Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

General Mohamed Nuur Xirsi Taliyihii Hore ee Sirdoonka Qaranka Somaliland ayaa loo Magacaabay Xoghayaha Amniga ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani taasi oo ah guul weyn oo u soo hoyatay Xisbiga iyo taageerayaashiisaba.

General Mohamed Nuur Xirsi Taliyihii Hore ee Sirdoonka Qaranka Somaliland ayaa loo Magacaabay Xoghayaha Amniga ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani taasi oo ah guul weyn oo u soo hoyatay Xisbiga iyo taageerayaashiisaba.

General Mohamed Nuur Xirsi ayaa ah sarkaal ku takhasusay Cilmiga Sirdooka iyo Amniga, isla markaanna ah Injineer ku takhasusay Cilmiga Taangiyada Dagaalka(Tanks),General M.N.Xirsi ayaa ah Sarkaal Caana oo Sirdoonka Caalamku yaqaaniin isla Markaana Umada afka Somaliga ku hadasha iyo Dawladaha Deriska ihiba si fiican u yaqaaniin,waana saraakiishii ugu horeysey ee loo diro Wadankii la odhan jirey( midowga Soofiyati–Soveit Union 1960′s)

Ku biiritaanka Xisbiga Wadani iyo xil u magacaabista General Mohamed Nuur Xirsi ayaa ah guul weyn oo u soo hoyatay Xisbiga Wadani iyo Taageerayaashiisa waxayna dhaawac iyo dhabar jab ku tahay Dawlada Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye ee hore Generaalku uga tirsanaan jirey.

General Mohamed Nuur Xirsi ayaa noqonaya Sarkaalkii ugu darajada weynaa ee ka tirsan Qoyska Siilaanyo ee ka baxay Maamulka Dawlada iyo xisbiga Kulmiyeba kuna biiray Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com