo socoda haddi ALLE yidhaa.

Si kastaba ahaatee hawshan ayaa waxa hormood ka ahaa Agaasima Waaxda Cashuuraha Yusuf Sooraan oo ah Khabiir ku takhasuusay Maamulka cashuuraha iyo maaraynta kastamada. Sidoo kale Maayir ku xigeenka casiimada.C/casiis Cagaweyne, ayaa sheegay in ay si buuxda u bilaabeen diwaan galinta gaadiidka dadweynaha u adeega isaga oo sheegay in aanay magaalada ka dhex Shaqayn Karin bas ama gadiid kale oo ay diwaangalintu ku waajibtay calaamada dawlada hoose ee Hargaysa, waxanu kula dardaarmay inay si habsami ah ula shaqeeyaan dawlada hoose si ay hawshani u hir-gasho.’’, ayuu yidhi Agaasimuhu.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com