Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inay diyaar u tahay wadahadal ay la gasho kooxaha degaannada bari ee dalka iyo waddamada jaarka ah si hab nabadgelyo ah loogu xalliyo xiisadda colaadeed ee ka taagan degmooyinka Taleex ee Sool, Buuhoodle iyo Sanaag/bari warsaxaafadeeda ka soo baxay wasaarada arimaha dibada

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inay diyaar u tahay wadahadal ay la gasho kooxaha degaannada bari ee dalka iyo waddamada jaarka ah si hab nabadgelyo ah loogu xalliyo xiisadda colaadeed ee ka taagan degmooyinka Taleex ee Sool, Buuhoodle iyo Sanaag/bari.

Warsaxaafadeed luqadda Ingiriisiga ku qoran oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ka soo baxay, nuqul ka mid ahna Jamhuuriya helay shalay, ayaa sidoo kale dalalka beesha caalamka loogu baaqay inay gacan ka gaystaan fududaynta wadahadalkaas oo meel kasta oo darruuri ah lagu qaban karo.

“Jamhuuriyadda Somaliland waa dal dimuqraadi ah, qof kastaana uu codkiisa ku leeyahay horumarinta mustaqbalka ee dalkayaga, balse kicinta rabshadaha xasilooni-darrada ah maaha wax la aqbali karo, kuwaasoo sababi xasilooni-darro keenaya in ururrada argagixasada ee Al-shabaab u noqda fursad ay kaga faa’iidaystaan. Waxaannu sii wadi doonaa in aannu bulshada caalamka iyo dalalka aannu dariska nahay oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Maamul-goboleedka hoostaga ee Puntland iskaashi kala samayno sidii loo damaanad qaadi lahaa in wadamadayadu noqdaan qaar nabadgelyo iyo ammaan ah, Waxaanna markasta naga go’an in khilaafaadka jira oo dhan hadday gudaha yihiin iyo kuwa dibbadaba lagu xalliyo hannaan nabadgelyo ah.

Waxaannu soo dhawaynaynaa fursad kasta oo annu wadahadal kula yeelano kooxaha gudaha ah iyo dalalka aannu dariska nahayba…(Si xal nabadgelyo loogu helo degaannada colaaduhu ka jiraan ee bariga Somaliland). Waxaannu beesha caalamka ugu baaqaynaa inay caawiso fuddudaynta wada-xaajoodka meel kasta oo darruuri ah, iyadoo lagu xisaabtamayo xaqiiqda dawladnimo ee madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 23 sanno jirka ah,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Somaliland.

Qoraalka luuqadda Ingiriiska ku qoran ee nuqulka ka mid ah soo gaadhay Jamhuuriya oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Mr. Siciid Cali Muuse, ahna khabiir dhinaca isgaadhsiinta iyo macluumaadka dadweynaha u qaabilsan Wasaaradda, ayaa sidoo kale lagu sheegay in degaannada Somaliland ee dhinaca bari u joogaan hab waafaqsan xeerarka dalka u yaal iyo shuruucda caalamiga ah, isla markaanna qaab nabadgelyo hawlgalkaasi u dhacay, dadweynaha degaannaduna soo dhaweeyeen.

“Maalmihii u dambeeyey, kooxo kala duwan ayaa doonayey inay minjo-xaabiyaan degannaanshaha iyo isku duubnida dhul ahaaneed ee Somaliland, iyaguu isku dayey inay kiciyaan khilaaf gudaha, markaa ciidanka qaranka oo fuliya codsi dadka degaanka uga yimi, waxay u dhaqaaqeen degaannada dhinaca bari ee dalkayaga si ay nabadgelyada u sugaan, sharciga iyo kala dambayntana u dhaqangeliyaan. Hawlgalka ciidanka qarankuna wuxuu u dhacay si nabadgelyo ah oo si buuxda u waafaqsan xeerarka dalka iyo shuruucda caalamiga ah,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka dawladda Somaliland.

Waxa kaloo Wasaaradda Khaarajigu qoraalkeeda ku sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland masuuliyadi ka saran tahay ilaalinta nabadgelyada iyo badbaadada muwaadiniinteeda, xaqna u leedahay inay farogelin iyo hawlgalo ka fuliso goob kasta oo dhulkeeda ka mid ah, isla markaana xuduudka Somaliland yahay mid cayiman oo ilaa xilligii guumaysiga jiray, kaasoo Somaliland si buuxda u dhaxashay markii ay madaxbannaanida ka qaatay Ingiriiska 26 June 1960-kii.
Muuqaalka gaadiidka ciidanka oo ku socda magaalada Taleex

Warsaxaafadeedka, ayaa sidoo kale lagu caddeeyey in markii dawladdii Soomaaliya burburtay sannadkii 1991-kii ay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda si waafaqsan xeerarka caalamiga ah, xadkiisuna ku salaysan yahay kii loo aqoonsanaa markii xoriyada la qaatay 26 June 1960, kaasoo sidoo kale waaqafsan mabaadii’da Ururka Midawga Afrika uga yaal xudduudihii dalalka Afrika ka dhaxleen guumaysayaashii reer Yurub, sidaa darteedna dawladda habka dimuqraadiga ah lagu doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland ay xaq u leedahay maamulka gudaha xudduudkeeda, una madaxbannaantahay dawladnimadooda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa warsaxaafadeedka ay soo saareen ku sheegay in dawladda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ay dedaalo badan u gashay dhiirigelinta dib-u-heshiisiinta, xoojinta nabadgelyada iyo ammaanka, dammaanad qaadayna horumarinta degaannada gobollada bari ee Somaliland.

“Waxa annu xallinay khilaafyo maleeshiyaad gudaha ka jiray, qaarkoodna xilal ayaa looga dhiibay xukuumada, waxa kaloo aannu xidhiidh la samaynay madax-dhaqameedka degaananda bari ee dalka si loogala xaajoodo tabashooyinka bulshadooda, waxaanan bilawnay mashaariic horumarineed oo loogu tallogalay degaannada Sool iyo Sanaag, kuwaasoo ay ku jiraan dhismaha Jaamacadda Laascaanood, dhaqaale ururinta loogu jiro dhismaha waddada isku xidhaysa Burco iyo Ceerigaabo si degaannada bari iyo caasimadda Somaliland si fiican isugu xidhmaan,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Xukuumaddu warsaxaafadeedkeeda kuma caddayn magacyada kooxaha ay sheegtay inay wadahadalka la gelayso, balse waxa la filayaa inay ka mid yihiin kooxda Khaatumo iyo siyaasiyiinta colaadaha ku hawlan oo uu ugu horreeyo Cali Khaliif Galaydh.

Xigasho:Jamhuuriya

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com